B U U G
BAADIGOOBKA
AAFOOYINKA
AIDSKU
XAGGEE KA YIMID?
MA AFRIKA?...MISE?
(cilmi-baadhis)
Qore: Col.
Ibraahim Sheekh Muxumed Sacmaal.
ibrahim@somalitalk.com
_______________________
Daabacaad: May 25, 2001
ARAARTA
BUUGGA
Tixahan
maansada ah waxa tiriyey Baashe Cilmi Sacmaal. Baashe waa nin aad u da’yar oo
dhowr iyo labaatan jir ah. Waxa uu ku bilaabay tirinta suugaanta isaga oo sadex
iyo toban jir ah, inuu u heeso kuwa ay isku da’da ahaayeen. Waqtiyadaas oo uu
ku noolaa meelihii uu ku soo koray, sida Magaalooyinka Hawdka, ka dibna
magaalada Hargeysa isaga oo ku soo barbaaray guriga adeerkii Allah ha u
naxareestee ”Sheekh Muxumed Sacmaal”. Baashe waxbarashda waxa uu ka gaadhay
heerka dugsi sare.
Hadaba, haddii
la isweydiiyo, sidee ayuu wiilkaa yari ugu gabyi karaa?, jawaabtu ma foga, oo
waa marka horee, hibada Eebe ayaa bixiya , waa marka labaade, waxa uu hide
raacay Gabayaagii caanka ahaa ee gabayada caanka ah lagu yiqiin oo ah: Allah
naxariistii Jano ha siiyee “Cali Jaamac Haabiil”. Baashe markaa, waxa uu ka
tafiirmay Allah ha u naxariistee “Khadra Cali Jaamac Haabiil” oo aabihii
Cilmi Sacmaal (oo isaguna gabayaa ah iyo kuwo kale) dhashay, Khadra tarankeedu
waqtigan la joogo waxa ay wax badan kor u dhaafayaan boqol qof.
Baashe, habeen
habeenada ka mid ah, isaga oo akhriyaya buuggan oo wali aan dhammaanin, hase
ahaatee dhammaad ku dhowdhow, ayuu marka uu meel dhexe marayo inta uu joojiyey
maansadan ii tiriyey, ( waxa kale oo jirta inaanuu Baashe tirinin tan oo kali
ah, ee suugaantiisu ay aad u badan tahay).
Waxa ka dib uu
ii sheegay inay dhowr arimood oo ku qoran buugga ay isla markiiba jidhiidhico
jidhkiisa wada saaqday kana keeneen maansadan. Arimahaas waxa ka mid ah,
Halyeyadii Afrika qaarkood sida loo aamusiiyey, Dr Nkrumah sidii gumaysigu u
khaarajiyey, Lumomba iyo kuwii la socday sida loo dilay iyo sida kuwa maanta
Afrika ka dhaqdhaqaaqayana loola raboi wadadii kuwii hore loo mariyey iyagana
loo mariyo!. Maansadu waxa ay leedahay:-
AHEEY
QAARAD-DAYDAAY!
-
-Aheey
Qaarad-daydaay…hadaad maanta ugub tahay,
-
-Ibtilada la
beeriyo…….aafadu ma joogteen,
-
-Isticmaarkii
waa hore...ku adoonsanjiriyo,
-
-Odayadan ku
haystaa…haday kuu arimiyaan,
-
-Eed laguma
saareen…ubaxaagan baxayiyo,
-
-Ubadkaaga meel
kale…looguma abtiriyeen,
-
-Isha saraca
khayrkiyo…oofahaaga waaweyn,
-
-Macdantii ku
aasnayd…intuu iibsho duul kale,
-
-Qamadida
stodhkiyo...dayn kuma amaahsheen,
-
-Ahaan mayso
caynkane...waxa iman ayaan wacan,
-
-Dulmigaa
abaadee…xaqu wuu iftiimaa,
-
-Maruun baa
ilays baxay… inta awrta loo raro,
-
arinkaagu meel
mari,
-
-Aafada
xanuunkee…lagu soo anbinayiyo,
-
-Goormay ogaan
kari...Afrikaanka qaawani,
-
-Goormuu ilays
baxay…u iftiimindoonaa,
-
-Halaq laba
afle ahiyo…abriskii u soo galay,
-
-Nin ogaa
Nekruumiyo…kuwii Lumumbe aasoow,
-
-Ifka mayla
joogtaan...anna maydin eegaa,
-
-Afku maydin
yahay malab…uurkuna ma yahay dhagax,
-
-Aramidu ma
xeel baa...ma ujeedo dheer baa,
-
-Goormuu ogaan
kari…aqooyahanka soo baxay,
-
-Nin ugaadhsan
jirayoo…maantana albaabkiyo,
-
-Aqalka ugu soo
galay…qofka aanadaa qaba,
-
-Aheey
qaarad-daydaay!…aheey qaarad-daydaay!.
Baashe Cilmi
Sacmaal
Waxa ka soo
wariyey: Qoraha Buugga
Ibraahim Sh. M.
Sacmaal
Taariikhda:
20/03/01,
Malmö-Sweden
1.
HORDHAC
Markaan mudo
dheer la socdey raadraacyo iyo baadhitaano cilmiyeed oo badan, kuwaas oo aan ka
sameeyey qaababka ay hay'adaha hoos yimaada qaramada midoobey "u n o"
iyo kuwa reer galbeedku ula dhaqmaan dadyawga reer Afrika (iyaga oo qaab
gargaarid intooda badani ugu soo marmarsoodaan), ayaan si gaar ah isugu soo
dubbariday baadhitaanadan cilmiyeed. Waxa aan markaas si gaar ah xoogga u sii
saaray hawlaha ku saabsan cudurka halista ah ee "Aidska". Taas oo ah
sida loogu leexiyo in uu ka soo jeeday asal ahaan Afrika. Sidaasna waxa
caddaynaya, aduunka oo dhan oo looga qaatay in ay Afrika tahay hoygiisa.Waxa
intaas raaca daawooyinka Afrika lagu tijaabiyo iyo cudurada kale ee run ahaan
Afrika xasuuqa oo aan la danaynin. Ka soo qaad sida cudurada duumada (malaria)
iyo qaaxada ama feedhaha (TB).
Waxa kale oo
meesha yaala aragtiyooyinka ka soo horjeeda arintaas (Aidska Afrika), ee
caddaynaya xaqiiqadu waxa ay tahay, marka cilmi ahaan looga hadlayo oo ay qabaan
cilmiyahano sayniska ku xeeldheeri. Buug-yarahani hadaba, qoraaladiisa waxa uu
isbarbar dhigayaa labada dhinac iyo waxa ay isu soo daliishanayaan. Waxa hadaba
aniga ay ila noqotay in aan dadyawga Afrika ku baraarujiyo shirqoolada lala
doonayo in lagu fuliyo noloshooda. Shirqooladaas oo aan lagu soo koobi karin hal
buug iyo laba toona.
Afrika marka
aan leeyahay ugama hadlayo qaaradda gabi ahaan, isla markaasna shirqooladu ma
khuseeyaan dadka reer Afrika oo dhan. Quwadihii Afrika hore ugu amar-ku-taaglayn
jiray waxa ay u qaybiyeen laba qaybood (sida ay ula baxeen), Afrikada
lamadegaanka ka hooseeya "sub-sahara Africa" iyo kuwa ka sareeya.
Qoraaladani markaas waxa ay ku kooban yihiin qaybta lamadegaanka ka hoosaysa ee
Afrikada madow. Qaybinta sidaas loogu talo galayna waxa laga garan karaa sida
dalalkaas saxraha ka hooseeya dusha looga saaray ibtilada cudurka "Aidska",
sida loo cilmi-baadho iyo natiijooyinka ka soo baxa ee laga soo tabiyo.
Sida hadaba
caadada u ah reer galbeedka waxa ay u kala eegaan labada qaybood ee ay qaaradda
u kala saareen laba waji oo kala duwan, haddii ay tahay xag siyaasadeed, xag
dhaqaale, iyo geestii kaleba. Matalanba, aan ka soo qaado sannadkii, 1960kii,
waxa loo yaqaan sannadkii Afrika. Sababta magaca loogu bixiyeyna waxa ay tahay,
dalalka Afrikada madow intooda badan oo waqtigaas qaatay gobannimo. Dalalkaasi
oo ah dhammaan kuwa dhaca lama-degaanka Afrika hoostiisa (sub-sahara Afrika).
Nasiib daro waxa ahayd inayna madaxbannaanidii noqonin mid dhab ah oo ay ku
naaloodeen. Dalalkaasi waxa ay qarniyo badan ka dhursugayeen inay maruun gacanta
gumeysiga reer galbeedka ka baxaan.
Haddii aynu
hadaba taariikhda dib u miliilicno, Afrika waqti aan dhaweyn ayaa loogu tashaday
qabsashada iyo qaybintaba. Qorshaha ugu weynaa taas lagu degeyna waxa uu ahaa
shirkii ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka qarnigii 19aad
dhammaadkiisiii, kaas oo ku caan-baxay "shirkii qaybsashada Afrika".
Markaas , madaxbannaanida loogu yaboohay Afrikada madow, 1960kii, waxa ay ahayd
mid uu gumaysigu tusayey inuu "irrida ka baxay daaqadana ka soo galay".
Sannadkaas (1960) dhawr dal oo kaliya ayaa Afrika gabi ahaanba madaxbannaani ka
haystey.
Dalalkii la
gumaysanayey waxa loo kala qaybiyey (haba loo kala badsado) labo qaybood oo
waaweyn iyo dhawr iyaguna sii kala baxsan, labada hore oo kala ah, suuqa
barwaaqo-sooranka Ingriiska (common wealth) iyo kooxda loo yaqaan Fraco-Fone ee
Fransiiska la halmaala. Mareykanka oo isagu ka maqnaa goobtii wax lagu
qaybsanayey markii hore, waxa uu ku soo galay Afrika waji cusub oo dardar hor
leh wata loona bixiyey gumaysiga-cusub "neo-colonialism".
Tabaha uu
Mareykanku la yimid waxa ay noqdeen kuwo gumeysigii la yiqiiney baro
dheeraysiiyey, waana mid dadban "indirect colonialism". Tabihiisa waxa
ka mid noqotay madaxda Afrika u hanaqaadaya oo la cabbudhiyo, marka la doonana
in ifkaba si fudud looga qariyo, oo raq iyo raadba laga waayo. Hawlahaas oo
kalena waxa lagu fuliyaa xafiiska sirta ee Mareykanka "CIA". Waxa aan
tusaale u soo qaadan karnaa Dr. Kuwame Nkrumah, madaxweynihii u horeeyey ee
Ghana, oo la afganbiyey waxa uu galabsaday danbiga ahaa isaga oo u halgamayey
mideynta Afrika "Pan-Africanism".
Shirqoolka lagu
afganbiyey oo uu ka danbeeyey xafiiska sirta ee Mareykanku waxa ka marag kacay
sarkaal ka mid ahaan jiray xafiiskaas oo la yiraahdo Mr. John
Stockwell. Waxa
uu arrintaas ku caddeeyey buugiisa "Baadigoobka Cadowyada-In Search of
Enimies" oo uu soo saarey sannadkii, 1978. Halyeyga kale ee loo tirinayo
dilkiisii xafiiskaas waxa uu ahaa (isaguna waxa uu ku taagnaa tubtii Nkrumah)
Mr. Patrice Lumumba, Wasiirkii kowaad "Ra'iisal Wasaare" ee dalka
Kongo-Kinshasa loo aqoon jirey, oo ah "kongo-DM.".
Waxa lala
qabtey laba ka mid ahaa raggiisii oo kala ahaa Af-Hayeenkii Barlamaanka iyo
Wasiirkiisii Warfaafinta. Sadexdaba sidii loo afduubey raq iyo ruux midna lama
arkin. Kuwii iyagu danbigaas gacmahooda ku fuliyey waqti dhoweyd ayey is-haysan
kari waayeen oo ay shaaca ka qaadeen ciddii amarka lahayd. Kuwaas iyo kuwii
qerkooda ahaa waxa ay ku muteysteen ciqaabahaas iyaga oo isku dayey inay madaxa
kor u qaadaan oo ay Afrika si dhab ah uga xorowdo gumeysiga. Maanta hadaba qofka
caadiga ah ee reer Afrika wuu ogyahay in ay kuwii hore u gumeysan jirey iyo
Mareykanka oo aabe u ahi hawl ugu jiraan aan dhammaanaynin sidii Afrika loo
hantiyi lahaa, gees kastaba ha ahaatee.
Taas waxa u
daliil ah waxyaabaha ay ka midka yihiin u adeegsiga horumarka cilmi-nololeedka
"Biological-Warfare", sida daawooyinka sida xad-dhaafka ah Afrika
loogu qaybiyo looguna baahiyo. Kuwaas oo abuura cuduro kala duwan oo halis ah,
horena Afrika uga jirijirin. Ka soo qaad cudurka "Aidska" iyo
daawooyin ku-sheegga loo hindisey, kuwa tallaalada kala duwan, sida kan dabaysha
ama "Polio", kuwa duumada "Malaria" iwm.
Waxa iyaduna
ayaan darro ah, madaxdii Afrika ee danaha dalalka iyo dadkooda hanan lahaa iney
intooda badani ku foogan yihiin sidii hanti badan ay ku urursan lahaayeen inta
ay xukunka hayaan. Si kastaba ha ahaatee, waayaha taariikhdu waa ka isroga oo
cadowga Afrika marnaba kama badbaadayo halyeyo Afrika ka soo baxa oo ka daba
taga wixii dibindaabyo iyo shirqoolo hore loogu gaystey oo lagu illaawo kuwii
hore.
Maanta oo
waqtigu sidii hore ka halisaysan yahay, waxa ka mid ah kuwa la doonayo in
afkooda la xiro oo aaney ka hadlin waxa Afrika ka socda, Mr. Baffour Ankomah
qoraha sare ee ka madaxda ah Magaasiinka "The New African" kana soo
baxa "Lodon" dalka Ingriiska. Qorahaasi waxa uu si aad ah wax uuga
qoraa shirqoolada Afrika loo maleego. Siro badan oo dadka iyo danaha Afrika ku
saabsan ayuu dunida u soo bandhigaa. Sirahaas waxa ka mid ah cudurada halista
ah, sida "Aidska" duumada, qaaxada iyo iwm. Iyo qaababka guracan ee
loo maamulo hawlahooda.
Matalanba,
haddii la doonayo in hawlahaas wax laga ogaado in laga daalacan karo internetka
"The New African http://www.africasia.com/icpubs/
. click on the search icon,
type in aids.". Waxa la illowsan yahay in ey Afrika Ilaah leedahay kala
daadin kara wax kasta oo dulmi gardarro loogu talo galo. Aan soo qaadano
odhaahda ah:- "Aadane waa qorshaystaa, Ilaaheyna waa kala daadiyaa-Man
proposes and GOD disposes". Hase ogaadaan ubadka reer Afrika in ninka caddi
kayd ahaan ugu tashday inay Afrika u tahay, uguna taamayo.
Col. Ibraahim
Sh. M. Sacmaal.
ibrahim@somalitalk.com