Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shiike
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SACMAAL.SOMALITALK.COM
B U U G

BAADIGOOBKA AAFOOYINKA

AIDSKU XAGGEE KA YIMID?

MA AFRIKA?...MISE?

(cilmi-baadhis)

Qore: Col. Ibraahim Sheekh Muxumed Sacmaal.
ibrahim@somalitalk.com

_______________________
Daabacaad: May 25, 2001

ARAARTA BUUGGA

Tixahan maansada ah waxa tiriyey Baashe Cilmi Sacmaal. Baashe waa nin aad u da’yar oo dhowr iyo labaatan jir ah. Waxa uu ku bilaabay tirinta suugaanta isaga oo sadex iyo toban jir ah, inuu u heeso kuwa ay isku da’da ahaayeen. Waqtiyadaas oo uu ku noolaa meelihii uu ku soo koray, sida Magaalooyinka Hawdka, ka dibna magaalada Hargeysa isaga oo ku soo barbaaray guriga adeerkii Allah ha u naxareestee ”Sheekh Muxumed Sacmaal”. Baashe waxbarashda waxa uu ka gaadhay heerka dugsi sare.

Hadaba, haddii la isweydiiyo, sidee ayuu wiilkaa yari ugu gabyi karaa?, jawaabtu ma foga, oo waa marka horee, hibada Eebe ayaa bixiya , waa marka labaade, waxa uu hide raacay Gabayaagii caanka ahaa ee gabayada caanka ah lagu yiqiin oo ah: Allah naxariistii Jano ha siiyee “Cali Jaamac Haabiil”. Baashe markaa, waxa uu ka tafiirmay Allah ha u naxariistee “Khadra Cali Jaamac Haabiil” oo aabihii Cilmi Sacmaal (oo isaguna gabayaa ah iyo kuwo kale) dhashay, Khadra tarankeedu waqtigan la joogo waxa ay wax badan kor u dhaafayaan boqol qof.

Baashe, habeen habeenada ka mid ah, isaga oo akhriyaya buuggan oo wali aan dhammaanin, hase ahaatee dhammaad ku dhowdhow, ayuu marka uu meel dhexe marayo inta uu joojiyey maansadan ii tiriyey, ( waxa kale oo jirta inaanuu Baashe tirinin tan oo kali ah, ee suugaantiisu ay aad u badan tahay).

Waxa ka dib uu ii sheegay inay dhowr arimood oo ku qoran buugga ay isla markiiba jidhiidhico jidhkiisa wada saaqday kana keeneen maansadan. Arimahaas waxa ka mid ah, Halyeyadii Afrika qaarkood sida loo aamusiiyey, Dr Nkrumah sidii gumaysigu u khaarajiyey, Lumomba iyo kuwii la socday sida loo dilay iyo sida kuwa maanta Afrika ka dhaqdhaqaaqayana loola raboi wadadii kuwii hore loo mariyey iyagana loo mariyo!. Maansadu waxa ay leedahay:-

AHEEY QAARAD-DAYDAAY!

  • -Aheey Qaarad-daydaay…hadaad maanta ugub tahay,

  • -Ibtilada la beeriyo…….aafadu ma joogteen,

  • -Isticmaarkii waa hore...ku adoonsanjiriyo,

  • -Odayadan ku haystaa…haday kuu arimiyaan,

  • -Eed laguma saareen…ubaxaagan baxayiyo,

  • -Ubadkaaga meel kale…looguma abtiriyeen,

  • -Isha saraca khayrkiyo…oofahaaga waaweyn,

  • -Macdantii ku aasnayd…intuu iibsho duul kale,

  • -Qamadida stodhkiyo...dayn kuma amaahsheen,

  • -Ahaan mayso caynkane...waxa iman ayaan wacan,

  • -Dulmigaa abaadee…xaqu wuu iftiimaa,

  • -Maruun baa ilays baxay… inta awrta loo raro,

  • arinkaagu meel mari,

  • -Aafada xanuunkee…lagu soo anbinayiyo,

  • -Goormay ogaan kari...Afrikaanka qaawani,

  • -Goormuu ilays baxay…u iftiimindoonaa,

  • -Halaq laba afle ahiyo…abriskii u soo galay,

  • -Nin ogaa Nekruumiyo…kuwii Lumumbe aasoow,

  • -Ifka mayla joogtaan...anna maydin eegaa,

  • -Afku maydin yahay malab…uurkuna ma yahay dhagax,

  • -Aramidu ma xeel baa...ma ujeedo dheer baa,

  • -Goormuu ogaan kari…aqooyahanka soo baxay,

  • -Nin ugaadhsan jirayoo…maantana albaabkiyo,

  • -Aqalka ugu soo galay…qofka aanadaa qaba,

  • -Aheey qaarad-daydaay!…aheey qaarad-daydaay!.

Baashe Cilmi Sacmaal

Waxa ka soo wariyey: Qoraha Buugga

Ibraahim Sh. M. Sacmaal

Taariikhda: 20/03/01,

Malmö-Sweden

 

1. HORDHAC

Markaan mudo dheer la socdey raadraacyo iyo baadhitaano cilmiyeed oo badan, kuwaas oo aan ka sameeyey qaababka ay hay'adaha hoos yimaada qaramada midoobey "u n o" iyo kuwa reer galbeedku ula dhaqmaan dadyawga reer Afrika (iyaga oo qaab gargaarid intooda badani ugu soo marmarsoodaan), ayaan si gaar ah isugu soo dubbariday baadhitaanadan cilmiyeed. Waxa aan markaas si gaar ah xoogga u sii saaray hawlaha ku saabsan cudurka halista ah ee "Aidska". Taas oo ah sida loogu leexiyo in uu ka soo jeeday asal ahaan Afrika. Sidaasna waxa caddaynaya, aduunka oo dhan oo looga qaatay in ay Afrika tahay hoygiisa.Waxa intaas raaca daawooyinka Afrika lagu tijaabiyo iyo cudurada kale ee run ahaan Afrika xasuuqa oo aan la danaynin. Ka soo qaad sida cudurada duumada (malaria) iyo qaaxada ama feedhaha (TB).

Waxa kale oo meesha yaala aragtiyooyinka ka soo horjeeda arintaas (Aidska Afrika), ee caddaynaya xaqiiqadu waxa ay tahay, marka cilmi ahaan looga hadlayo oo ay qabaan cilmiyahano sayniska ku xeeldheeri. Buug-yarahani hadaba, qoraaladiisa waxa uu isbarbar dhigayaa labada dhinac iyo waxa ay isu soo daliishanayaan. Waxa hadaba aniga ay ila noqotay in aan dadyawga Afrika ku baraarujiyo shirqoolada lala doonayo in lagu fuliyo noloshooda. Shirqooladaas oo aan lagu soo koobi karin hal buug iyo laba toona.

Afrika marka aan leeyahay ugama hadlayo qaaradda gabi ahaan, isla markaasna shirqooladu ma khuseeyaan dadka reer Afrika oo dhan. Quwadihii Afrika hore ugu amar-ku-taaglayn jiray waxa ay u qaybiyeen laba qaybood (sida ay ula baxeen), Afrikada lamadegaanka ka hooseeya "sub-sahara Africa" iyo kuwa ka sareeya. Qoraaladani markaas waxa ay ku kooban yihiin qaybta lamadegaanka ka hoosaysa ee Afrikada madow. Qaybinta sidaas loogu talo galayna waxa laga garan karaa sida dalalkaas saxraha ka hooseeya dusha looga saaray ibtilada cudurka "Aidska", sida loo cilmi-baadho iyo natiijooyinka ka soo baxa ee laga soo tabiyo.

Sida hadaba caadada u ah reer galbeedka waxa ay u kala eegaan labada qaybood ee ay qaaradda u kala saareen laba waji oo kala duwan, haddii ay tahay xag siyaasadeed, xag dhaqaale, iyo geestii kaleba. Matalanba, aan ka soo qaado sannadkii, 1960kii, waxa loo yaqaan sannadkii Afrika. Sababta magaca loogu bixiyeyna waxa ay tahay, dalalka Afrikada madow intooda badan oo waqtigaas qaatay gobannimo. Dalalkaasi oo ah dhammaan kuwa dhaca lama-degaanka Afrika hoostiisa (sub-sahara Afrika). Nasiib daro waxa ahayd inayna madaxbannaanidii noqonin mid dhab ah oo ay ku naaloodeen. Dalalkaasi waxa ay qarniyo badan ka dhursugayeen inay maruun gacanta gumeysiga reer galbeedka ka baxaan.

Haddii aynu hadaba taariikhda dib u miliilicno, Afrika waqti aan dhaweyn ayaa loogu tashaday qabsashada iyo qaybintaba. Qorshaha ugu weynaa taas lagu degeyna waxa uu ahaa shirkii ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka qarnigii 19aad dhammaadkiisiii, kaas oo ku caan-baxay "shirkii qaybsashada Afrika". Markaas , madaxbannaanida loogu yaboohay Afrikada madow, 1960kii, waxa ay ahayd mid uu gumaysigu tusayey inuu "irrida ka baxay daaqadana ka soo galay". Sannadkaas (1960) dhawr dal oo kaliya ayaa Afrika gabi ahaanba madaxbannaani ka haystey.

Dalalkii la gumaysanayey waxa loo kala qaybiyey (haba loo kala badsado) labo qaybood oo waaweyn iyo dhawr iyaguna sii kala baxsan, labada hore oo kala ah, suuqa barwaaqo-sooranka Ingriiska (common wealth) iyo kooxda loo yaqaan Fraco-Fone ee Fransiiska la halmaala. Mareykanka oo isagu ka maqnaa goobtii wax lagu qaybsanayey markii hore, waxa uu ku soo galay Afrika waji cusub oo dardar hor leh wata loona bixiyey gumaysiga-cusub "neo-colonialism".

Tabaha uu Mareykanku la yimid waxa ay noqdeen kuwo gumeysigii la yiqiiney baro dheeraysiiyey, waana mid dadban "indirect colonialism". Tabihiisa waxa ka mid noqotay madaxda Afrika u hanaqaadaya oo la cabbudhiyo, marka la doonana in ifkaba si fudud looga qariyo, oo raq iyo raadba laga waayo. Hawlahaas oo kalena waxa lagu fuliyaa xafiiska sirta ee Mareykanka "CIA". Waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa Dr. Kuwame Nkrumah, madaxweynihii u horeeyey ee Ghana, oo la afganbiyey waxa uu galabsaday danbiga ahaa isaga oo u halgamayey mideynta Afrika "Pan-Africanism".

Shirqoolka lagu afganbiyey oo uu ka danbeeyey xafiiska sirta ee Mareykanku waxa ka marag kacay sarkaal ka mid ahaan jiray xafiiskaas oo la yiraahdo Mr. John

Stockwell. Waxa uu arrintaas ku caddeeyey buugiisa "Baadigoobka Cadowyada-In Search of Enimies" oo uu soo saarey sannadkii, 1978. Halyeyga kale ee loo tirinayo dilkiisii xafiiskaas waxa uu ahaa (isaguna waxa uu ku taagnaa tubtii Nkrumah) Mr. Patrice Lumumba, Wasiirkii kowaad "Ra'iisal Wasaare" ee dalka Kongo-Kinshasa loo aqoon jirey, oo ah "kongo-DM.".

Waxa lala qabtey laba ka mid ahaa raggiisii oo kala ahaa Af-Hayeenkii Barlamaanka iyo Wasiirkiisii Warfaafinta. Sadexdaba sidii loo afduubey raq iyo ruux midna lama arkin. Kuwii iyagu danbigaas gacmahooda ku fuliyey waqti dhoweyd ayey is-haysan kari waayeen oo ay shaaca ka qaadeen ciddii amarka lahayd. Kuwaas iyo kuwii qerkooda ahaa waxa ay ku muteysteen ciqaabahaas iyaga oo isku dayey inay madaxa kor u qaadaan oo ay Afrika si dhab ah uga xorowdo gumeysiga. Maanta hadaba qofka caadiga ah ee reer Afrika wuu ogyahay in ay kuwii hore u gumeysan jirey iyo Mareykanka oo aabe u ahi hawl ugu jiraan aan dhammaanaynin sidii Afrika loo hantiyi lahaa, gees kastaba ha ahaatee.

Taas waxa u daliil ah waxyaabaha ay ka midka yihiin u adeegsiga horumarka cilmi-nololeedka "Biological-Warfare", sida daawooyinka sida xad-dhaafka ah Afrika loogu qaybiyo looguna baahiyo. Kuwaas oo abuura cuduro kala duwan oo halis ah, horena Afrika uga jirijirin. Ka soo qaad cudurka "Aidska" iyo daawooyin ku-sheegga loo hindisey, kuwa tallaalada kala duwan, sida kan dabaysha ama "Polio", kuwa duumada "Malaria" iwm.

Waxa iyaduna ayaan darro ah, madaxdii Afrika ee danaha dalalka iyo dadkooda hanan lahaa iney intooda badani ku foogan yihiin sidii hanti badan ay ku urursan lahaayeen inta ay xukunka hayaan. Si kastaba ha ahaatee, waayaha taariikhdu waa ka isroga oo cadowga Afrika marnaba kama badbaadayo halyeyo Afrika ka soo baxa oo ka daba taga wixii dibindaabyo iyo shirqoolo hore loogu gaystey oo lagu illaawo kuwii hore.

Maanta oo waqtigu sidii hore ka halisaysan yahay, waxa ka mid ah kuwa la doonayo in afkooda la xiro oo aaney ka hadlin waxa Afrika ka socda, Mr. Baffour Ankomah qoraha sare ee ka madaxda ah Magaasiinka "The New African" kana soo baxa "Lodon" dalka Ingriiska. Qorahaasi waxa uu si aad ah wax uuga qoraa shirqoolada Afrika loo maleego. Siro badan oo dadka iyo danaha Afrika ku saabsan ayuu dunida u soo bandhigaa. Sirahaas waxa ka mid ah cudurada halista ah, sida "Aidska" duumada, qaaxada iyo iwm. Iyo qaababka guracan ee loo maamulo hawlahooda.

Matalanba, haddii la doonayo in hawlahaas wax laga ogaado in laga daalacan karo internetka "The New African http://www.africasia.com/icpubs/ . click on the search icon, type in aids.". Waxa la illowsan yahay in ey Afrika Ilaah leedahay kala daadin kara wax kasta oo dulmi gardarro loogu talo galo. Aan soo qaadano odhaahda ah:- "Aadane waa qorshaystaa, Ilaaheyna waa kala daadiyaa-Man proposes and GOD disposes". Hase ogaadaan ubadka reer Afrika in ninka caddi kayd ahaan ugu tashday inay Afrika u tahay, uguna taamayo.

 

Col. Ibraahim Sh. M. Sacmaal.

ibrahim@somalitalk.com

 


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Sat, Dec 01, 2001
DOOD FURN / RealDebate
Ra'yigaaga si toos ah uga dhiibo qoraalkaan iyo sida aad u ragatid xalka arimaha Soomaaliya
Guji halkan
SOMALIA MAP
somalia Eeg Sawirka oo Weyn
>> Somalia Map:1988
>> Somalia Map:1992
>> Somalia Map:Shaded
>> Somalia Map:Small
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere