S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
Get Your Free Space
WORLD NEWS
. Africa
. World
. Briefs
SOMALI LINKS
. Somali-Links
F O R U M
. Halxiraale
. Maahmaahyo
. Gabay/Geeraar
. Real Debate
. All Forums
FREE STUFF
. Free Internet
. Kids' Safety
. Security Informer
IDEAS EXCHANGE
. Somali Chat Live!
. Greeting Cards
. MaOgtahay
STUDENTS' NETWORK
. Students Mailing List
. SomStudents Chat
. SomStudents ideas
. SomStudents Forum

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SAEED-FUURAA COLUMN

Xaqiiqda Qarsoon ee Soomaalida Koonfur-Africa
Wq: Saeed Abdi Fuuraa 

South-Africa | July 28, 2001

"HEYBAD WAXAAD KULEEDAHEY DHULKAAGA-HOOYO"

Johannesburg, South-Africa - Tan iyo markii Dagaaladdii sokeeye kaqarxeen Wadankii “JAMHUURIYADDA DIMUQRAADIGA SOOMAALIYA”, waxaa inbadan oo Mujtamaca Somaaliddu u kallaqaxeen Daafaha Aduunweynaha si-ey markaa u hellaan Xasilooni iyo Nolol u dhaanta dhinacwalba nolosha Soomaliya Kajirtey.

Wadamadda Soomaaliddu ey u carareen waxaa kamidda Wadankan Koonfur-Africa oo ey kunoolyihiin Soomaali tiradooda laguqiyaaso ilaa shan-kun oo Qof “5000 qof”, oo soogaley wadankan mudaddii u dhexeysey 1994kii ilaa 2001.

Hadaba Su’aasha taagani waxey tahey, MAXEY SOOMAALIDDU KALLAKULMEEN WADANKAN K/AFRIKA OO EY MUDDO DHEER KAJIRTEY MIDABKALASOOC IYO KALASAREYN XAGA JINSIYADDA AH?. Waatan warbixin kooban oo jawaab unoqoneysa su’aashan.

Eynu kubilownee Soomaaliddii ugu horeysey ee wadankan soogashaa waxey lakulmeen dhibaatooyin farabadan oo kamidtahey, : Hoy-la’aan, Amni-la’aan, Shaqo-la’aan, Sharci-la’aan iyo Jinsiyadda ey dhexgeli lahaayeen ama ey ladhaqmi-lahaayeen mida ey noqondoonto, maadaama oo ey wadankan kunoolyihiin Jinsiyaddo dhowr ah, kuwaas oo kalla ah, Madow aqlabiyadda-leh, ama ugu-tirobadan, Cadaan lagatirobadanyahey oo laakiin Dhaqaalaha iyo Awooda wadanka gacanta kuhaya, Asian ubadan Muslimiin oo Ganacsato ah, iyo ugudanbeyntii Dad ey iskadhalleen Jinsiyadaha kalladuwan oo looyaqaan midab ama labadhiigle, sida latilmaamo waana dad aad u rabshad badan labadhiigluhu.

Waxaa markaa la’iisheegey in Soomaalidaa ey taabatey dhamaanba dhibaatooyinka eynu soosheegney ha siikaladarnaadaane, dhibaatadda ugu culus oo lama iloobaanka ah waxey aheyd Hoyla’aan iyadda oo ey usabab aheyd dhaqaale xumo soomaalidaas heysatey, waxaa ku adkaatey in ey Guryo ijaartaan, taasina waxey kukaliftey baddi in ey Hoy kadhigtaan Meelaha ey kamidkayihiin, Masaajidada, Meelaha tareenadda lagaraaco, Kiniisadaha iyo Cooshash kuyaala duleedka magaalo-weynta Johannesburg oo looyaqaan Anjello oo kiradda ey kabixinjireen dad u ololeeya Diinta Masiixiga.

Xassan Abdi Khaliif oo kamid ahaa soomaliddaa oo aan kulakulmey Johannesburg ayaan waxkaweydiiyey bal in uu wax iiga sheego dhibaatadda isaga ugu darneyd, waxaanu iisheegey “Guud-ahaanba, K/A meynoqon sidaan moodayey ama aan rajeynayey, waxaan rajeynayey in K/A ey tahey meel Qaxootiga iyo dadka soobarakacey laga-caawiyo, laakiin nasiibdaro meysan noqon, dhibaatooyinka noogu darnaa waxaa kamid ahaa, Midab-takoor, Amni-xumo, shaqo-la’aan, Hoy-la’aantu ha ugu siidarnaatee, jawigu aadbuu u qaboowaa……”, ayuu iisheegey khaliif…

DHIBAATOOYINKA XAGA AMNIGA..

Sida Akhristayaal badani ey ullawadasocdaanba wadanka K/A waxa uu kamidyahey Wadamadda ugu Danbiyadda badan ee aduunweynaha, “The World’s Crime No:1”, waxaa daqiiqadwelba kadhacaya wadankan Dil, Dhac, Kufsi, Afduub, i.w.m, warbixintan waxaan kusookobayaa liisto magacyadda Soomaalidda lagudiley K/A, kuwa lagudhaawacey ama lagudhaceyba, waana kuwan marxuumiintii K/A kunafta waayey, Eebe ha-u naxariisto dhamaantoodba:

  1. Jun 1996kii,Magaaladda Capetown, waxaa lagu gubey Guriga ey kunoolaayeen Qoys soomaali ah, waxaana kudhintey odeygii reerka Marxuun Farxaan iyo Gabar yar, Eebe ha- unaxariisto. Sababtu ma cadda oo dadkaa guriga loogugubey.
  2. 1998kii wiil dhalinyaro ah ayaa lagatuurey tareemadda dheeraya ee magaaladda Capetown, Eebe ha u naxariisto marxuunkaa,
  3. May 1998kii marxuun Ali Xagaley, Eebe ha unaxariistee ayaa dad madow u badan ey madaxa gidaar ula dhaceen, marxuunku wuxuu ku dhintey m.johannesburg isla nabaraddaa sababtood.,
  4. Dec 1998kii wiil dhalinyaro ah ayaa toorey lagu dilley m.capetown,.
  5. 1998kii marxuun Abdi-khadar, Eebe ha u naxariistee, ayaa lagu-toogtey magaaladda Port-elazibeth ee Gobolka Eastern-cape.
  6. 18-9-1999, Marxuun Cabdulqaadir Maxamed Nuur-Shareeco, Eebe ha u naxariistee, ayaa ciidamadda booliska ah (sida latilmaamay) ay si u lakac ah ugu toogteen m.capetown, sababta marxuunkaa lootoogtey macadda ilaa hadda, qaraabaddii marxuunka waxey awood u waayeen in ey lawyer u qabtaan marxuunka, iyagoo ii sheegey in maalintiiba qareenku uu ubaahanyahey kharash dhan $70, taana awood baanu u weynay, ayuu iisheegey Wiilka adeerkiis Maxamuud Nuur Shareeco oo kunool Johannesburg.
  7. 1999kii Marxuun Maxamed Xassan Dude, Eebe ha u naxariistee ayaa lagu diley m.caasimada ah ee pretoria, marxuunka waxaa diley niman ey meel kawadda shaqeyn jireen, mana cadda sababta marxuunka loodiley.
  8. Dec 1999kii waxaa magaaloweynta Johannesburg lagu diley marxuun Maxamed Sh. Maxamuud Qaasim “Madaxey”, Eebe ha u naxariistee, waxaa lagudiley m.johannsburg iyadoo madaxa gidaar looladhacey, marxuunku wuxuu dhintey lix bilood kabacdi isagoo lixdaa biloodna miyir la’aa ama Kooma kujirey Cusbitaalka Hellen Joseph Hospital ee m.jhb,.
  9. Waxaa ugu danbeeyey dilkan bilaa sababta ah ee lagu-hayo dhamaanba ajaanibka kunool K/A Dilka foosha xun ee loogeystey Marxuun Sh. Maxamed Sugaal Ali, Eebe ha unaxariistee, waxaa marxuunkan laga tuurey Tareemadda dheereeya ee m.Capetown, Cabdul-waaxid, oo ah Qaraabadda u dhow marxuunkaa ayaa iisheegey in tareenka dhexdiisa lagu diley iyaddoo lagusarsarey midiyo, dabadeedna, meydkii marxuunka tareenka lagatuurey . Lama garanayo cidda dishey marxuunka, waxaa loomaleynayaa in ey dileen shaqaalhii ey wada shaqeyn jireen, booliska ayaa ku jira raadinta cida dishey marxuunka, inkastoo ey boolisku wax sidaasa weli-qaban, marxuunku wuxuu katagey Gabaryar oo markaa dhalatey, waxaa kalle oo C/Waaxid iisheegey in xaaskii Marxuunkaasi , ey jeceshahey in Wadankii Hooyo ku laabato haddii ey hesho Nooli ama jid-mar,.

*Soomaalidda dhaawacyadda loogeystey ama ladhacey tiradooda wey kabadantahey in eynu sookoobno,aadbey u tiro beeleen dhaca iyo dhaawacyadda loogeystey soomaalidda wadankan kudhaqan. 

"Dadka soomaalidda ah ee wadankan lagu diley waxaan rajeynayaa in ey tiradoodu intaa kabadantahey, sababta oo ah iyadda oo aaney jirin Urur Soomaaliyeed oo kashaqeeya arimaha soomaalidda", 

Waxaa isweydiin mudan, Maxey tahey sababta loodiley Marxuumintaa eynu kor kusheegney?. Maxaa soomaalidda kahortaagan in ey sameystaan Urur ka dhaxeeya?, waa maxey sharciga wadankan ee u yaala dadka soobarokacey?,

Faahfaahinta su'aalahan iyo Arimo kaleba waxaan kusoo-ururindoonaa Qeybaha kala ee warbixinta."insha-allah", 

Waa Saeed Abdi Fuuraa oo idinleh "SHARAF WAXEYNU KULEENAHEY DHULKEENA HOOYO…"

Lasoco warbixinaha kale ee Saeed.

Email address: southafrica@somalitalk.com

South-Africa,

CODSI 

Waxaa SomaliTalk soo gaarey in Xaaska Marxuun Sh. Maxamed Sugaal Ali (eeg kor nambarka 9 ee liiska) iyo gabadheeda yar ay aad ugu dhibaataysanyihiin halkaas (K/Afrika). Sida uu Siciid oo ah qoraaga qoraalka sare uu SomaliTalk u sheegay Xaaskaasi aad ayey u rafaadsantahay, waxayna u baahantahay taageero bini-Aadaminimo. Fadlan hadii aad ogtahay qaab aad ku gacanqabankartid laxiriira southafrica@somalitalk.com si uu idiinka siiyo macluumaad dheeraad ah iyo sida aad toos qoyskaas ugula xiriirilahaydeen.

Dhankale qoyska Marxuun Cabdulqaadir Maxamed Nuur-Shareeco waxay si aadamino ah ugu baahanyihiin cid ka gacanqabata arinta sharciga ee kuxusan qodobka 6aad ee qoraalka sare iyo wixii si bini-aadamino ah loogu gacanqabanayo.

Distributed via SomaliTalk.com

July 28, 2001 

Qoraalkii hore ee Siciid Fuuraa: Guji halkan


MUSLIMIINTA K/AFRICA
Warbixintii dheerayd ee Axmed Dowlo kasoodiyaariyey Muslimiinta K/Africa ka Akhri halkan
SOM. SOUTH-AFRICA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7

www.SomaliTalk.com
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
. Thu, December 06, 2001
SOM. SOUTH-AFRICA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7


Top | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Feedback

somalitalk.com
Chat | Opinion | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.