Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
FALASTIIN
Maxay galaabsatay iimaan oo 4 jir ah
Guji halkan
CIRAAQ
Dayuuradii ugu horeysey oo kaduushay K/Afrika una duushay Ciraaq
Guji halkan
DISCLAIMER
Ideas and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
XAASHI COLUMN
MARTABADDA AY DAWLADDU KU LEEDAHAY SHAREECADA ISLAAMKA
WQ: Said Hashi Warsame (Abu Sami)

______________________________________
Dammam, Saudi Arabia | June 13, 2001

Qaybta 2aad halkan ka akhri

Dadka qaarkiis waxay u qaban in shareecada Islaamku ay tahay dacwad diini ah oo khuseysa akhlaaqda iyo xiriirka ruuxa iyo Ilaahiis ka dhaxeeya oo kaliya ee aysan shaqo ku lahayn wax intaas dhaafsan oo ruuxa noloshiisa khuseeya ama la xariira Dawladda iyo xukuna.

Dadka fikraddaas aamisan way qaldan yihiin, waayo fikrad shareecadu diidan tahay sida nooga caddaan doonto halkaa:-

1. SHAREECADU WAXAY NA FAREYSAA IN LA DHISO DAWLAD:

Waxaa lagu yaqaan shareecada Islaamka inay tahay mid wax walba u haysa xukun waxay dhaaftayna ma jiro ha ahaato xagga cibaadooyinka, xagga Akhlaaqda , xagga caqiidada iyo xagga macaamilka kale oo u ka mid yahay nadaaminta xiriirka ka dhexeeya bulshada fardi ahaan iyo wadar ahaannba, Ilaahayna wuxuu quraankiisa ku yiri: ((MAA FARRADNAA FILKITAABI MIN SHEY’IN)). Suuradda Al Ancaam aayadeeda 38.

2. AXKAAM SI LOO FULIYO AY ADAG TAHAY HADDII AAN LA DHISIN DAWLAD :

Shareecada Islaamka waxaa jira axkaam, sida ciqaabta, jihaadka Ilaahay dartiis loo jihaado, iyo dadkoo wixii Ilaahay soo dejiyey loogu kalaxukun qaado.

Arimahaas oo idil si loo fuliyo waxay u baahan tahay in la helo Dawlad awood buuxda leh Waayo qofna naf ahaantiisa kaligiis ma fulin karo arrimahaas.

Arrintaas isagoo ka hadlaya Imaam Ibnu Taymiya, Ilaahay ha u naxariistee ((Qaadista xilka walaayadda arrimaha dadka waa waajibaadka ugu waaweyn ee diinta Islaamka, waliba diintu istaagi mayso la’aanteed. Waayo Ilaahay wuxuu waajibiyey in la is amro waxa fiican, lana iska reebo waxa xun, loona hiiliyo ruuxa dulman iyo dhamaan wixii Ilaahay waajibiyey oo oo kale sida jihaadka, cadaaladda iyo xad ku oogidda ruuxii muteystay.

Arimahaas oo idilna sidaan la socono fulintoodu waxay u baahan yihiin xoog iyo xukun.

Sidaas darteed in la helo Dawlad Islaama oo fulisa axkaamta shareecada waa lagama maarmaan. (kitaab As-siyaasha wa ashshareeca).

3. SI LOO GUTO CIBAADADA ILAAHAY WAXAA LOO BAAHAN IN LA HELO DAWLAD ISLAAM AH:

Weynaha Ilaah wuxuu ummadiisa u abuurey kaliya, inay caabudaan, wuxuuna ku yiri quraankiisa:((WAMAA KHALAQTUL JINNA WAL’INSA ILAA LIYACBUDUUN)) SUURADDA AD-DAARIYAAT : 56.

Marka cibaadadu waa magac kulmiya dhammaan wixii Ilaahay jecel yahay oo idil ha ahaato qawl ama ficil mid daahir ah oo muuqda iyo mid qarsoonba.

Si loo gaaro ujeedadaas ballaaran ee ay huwan tahay cibaadadu waxaa lagama maarmaan ah in ruuxu noloshiisa qawl iyo ficilba iyo xiriirka dadka kale uu la leeyahay dhammaan waafaqsan yihiin shareecada Islaamka.

Ruuxu ma awoodi karo in uu noloshiisa dariiqaas toosan mariyo mariyo haddii aysan bulshada uu la nool yahay u fududeyn oo aysan ahayn bulsho nadiif ah .

Waayo ruuxa way ky adag tahay inuu u noolaado sidii shareecada Islaamku u dajisay, mana dhisi karo xiriirka asaga iyo bulshada ka dhexeeya haddii aysan bulshada uu la noo yahay ahayn mid ku dhisan shareecada Islaamka , una suurta galeneysa in ruuxu guto cibaadadiisa oo idil.

Markaas dhisidda bulsho nadiif ah ku imaan kari mayso wacdi iyo wax u sheeg kaliya ee waxay ku imaan kartaa dhisid dawlad Islaam ah oo fulisa axkaamta Ilaahay, una horseedda bulshada tubta wanaagsan, una dhafarta ilaalinta bulshada, kana hortagta wixii kharibaad iyo fasaad wada.

Waana in ujeedooyinka Dawladdu ku koobnaan sugidda nabad galyada bulshada iyo difaaca dalka ee ay ujeedooyinkeeda ka mid noqdaan fulinta axkaamta Islaamka iyo u adeega dacwada Islaamka iyo kaalmeynteeda iyo la dagaalanka afkaarta iyo qawaaniinta ka soo horjeedda shareecada Islaamka ee aadanuhu dajiyey.

Ilaahayna wuxuu yiri: ((ALLADIINA IN MAKKANNAAHUM FILARDI AQAAMUU SALAATA WA AATUZAKAATA WA AMRARUU BILMACRUUFI WA NAHAW CANILMUNKAR) SUURADDA AL XAJ 40.

Kuwa haddii aan makansiino arlada salaadda ooga oo sakada bixiya oo waxa fiican dadka far waxa xunna ka reeba.

QAYBTA 2aad: Akhri
Xuquuqda ruuxu ku leeyahay Dawladda Islaamka ah

Said Hashi Warsame (Abu Sami)
Dammam, Saudi Arabia
Email:bursaalah@yahoo.com

_____________________
Posted: June 13, 2001

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


QORAALADA XAASHI:
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10
MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Sat, Dec 01, 2001



Copyright © 2001 SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis Deeq | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere
Wardhere | Wardhere | Wardhere | Wardhere | Gaashaan | Gaashaan | Sacmaal | PCC