iSubmit
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
Get Your Free Space
 Wararka
· Soomaaliya
· Afrika
· Adduunka
 Xiriirka Ardada
· Students Mailing List
· SomStudents Chat
· SomStudents Forum
 Xarunta Guud
· Codkaaga Dhiibo
· Dhambaal Isudirid
· Goobta Kulanka
· Dood Cilmiyeed
· Shirka Djibout
· All-Forum
 Aqoon Guud
. Halxiraale
. Maahmaahyo
. Sheeko Xariir
. Gabay & Geeraar
. Aqoon Guud
. Eray-Bixin
 Aqoon Isweydaarsi
· Somali Chat
· Ra'ayigaaga
· Talasiin
 Jaaliyadda
· SomBeauty
· Baafinta
 Rugta Ganacsiga
· Dukaanka somalitalk
 Ku Biir Somalitalk
Guji Halkan
 Buugga Martida
Sign Guestbook by GuestWorld View
freemail

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
MAQAALLADII SHIIKH SAAHID
ASALKA DIINTA GOWSKA KU ADKEE!!!!!
Shiikh Saahid Maxamed Yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com
TORONTO, CANADA

April 19, 2000  

AL-salaamu calaykum:

Horay waxaan uga soo sheekeynay sababaha Allah Shareecaddiisa u soo dejiyey in ay xafido, waana ka soo hadalnay seddexdii qeybood ay u qeybsameen oo kala aheyd:

A)kuwa lagama maarmaan ah.
B)kuwo loo baahan yahay.
C)kuwa Qurxin ah.

Sidoo kale waxaan soo sheegnay kuwa lagama maarmaanka ah ii diinteenna sharafta lahi dhawrtay in ay yihiin:

1)In la dhawro Diinta.
2)In la dhawro nafta bani-aadamka.
3)in la dhawro caqliga baniaadamka.
4)in la dhawro Taranka ama jiritaanka Bani-aadamka.
5)in la dhawro hantida ama Maalka.

Maanta waxaan ka hadlaynaa maxaa Islaamka Asal u ah Ama tiirar. Islaamku wuxuu leeyahay labo tiirar oo waaweyn oo lagu magacaabo ASAL.

1)In aad caabudid Allaah kaligiis adiga oon la xariirineynin malak Allah soo dirsaday ama Nabi Allah u dhaw, iska daa wali aad adigu dhoobdhoobatay'e.

Maxaa alle ka run badan markuu yiri asagoo carabka nabigiisa noogu waramaaya: (Ruuxna uma sugnaanin in uu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinimo,markaas kadib uu dadka ku yiraahdo ii noqda Addoomo  aniga i caabuda Allah sokadiisa, laakiin wuxuu ku Dhahaa Noqda kuwo Rabi u hogaamsan kitaabka aad Baraysaan Dartiis iyo waxa aad Baraneysaan oo dhanba. La idin farimaayo in aad Malaa'igta iyo Nabiyada aad Rabi ka dhigataan, miyaa la idin farayaa kufrinimo markaad Muslimteen kadib) 3:79-80.

 


(It is not possible for any Humanbeing to whom Allah given the Book and AL-HUKUM ( the knowledge and and understanding of the laws of the religion)and the prophethood to say to the people:" Be my worshippers rather than Allah's." On the contrary(he would say):" Be you RABBANIYYUN(learn men of religion who practise what they know and also preach others),because you are teaching the book, and you are studing". Nor would he order you to take angels and prophets for lords(gods)would he order you to disbelieve after you have submitted to Allah's will.) Tafsir al-dabari 3:79-80.(1)

Sidoo kale wuxuu Allah ku yiri Quraankiisa: (Xaqqiiqee waxaan u soo dirnay Ummad kasta Rasuul(kaas oo oranaaya): Allah kaligiis caabuda kana fogaada waxkasta oo Allah ka soo hara oo la caabudo(DAAQUUT)...)17:36. 


(And verily, We have send among every Ummah (Community, Nation) a messenger [proclaiming]" Worshi Allah {alone}and avoid{or keep awayfrom} Taghut (All false deities i.e do not worship Taghut besides Allah}).17:36.(2)

Taasi waa Asalka kowaad ee Diinteena Suuban waana Qebta hore Tiirka kowaad ee Islaamka, Waa ASHAHAADADA'E.(LAA ILAAHA ILA ALLAH). Waxayna u Qebsantaa Diidmo iyo sugitaan( Qeybta hore waxay Diideysaa in Ilaah Xaq lagu caabudaayi uu jiro Adduunka).(Qeybta labaadna waa sugitaan Allah oo kaliya loo sugaayo in uu yahay ilaaha xaq lagu caabudo Adduuunkan). Kuwo Been lagu caabudaayi wey badan yihiin waxaanna ka mid ah Rususha sida CIISE NNKH oo kale iyo AWLIYADDA.

Cibaadadu Sujuud kaliya ma aha BARYADA ayaa ka mid ah cibaadada sida Aayadani sheegeyso: (Haddii aad baridaan baryadiina maqlimaayaan, Haddey maqlaanna idiinka Aqbalimaayaan,Maalinta Qiyaamana wey ku kufrinayaan shirkigiina- (Shirkiga halkan sujuud lagama wado ee waa Baryadii laga soo hadlaayey)- Yuusan kuu waramin midka lala hadlaayow ama Nabi Maxamadow NNKH ruux aan khabiir aheynin WAA ALLAH KALIYA).35:14 


(If you invoke (or call upon) them,they hear not your call; and if(incase) They were to hear,they couln't grant it (your request) to you. And on the Day of resurrection, they will disown your worshipping them. And none can inform you (O Muhamed) like him who is all knower (of everthing).35:14.

Taas ayaa ku tuseysa in aadan Ruuxna Allah la xariirin karin sida Allaha Khabiirka ihi kuu sheegay,gadaashiis qof kale ha wey diin Shiikhnimoba ha sheegtee, Cibaado uu rabi leeyahayna Ruux kale ha siinin Nabiba ha ahaadee. Nin saxaabi ah ayaa Nabiga ku yiri:(Nabiyow wixii Allah doonana wey Dhacaan ,waxaad Adigu doontidna wey dhacaan)Markaas ayuu nabigu xanaaqay oo ku yiri:(WAAR!!! Allaah miyaad ila sintay!!!Dheh wuxuu Allah doonay oo kaliya ayaa dhaca?.ama sidaas oo kale ayuu yiri. 

Sidoo kale waa kii Nabigu u Diiday Abubakar AL-sadiiq oraahdiisii aheyd: (na keena aan munaafiqaan Nabiga ka magan galnee)markaas ayuu nabigu ugu jawaabay NNKH:(Aniga la ima magan galo ee Allah baa la magan galaa!!!)Ama sidaad oo kale ayuu yiri Naxariis korkiisa ha ahaatee. Sidoo kale waxaa Nabiga la su'aalay :(DANBI KEE BAA UGU WEYN?. Markaas ayuu ku Jawaabay NNKH :( In aad Allah u yeeshid mid u dhigma...)

Waxaan shiikhyada Afka ugu dhuftay kulligeen waan ognahay in la baryo oo laga baryo (carruur,caafimaadsiin,mid maqan soo aruurintiis,mid gaajoon quudistiis,mid aan guursan nin u raadintiis, mid safraaya badbaadintiis,wax lumay soo celintood IWM). Haddii aad isleedahay Arrimahaas maxaad haatan uga hadleysaa sowtii laga jaahil baxay,Runtii waxaa Toronto ka dhisan Urur wargeys soo saara Dadkana Khuraafaadkaas ku faafiya Siyaaradii Shiikh Awees Ama C/qaadir jeylaani ayaan dhigeynaa meesha lagu dhigaayo waa xaggee Toronto,Dixon. Allaahow na Badbaadi, Masjid intuu ka fogaaday yaa mowlac ka hiinraagay!.

Akhri qaybta 2aad

WABILAAHI TOWFIIQ

Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com
TORONTO, CANADA 

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM
If you re-post this article to your website, please keep the credit.
Copyright 2001 somalitalk.com.


[Bogga Hore] BOGGA HORE BILOWGA [Bogga Xiga]

Saahid Columns
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |

Kor / Up

Posted by SomaliTalk Team
April 19, 2000


www.somalitalk.com
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
. Mon, October 29, 2001
Saahid Columns
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |
BARO HTML
HTML waa barnaamij aad u sahlan oo kamida barnaamijyada lagu dhiso bog shabakada Internetka.
html.somalitalk.com [Guji]
CADDAAWE COLUMN
Waa barnaamij laxiriira xeer kasoo baxay Canada oo kusaabsan dugsiyada.
caddaawe.somalitalk.com
WARARKA SOOMAALIDA
. SomaliNews
. Muqdisho
. NewsIndex
NOLOSHII SAXAABADA
Waa barnaamij kamid ah kuwa dadka ugu badan akhristaan marka laga hadlayo barnaamijyada kusoo baxa Somalitalk, ee ha u dayma la'aan in aad soo booqatid
Saxaabada.somalitalk.com
UMUURAHA ISLAAMKA
Waa laba-toddobaadle oo Cabdirisaaq Maxamed uu kaga hadlo arimaha laxiriira Islaamka
UmuurahaIslaamka
CODKA AAMUSANAHA
Waa laba-toddobaadle oo cabdi Guuleed uu ku faaleeyo qoraalka uu u bixiyey "Codka Aamusanaha"
Codka Aamusanaha
GURYASAMO
Waa qoraalo laxiriira bulshaweynta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jooga casrigan
Guryasamo.somalitalk.com
SAAHID COLUMN
Waa barnaamij toddobaadle ah oo lagulafaguro faraqa u dhexeeya caqliga suuban iyo fasahaadka
Saahid Column
HABEEN & MAALIN
Waa todobaadle lagu eego arimaha Soomaalida ee toddobaadkaas taagan
Abshir Column
RA'YI - OPINION
Waa qayb ay dadweynuhu ku cabiraan aragtidooda
opinion.somalitalk.com
FREE WEBSITES
freeWeb
. Get your free website now
. Get your free email now!


Top | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Feedback

somalitalk.com
Chat | Opinion | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.