BismilaahiRaxmani Raxiim
Minnesota SomaliStudent Union
Ka Noqo Xubin Buuxda

Xiriirka Ardayda
Waxaad halkan kala xiriiri kartaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay ka joogan dunida, adiga oo adeegsanaya fariin dawiyaha u goonid ah, ardayda Soomaliyeed ee Minnesota.[Guji]
Students Mailing List
Is-Xogwaraysi
Golaha Siyaasada
Golaha Murtida Iyo Maanka
Dhismaha Midowga
Maadaama ilaa iyo imika uusan jirin maamul si rasmi ah u matala, Midowga waxaa aan garanay in aan dib u dhigno soo gudbinta magacyada maamulku ka kooban yahay ilaa iyo amar dambe Madaxa Warbaahinta.". akhri sida iyo qaabka uu u dhisanyahay Midowgu.
Guji Halkan
MSSU Waa ayo
Midowgu sidii waa horeba la isla gartay waa mid u taagan sidii uu u gudan lahaa waajibaadka ka saaran bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ardayda Gobolka, ilaa iyo imika midowgu waxa uu hoowshiisan u gutaa sidii loogu tala galay
Axmed Xuseen Xaashi
Madaxa Warbaahinta Midowga
Guji Halkan
Wargays Bille ah.
Waa wargays bille ah, oo ay soosaaraan Midow-ga Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota,
Qoraalkan oo dhamaystiran
Sidee Umaarayn
. Lahayd
Hadii Wax lagaa waydiiyo qaabka ugu fiican ee loo maarayn karo waxbarashada Soomaaliya sidee wax oga oran lahayd, taladaada ka dhiibo.
mssu.somalitalk.com
Dareen Ma jiro
Dareen Majiro wa run, Mar hadaad soo dhex gasho mar barnaamij tacliin, dadka tacliintu waxa ay qabaan qaab, iyo dariiqad suuban tan oo ay ku xalin karaan, wixii markaa ay dhibaato u arkaan, dhexdooda iyo xataa wixii iyaga ka baxsan.
www.mssu.somalitalk.com
Ka Noqo Xubin
Marka aad Damacdo in aad iska diiwaan geliso halkan, waxa uu Form-kan ku waydiinayaa, magacaaga oo sadaxan, schoolka aad Tagto waxa uu major-kaagu yahay, iyo faalo yar oo ku saabsan waxa aad kusoo biirinayso Midow-ga ee fikrad ama wax-qabad ah.
Fadlan form-kan Buuxi

.Hoyga | Su'aalaha soo dir | Sanduuq Xor Ah | Usheeg Ardayda | War-Celin | Maxaa Cusub
w w w . m s s u . s o m a l i t a l k . c o m
Minnesota Somali Students Union,

Ogaysiis

Waxaanu goor dhow idiin soo gudbin doonaa, waraysi dheer oo arday ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota uu la yeeshay Madaxwaynaha cusub ee imika loo doortay iin uu hogaamiyo Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Miinesota.

Waraysigan ayaa sida lagu wado uu oga warami doona madaxwaynuhu qaabka uu doonayo in uu u maareeyo, dhamaan caqabadaha hortaagan in uu midawgani noqdo mid mira dhala, isla markaana kasoo baxa ama kasoo dhalaala ujeedooyinkii loo dhisay, siday dooniba ha noqotee waxa aad sugtaanba waa waraysigaa oo imika faraha lagu hayo ka shaqayntiisa

Halkan Kala Soco Waraysiga Oo Dhamaystiran Sep, 16. 2000


MSSU Oo Jilba Goosatay.

Taa waxaa xigtay in galabnimadii sabtida, ee ay taariikdu ahayd 17, Aug, 2001 shir la isugu yimi, kan oo ay ujeedadiisu ahayd, in xilka lagaga wareejiyo gudoomiyihii hore ee Ururka Mr.Jamaal Cabdulaahi, kadibna uu dib u dhigay tan iyo sabtida xigta ee Aug, 25, 2001, maanta oo xiligii la mudeeyay ahaydna, aan lagu arag halkaa iyo golihii lagu dooran lahaa gudoomiyaha cusub..Isagana xilka lagaga wareejin lahaa.

Akhri QoraalkaOo Dhamaystiran Aug 27, 2000



Ottawa University.

Waxaan in dhawaydba dabada hayay socdaalkaygii dheeraa ee aan ku marayay Bariga Woqooyiga Amerika, Xarunta Dalkan Canada Ontario, iyo weliba meelo badan oo aan damacsanahay in aan cagta sii mariyo, kahor inta aanan dib ugu laaban halkii aan ka imid ee Minnesota, Minneapolis.

Kahor intii aanan u gudbin xagaa iyo University Ottawa, oo aan Ururka ardayda Soomaaliyeed kulan kula lahaa, ayaan iyana cagta Soo mariyay harta in badan oo idin ka mid ahu ay maqleen, tan sida goonida ah loogu magacaabo Harta Ottawa. Quruxda iyo Sansaanka Eebbe wayne u sameeyay waa mid runtii yaab leh, waa astaan ka mid ah kuwa uu la kelida yahay rabbiga dunida iyo uunkaba sameeyay.

Akhri QoraalkaOo Dhamaystiran June 16, 2000


Whether through course work or
extracurricular activities,

A civil war brought them to Minnesota. A commitment to service keeps them connected to their community. GC Somali students discuss their views of education and community service.

Sadiq Yusuf Mohamed, his mother and fifteen siblings fled from Somalia into Kenya, staying three years in the Utange Refugee Camp until it was closed in 1994 by the United nations. The family then eked out an existence in the capital of Nairobi before migrating to the United States in February 1996. "I never believed anything could be that cold," says Sadiq, reflecting on his arrival in Minnesota.

Read more May 8, 2000


Bisinka intaan horay u
boobay...ayaan misana socodkii boobsiiyay...!!!!

Markii iigu horaysay ee aan soo gaaray Dalkan Maraykanka ayaa waqtigayga intiisa badan aan ku qaadan jiray, yaab amakaag iyo weliba dhabanahays...waxaan arkay arimo badan oo aan sida runta ahi dadku waxba u haysan, asiise anaga waa marka laga hadlayo Ummadda aan ka dhalanaye nagu ah ceeb iyo caloolxumo aan loo meel dayin....

Waxaan arkay inta ka shaqaynaysa dhismo qaran, ilaalinta anshaxa iyo asluubtii weligeed lagu yiqiin Ummadda Soomaaliyeed, dawaynta damiirkii dhibaatadu dhaawacday, xaqdhoowr ku jeeda deriska ama dadkan shisheeye ee aan maanta la deganahay, iyo inta u dhaqtamaysa burburinta iyo la dagaalanka waxwalba oo hagaagsan, abuurida marxalad xasilooni daro lagaga dhalinayo Xaafadaha ay Soomaalidu degaan ama ay deganyihiin, iyo falwalba oo aan hagaagsanayn in ay badan yihiin kun iyo koow jeer qolyaha dambe ee aan sheegay...ilaa iyo imika sababtu ma cada..mana qabo in ay jiraan qaar iyagu xadidi kara halka iyo barta ay dhibaatadu ka jirto...

Akhri qoraalka dhamaystiran May 2, 2000


Dood Iyo Dood Celin.

Waxaa Isku Soo Duway
Axmed Asad..
April, 30, 2001

Dadyohow dood baad wadaan
Damiirkayga holoc baa ku baxay
Halbawlayaashaa i Dubaaxiyoo
Dareen xaq ah baa i galay
Dalabtaan kuuu diidayaa
Dacwaan waan celinayaa
Dooduna way furan tahee
Dadkaygii-yoow i maqal!

Diinteenu waa furqaan baad i tidhi
Daahirku waa cadyahaad i tidhi
Dulmigu waa madow baad i tidhi!

Akhri isagoo dhamaystiran April 30, 2000


Xilal Kala Duwan ayaan Soo Qabtay
Midna Ilaahay iguma Ceebeen.

Kulan aad iyo aad u balaarnaa oo ay soo qabanqaabiyey Midowga ardayada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa lagu qabatay habeenkii xalay aahaa University Of Minnesota, kulankan oo ay ardaydu ugu talagaleen in uu noqdo aqoon kororsi ayay ku cazuumadeen Mudane Maxamed Abshir Muuse, oo ah rugcadaa xaga dhaqanka iyo siyaasada Soomaalida.

Kulankan oo sida runta ah aad iyo aad loosoo abaabulay ayaa waxaa kasoo qayb galay arday Soomaaliyeed oo jaamacadaha, kuliyadaha waxbarashada sare, iyo dugsiyada sareba ka kala yimid. waxaa kaloo wehliyay dadwayne iyaguna deegaanka jaamacada ahaa oo maqlay in caawa ardaydii Soomaaliyeed ay cazuumadeen mudane Maxamed Abshir Muuse, dabadeedna soo beegsaday madashaa kulanku ka dhacayay.

Hadaba waxaa si xamaasadi ku dheehantahay kulankaa u furay Yaasin Garad oo isagu arday ka ah University Of Minnesota oo habeenkii xalay ahaa marti loo ahaa, Mr.Garaad waxa uu soo dhaweeyay Ardaydii, Dadwaynihii, mudane Maxamed Abshir oo sababtii loo caqiday kulankan, kadibna waxa uu qalabka warbaahinta kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Minnesota Mr.Jamaal Cabdulaahi Adam.

Akhri warbixinta oo dhamaystiran April 9, 2000


Kalfadhigii Spring
Break-ga Ee Midowga MSSU

Sidii Cadaada ahaydba Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota waxa uu si toos ah isu arki jiray sadex xili oo kala duwan, saxeddan xili oo mid walba oo ka mid ah ay ardayda Gobolku kaga hadlaan sidii loo horumarin lahaa danaha guud iyo tan gaar ahaaneed ee ardayda Gobolka.

Waxa uu kala jeedaa midowgu goorta uu leeyahay tan guud iyo gaar ahaaned, waxa jirta in aysan isku heer ahayn dhaman ardayda wax ka barat Gobolka, tanina ay tahay tan sababtay in si guud iyo si gaar ahaaneedba uu ula shaqeeyo Midowgu dhamaan heerarka waxbarasho ee ay ku suganyihiin Aradayda Soomaaliyeed ee Gobolka.

Waxaa hadaba 24kii bishan oo ku beegnayd maalin sabti ah la oogay kalfadhigii Spring Break-ga ee Midowga Ardayda Soomaaliyed ee Gobolka, kan oo bilawday abaarihii 7dii fiidnimo ee waqtiga magaalada Minneapolis. Kalfadhiganu sida runta ah waa uu ka duwanaa dhamaan kalfadhiyadii isaga ka horeeyay, waayo waxaa kasoo qayb galay Xubno ka sicday Ururka Macalimiinta Soomaaliyeed ee Gobolkan Minnesota.

Akhri Qoraalkan oo dhamaystiran April 5, 2000


Midowga Ardayda Soomaaliyeed
Ee Minnesota

Boggan waxa uu qayb ka yahay dadaal wayn oo mudaba loogu jiray sidii ay ardayda Soomaaliyeed ee Dalkan Maraykanka gaar ahaan Gobolkan Minnesota u midoobi lahaayeen, isla markaana ay aragtiyadooda kala duwan isu dhaafsan lahaayeen. Shaki kuma jiro sida aan ku wadno in boggani uu wax wayn ka tari doono sidii looga dhabayn laha riyadaa iyada ah.

Midow-waynaha Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa la aasaasay, horaantii sanadii 1996kii, kolkaas oo qaar ardayda ka mid ahi ku fakireen sidii la isugu keeni lahaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Gobolkan Minnesota, halka ugu dambayntuna ujeedadu tahay in si dhan la isugu xidho, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata maraykanka iyo guud ahaan dunida oo dhan, dadaalkii noocaas ahaa ilaahii ina abuuray wuu inagu guuleeyay, maantana waxaanu gaaray in aan idiin soo gudbino boggan oo ay leeyihiin Midow-waynaha Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota,

Waxaa hadaba uu si dhan oga warami doonaa booggan qaybo badan oo ka mid ah dadaalka ay ardayda Soomaaliyeed ugu jiraan, sidii ay u gacan qaban lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Maraykanka gaar ahaan gobolkan Minnesota, waa marka laga hadlayo ardayda waxbarashada heerka koowaad sida Dugsiyada Sare, dhexe, iyo weliba hoose.

Akhri Qoraalkan oo dhamaystiran Marso 24, 2000


Xaga Sare / Up

Posted by Mssu.SomaliTalk Team


www.mssu.somalitalk.com
Usheeg Ardayda Schoolkiina | War-celin
Ilaahay Baa Wayn
Bar Ama Baro
Walaalahaa Waxbar
. Wed, September 26, 2001

Baro Cilmiga HTML
Waa Barnamij Wanaagsan oo uu soo diyaariyay nin dhaliinyaro ah oo isagu ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baratay qurbaha, waxa uu u qoranyahay si fudud, oo weliba laguu fududeeyay oo lagu qoray afkeenii hooyo, waa ilaahay mahadii, ilaa iyo hada waxaa ka faa'iidaystay arday badan oo ku dhaqan meelo kala duwan oo dunida ah, xataa marka lagu daro dalkeenii hooyo Soomaaliya
html.somalitalk.com [Guji]

GABDHAHA MINNESOTA
Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahayd gabdhaha kale ee Soomaalida. Akhri qoraalka oo dhan

Ardayda Iyo Waxa Ay Qoraan
Qoraalo
Warbixinta Xararumaha Waxbarashada

Xeerka Minnnesota Somali Student Union.
Waa Xeerka keliya ee ilaa iyo hada ay isla ogolaadeen Xubnaha Joogtada ah ee Midow-waynaha ardayda Soomaaliyeed ee Miinesota, kan oo markii ay xubnuhu ansaxiyeen kadibna si dhan loogu dul akhriyay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata kuliyadaha waxbarashada sare Gobolka.
Halkan Ka Akhri

Guryasamo
Barwaaqo ah
Waa qoraalo laxiriira bulshaweynta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jooga xiligan, waxaa soo diyaariya isla markaana isku soo dabarida arday ka tirsan ardayda Minnesota.
Guryasamo.somalitalk.com

Maxaa Cusub
Wixii cusub waxad waydiin kartaa, somalitalk.com
www.somalitalk.com

RA'YI-ga Ardayda
Waa qayb ay ardaydu ku cabiraan aragtidooda ku wajahan barnaaamijyada waxbarasho Ee Gobolka ama Xarumaha kale ee waxbarasho Ee Ay Ku Suganyihiin
opinion.mssu.somalitalk.com


Xaga Sare | La-talin Xaga Waxbarashada Ah | Sanduuq Xor Ah | Usheeg Ardayda | Nagu soo War-celi

Chat | Opinion | Weekly Wisdom
Adna Dhagaxa Anna dhoobada
Kii Ka Dhuuntee Dhibka Diidoow Dhaxal Kuma Lihid

Copyright © 2001 mssu.somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.