Explore a giant antique store at eBay
Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
EMAIL
EmailFree
YAAB BADANAA
Yaab Badanaa....Murugo Badanaa
Daawo halkan [PowerPoint]
English Version
Waxa soo diyaariyey:
Abdulfatah Mohammed [Canada] iyo
Abdulqaadir Diriye
[UK]
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Akhri halkan May 1
Qore: Muhammad Dhubat(Caddaawe)
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta
Akhri halkan May 7
Qore: Ibrahim Salah
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WWW.AMIIR.SOMALITALK.COM
bismillah

Bosaso, 12/05/01

KA FAA’IIDEYSIGA DALLADDA BOQORRODA SOOMAALIYEED OO LA ISUGU KEENO DKMG, SRRC, HAMBADA UMMADDA, PL & SL.

Iyadoo la isku raacsanyahay aysanna ahayn inay cidi dhibsato in wali la baadi goobayo dawlad ama maamul loo dhanyahay oo wada daboola Soomaaliya, waxay ila noqotay inaan markale ina wada xusuusiyo talo ay dhawaanta soo jeediyeen dad badan oo aan ka mid ahay ayna u riyaaqeen dad badan iyo waaxyo ka mid ah maamulka Puntland, taariikhdiisuna ahayd: 14.06.00, in yar ka hor wixii kasoo baxay shirkii Carte.

Taladaasi iyadoo kooban waxay ahayd sidatan:
"XUKUN U CELINTA XUKUMIHII ISTICMAARKII KA HOR OO AHAA BOQORRADII SOOMAALIYEED/ A RETURN OF POWER TO THE PRE-COLONIAL RULER: THE ROYAL LEADERS”.

Baahida taas inagu khasbaysa waxay tahay su’aasha ah: wadadee loo mari karaa qaab dhismeed qaran ama dawlad SomaliYeed oo ku salaysan talawadaagga ah islaamiga ee aan cidna isu ekaysiinayn, kana tarjumaysa baahideenna? Waa lagama maarmaan su’aashani haddii la doonayo in aysan hambada ummaddu ku Danbayn GUNNIMO IYO DIIN LA’AAN.

Soomaalidu waxay u baahan tahay inay kilyo u yeelato wajihidda xaqiiqda ah inuu cadawgeedu ka adkaaday oo uu burburiyey isla markaana uusan u ogolayn inay is dabaqabato! Hadaba diyaar ma loo yahay is-caymin?

Haday tahay jawaabtu "haa" waa in loo guntado halgan hor leh oo lagu jibaaxayo awood cadaw ah oo hortaagan in dib loo gu noqdo sidii la ahaa ama ay umaddu isu maaamulaysay markii ugu danbesey "muslimnimo, dadnimo, nabad iyo nolol dhab ah" taas oo ahayd markii la ahaa UMMAD WALAALAA OO MUSLIMA OO AY HOGAAMIYAAN BOQORRO HAATAN LOO YAQAAN ISIMO.

Hadaba waxaa loo baahan yahay abaabul ama isxilqaan sadexaad oo ku salaysan xaqaa’iqa kor ku xusan ambaqaadkiisa iyo xilkiisa kawaadna uu noqdo inuu hambada ummadda Somaliyeed ka badbaadiyo hardanka horta leh ee ay isugu hanjaabayaan dawladda ku meel gaarka ah iyo Golaha Dibu heshiisiinta iyo dib u soo celinta Qaankii Soomaaliyeed (SRRC), iyadoo dhinaca kalena ay labada maamul ee pl iyo sl dhawaanahan is dhaafsanayeen farriimo kulkullul oo cabsi leh, iyadoo islamar kaana la ogyahay inuu dhinac walba isku hallaynayo ama helikaro taageerada dalal kala duwan oo aysan Somalidu isku raacsanayn daacadnimo dooda.

Boqorrada ama Isimadu waxay isku xajin karaan kuna khasban yihiin beelahooda ay ummaddu ka kooban tahay. Waxay marka labaad isku xajin karaan (iyagoo eebbe la kaashanaya) ummadda iyo diinta islaamka oo ay horaba ugu soo xukumijireen oo haatanna aan loo dhaamin, casriyeyn kasta oo la inoo soo mariyo habka caalamiga ah ee cusub ee loogu magac daray GOLOBALIZATION oo ku macne dhaw duni koobid/carri edegeyn, haddii aynu is cayminayno! Taas waxaa u sababa ah Isimada oo Isim walba uu dhab ahaanta yahay Boqorka Beeshiisa oo ah mas’uuliga haysta aqlabiyadda ama maqal ugu sarreeya ee shacabka marka la barbar dhigo mas’uuliyiinta kale ee bulshada, inkasta oo ay taasiba marakan tahay dabaweer xirmina doonto hadaan laga gaarin.

BOQORRADU waxay noqon karaan dalladda ama aqalka sare ee dalka ahna joogtada maadaama aysan ku dhacayn doorasho. Waxay u dhigmi karaan MAJLISU SHUURA dalka u go’aamin kara kudhaqanka diinta Islaamka maadaama aysan jirin beel Boqorkeeda ka diidaysa qaraarkaas.

Waxay dhisi karaan dawlad casri ah oo ah qaab boqortooyo (boqorro badan) oo aan lahayn madaxweyne iyo xisbiyo dalka ugu tooran buuqa iyo burburka ay ku caan bexeen. Waxay badalkeeda magacaabi karaan laba tiro oo kala yar oo mid laga soo dhexdoorto (public voting) baarlamaan, tirada kallena laga soo dhex doorto raysulwasaare soo dhisa wasiirro xirfadleyaal ah oo ka sarreeya dawlad goboleed yada iyadoon marnaba laga maarmayn nidaamka federaalka si aan dib danbe isku mee loogu uruurin awooda iyo hantida ummadda.

Waxaan hadana laga maarmayn in la sameeyo xarun dhexe oo cusub oo gobolka buuxin kara shuruudeheeda uu yahay Mudug oo ah xudunta dalka ahna xuduudka laba ka mida beelaha waaweyn ee ummaddu ay ka kooban tahay. Hadda ka dib sida ay taariikhdu ina bartay [awoodda, sharafta, nafta, maalka la wadaago meesha ku haboon in la dhigto waa dhexda wadaageyaasha si loo wada gaari karo loona wada difaaci karo.

Ugu danbayntiina waxaa daruuri noqotay in la isku baraarujiyo in xilka oo dhammaaan teen ina wada saaran uu hadana xoogiisu saran yahay REER BOQORRADA UMMADDA iyo gaar ahaan garbaha shaqsiyaad kale ee reer boqorrada oo ay tahay inay isu gartaan loona garto inay yihiin AMIIRRO IYO AMIIRADO, waxaana la joogaa dabayaaqadii waqtigii loo baahnaa in la qabto SHIRKA AMIIRRADA si bal ay reer boqorradu isugu dayaan gurmadkii ugu danbeeyey ee ummaddooda iyagoo la kaashanaya ALLAHOOD!

MAHADSANIDIN
IYO WA BILLAAHI TOWFIIQ

AMIIR CABDULRAXMAAN ISLAAM AADEM (AMIIR MIHIYE)
C/O: TEL:252 523 4594 FAX:__________
E-MAIL: amiir@somalitalk.com | alharameyn@brtel.com iyo: beder@somalitalk.com
WEBSITE:www.amiir.somalitalk.com


LIFAAQ:

  1. Xukun u celinta Boqorrada/Isimada Somaliyeed/Return of Power to the precolonial Power (the Royal Leaders) u dhigmaya:majlisu shuura.
  2. Aqalka la soo doorto/Elected House from nominees by the Royal Leaders
  3. Raysul wasaaraha/ Prime M.elected by the elected house or by the voters.
  4. Golaha Wasiirrada/The Council of Ministers.
  5. Dawlad Goboleedyada/Federal States.
  6. Codeeyeyaasha/The Voters.

Posted: May 13, 2001


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Mon, Jul 23, 2001
MAC-HADYO
beder.somalitalk.com
MacHadka Beder, Boosaaso
asalcomputer.somalitalk.com
MacHadka Asal, Muqdisho
GALKACYO
www.gos.somalitalk.com
Office Supplies, Galkacyo
BAYAANO / PRESS
www.ssb.somalitalk.com
Beelaha Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle
Beesha Mudullood
Shirkii UK ee May 12
Baaqii Beelaha G.Bari
Axdiga PL, May 3
Lajiifiyaana Banaan!
Koor Column
BARO HTML
www.html.somalitalk.com
Waa meel aad kabarankartid sida loo sameeyo bog Internet ah
MAGAC@SOMALITALK.COM
email.somalitalk.com/free
waa meel aad email magacaayga@SomaliTalk.com aad ka samaysankartid
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere