S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
Get Your Free Space
 Wararka
· Soomaaliya
· Afrika
· Adduunka
 Xiriirka Ardada
· Students Mailing List
· SomStudents Chat
· SomStudents Forum
 Xarunta Guud
· Codkaaga Dhiibo
· Dhambaal Isudirid
· Goobta Kulanka
· Dood Cilmiyeed
· Shirka Djibout
· All-Forum
 Aqoon Guud
. Halxiraale
. Maahmaahyo
. Sheeko Xariir
. Gabay & Geeraar
. Aqoon Guud
. Eray-Bixin
 Aqoon Isweydaarsi
· Somali Chat
· Ra'ayigaaga
· Talasiin
 Jaaliyadda
· SomBeauty
· Baafinta
 Rugta Ganacsiga
· Dukaanka somalitalk
 Ku Biir Somalitalk
Guji Halkan
 Buugga Martida
Sign Guestbook by GuestWorld View
freemail

.Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Soomaalida Qurbaha | Baro Saxaabada | Baro HTML
SHAKIIB COLUMN
The author is a PhD candidate and researcher at the Department of the Agricultural and Environmental Biotechnologies, Ancona University (Italy)
A R A R

QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO DUNIDA SADDEXAAD
Bashir Sh. Mohamed
shakiib@hotmail.com
Updated: December 12, 2000

Bogga: | 1aad | 2aad |

UJEEDDO

Qoraaladan taxanaha ah (ilaa saddex qaybood oo isdabajooga) ee aan halkan ku soo bandhigayno ayaa ku saabsan khiyaamada caalamigaa ee qashinka suntaa loogu waaridayo guud ahaan dalalka soo koraya gaar ahaanna dalka Soomaaliya iyo musiibada ay keeneen ama keeni karaan mustaqbalka. Ujeeddooyinka qoraalladan ayaa dhinac ka ah kuwo xog iyo xaqiiqa raadis ah dhanka kalana ka raba in xogtaas la gaarsiiyo ummadda soomaalida ee dhibku khuseeyo islamarkaasna lagu dhiirri-galiyo sidii ay arrimahaas uga hortagi lahaayeen ama xuquuqdooda ugu halgami lahaayeen. Waxaan ujeddooyinka qoraallada ku soo koobayaa:

  1. In dadka soomaaliyeed ay dhug iyo dhaayo u yeeshaan waxyaalaha aadka halista ugu haya caafimaadka iyo tayada nolosha soomaalida hadda nool iyo jiilalka dambbe ee soo socdaba iyo guud ahaan saxada degaanka Soomaaliya bad iyo berriba. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ay maleegaan quwado shisheeye iyo gacan aan loo jeedin kuwaasoo markooda marar abadan garab ka hela ashkhaas ama kooxo soomaali ah asii soomaalinimada ku tacadiyey;

  2. In dadka soomaliyeed ka fekero bal hadda sida ugu habboon ee ay xuquuqdooda ugu ololayn lahaayeen una baranlahaayeen in ay ka dhacsadaan intii karaankood ah ciddii hororka ku ah. Maanta oo soomaali aad u farabadani dunida reer galbeedka ku dhaqantahay oo ah meesha eelkaasi ka soo unkamo ayaa laga yaabaa in haddii la isku dayo in wax uun natiijo ah laga keeni lahaa haba yaraato ama ha soo daahdee. Way habboonaan lahayd in ugu yaraan ay codkooda caalamka maqashiiyaan;

  3. Waxay u egtahay in si gaar ah arrimahan waajib uga saaranyahay dadka aqoonta leh iyo kuwa iyagu masuuliyiinta u ah jaaliyadohooda (meeshii ay ka jiraan). Tusaale ahaan way habboonaan lahayd in ardayda soomaalida ee jaamicadaha dibedda ka baxayaa ay daraasaddooda qalinjabinta ay arrimahan oo kale ku baaraan oo ku soo bandhigaan gaar ahaan kuwa barta culuunta shuruucda caalamiga ah, kuwa siyaasadda, kuwa deegaanka iyo laamaha cilmiga ee la xiriira oo ah kuwo farabadan;

  4. Iyadoo laga dab-qaadanayo tilaabooyinka siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ay ku dhaqaaqeen waddamada kale ee soo koraya oo waddamada reer-galbeedka iyo shirkadohoodu ku xadgudbeen, waxay soomaalidu u ololayn kartaa:

    1. Sidii loogu dirqin lahaa dalalka qashinka lahaa inay tilmaamaan oo daaha ka qaadaan dhulka iyo xeebaha sida gaarka ah loo sumeeyay;
    2. In waddamadaasi lagu dirqiyo inay inta goori-goor tahay ay dib u soo rartaan inta ka hartay qashinkaas iyagoo u diraya qalab ku habboon iyo dad xirfad u leh hawlaha noocan oo kale ah;
    3. In ay marka mar ugu horraysa joojiyaan iyagoo u hogaansamaya Qawaaniinta caalamigaa ee jira sida Axdiyadii Basel, Bomako, London Convention, heshhiskii LomčIV, kuwa Qaramada Midoobay iyo qaar kaloo badan,
    4. In loo saaro arrintan guddi caalami ah oo qimayn ku sameeya dhibka ummadda soomaaliyeed iyo degaankooda muddo dheer loo geysanayey iyadoo si gaara loo eegayo xilliga adag ee Soomaaliya ku jirtay markaas, khasaaraha ilaa hadda taasi keentay iyo kan weli aamusan ee mustaqbalka dhow iyo kan dheerba ka dhalan kara isla dhibkaas;
    5. Waxay xaq u leeyihiin soomaalidu in dhibkaas loo geystay mag-dhaw waafi ah una qalma dhaawaca soo gaaray laga siiyo kaasoo loo fidinayo heer Qaran, Gobol, Degmo iyo Qoys-ba (dadka ku aafoobay);
    6. In dadweynaha soomaalidu, dalkii ha ku dhaqnaadeen ama dibedda ha joogeene, maanta iyo berriba, ay si adag uga digaan masuuliyoontooda heer kasta (Qaran, Gobol, Degmo, Beel, iwm) inaan xuquuqdooda lagu xadgudbin oo aanay masuuliyiintaasi marnna ku hamiyin inay heshiisyo aan xalaal ahayn la galaan shirkado iyo quwado shisheeye oo halis gelin kara aayaha ummadda.

AFEEF

Qoraaladan baa ah maxsuulkii ka soo baxay cilmi-baaris la sameeyey waqti aaanay Soomaaliya ka jirin tobankii sano oo u dambeeyey wax dokuminti ah oo heer Qaran tirakooba ama dabagal ku sameeya dhibaatooyinka noocan ah iyadoo ay weliba u badantahay in xitaa markii ay jirtay Dawladdii militeriga ahayd aanay taasi jirin. Sidaa awgeed macluumaadka halkan lagu soo koobay ayaa ah kuwo dhammaantood laga soo ururiyey ilo Soomaaliya ka baxsan (dalka dibeddisa). Inkastoo qaar laga soo xigtaya daraasado jaamiaado ajnabi ah iyo hay'ado caalami ahi sameeyeen ayaa haddana waxaa qayb weyn ka ah warbixino kala duwan oo ay saxaafadda caalamku ka qortay arrimahan tobankii siddeeddii sano ee u dambeeyey. Ilahaas ayaana ah marjaca macluumaadka halkan akhristuhu ka helidoono.

CUDUDAAR

Sida daraasad kasta lagu yaqaan, gaar ahaanna kuwa saxaafadda macluumaadka ay soo bandhigayaan qayb ka soo minguuriya, waxaa dhici karta inaan 100% macluumaadkani ahayn mid xaqiiqada kama dambaystaa waaafaqsan oo naaqus iyo siyaadaba way jiri karaan. Inkastoo taas aad looga taxadarey ayaanay ahayn haddana mid la reebi karo. Waxaanse shaki ku jirin oo 100% la hubaa in dhib weyn loo geystay Soomaaliya iyo soomaalida oo arrintani tahay mid baaxad weyn islamarkaasna aan eelkay dhashaa dhaqso u dhammaanayn. Taasna weeye midda ugu weyn oo raadkeeda lagu joogo.

MAHADNAQ

Marka hore Alle ayaa mahad leh. Marka xiga waxaan si aan la soo koobi karin ugu mahad-celinayaa Mr. Mohamed Ali oo ah assaasaha iyo Webmaster-ka SomaliTalk.com oo aad gacan iiga siiyey xagga farsamada iyo soo bandhigga ama daabicidda daraasaddan iyo weliba xagga links-ka joogtaynta ama updating-ka.

QAYBTA 1aad

Halkan ka akhri...

Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD Candidate /and Researcher
Email: shakiib@hotmail.com


Akhri Qaybta 1aad [Guji]
SHAKIIB COLUMN
BOGGA:

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 |

Kor / Up

Posted by SomaliTalk Team


www.SomaliTalk.com
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
. Tue, November 27, 2001
SHAKIIB COLUMN
BOGGA:

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 |
BARO HTML
HTML waa barnaamij aad u sahlan oo kamida barnaamijyada lagu dhiso bog shabakada Internetka.
html.somalitalk.com [Guji]
CADDAAWE COLUMN
Waa barnaamij laxiriira xeer kasoo baxay Canada oo kusaabsan dugsiyada.
caddaawe.somalitalk.com
WARARKA SOOMAALIDA
. SomaliNews
. NewsIndex
NOLOSHII SAXAABADA
Waa barnaamij kamid ah kuwa dadka ugu badan akhristaan marka laga hadlayo barnaamijyada kusoo baxa Somalitalk, ee ha u dayma la'aan in aad soo booqatid
Saxaabada.somalitalk.com
UMUURAHA ISLAAMKA
Waa laba-toddobaadle oo Cabdirisaaq Maxamed uu kaga hadlo arimaha laxiriira Islaamka
UmuurahaIslaamka
CODKA AAMUSANAHA
Waa laba-toddobaadle oo cabdi Guuleed uu ku faaleeyo qoraalka uu u bixiyey "Codka Aamusanaha"
Codka Aamusanaha
GURYASAMO
Waa qoraalo laxiriira bulshaweynta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jooga casrigan
Guryasamo.somalitalk.com
SAAHID COLUMN
Waa barnaamij toddobaadle ah oo lagulafaguro faraqa u dhexeeya caqliga suuban iyo fasahaadka
Saahid Column
RA'YI - OPINION
Waa qayb ay dadweynuhu ku cabiraan aragtidooda
opinion.somalitalk.com
FREE WEBSITES
freeWeb
. Get your free website now
. Get your free email now!


Top | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Feedback

somalitalk.com
Chat | Opinion | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.