Somalitalk.com Online Community
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
Baro Saxaabada
Waajibaadka Xajka
Sakada Maalka
Islamic Links
.Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Xawar.SOMALITALK.COM
Xaaladeenu Xanuun Badanaa!
Adam Xawar
islaam@usa.com

August 8, 2001

Assalaamu Calaykum;

Waxaan naftayda iyo tan walaalahayga Muslimiinta ahba u weydiinayaa Denbidhaaf iyo inuu inoo naxariisto, Toowfiiqda iyo maslaxadeenna Aduun iyo Aakhiroba ina waafajiyo Aamiin. Walaalahayga Muslimiinta ahoow waxaan ku jirraa xaalad aad u adag xaalad aan xanuunkeeda haddii aan isu tilmaano ama aan dhibkeeda ka isu sheegno aan qormo iyo labo toonna aan lagu soo koobi karin, waa xaalad mutaysatay in Caruurta, Ciroolayaasha, iyo Maatada inta la shiriyo la weydiisto inay sacabadooda kor u taagaan iyagoo Samadana kor u fiirinaayana Allaahna inoo weydiiyaan in uu marxaladan Faraj khayr leh oo deg deg ah inooga furo, Taasna waxaan u iri waxaynu ognahay inay yihiim Madluumiin ama kuwa la dulmiyey Madluumkana Allaah ma soo celiyo baryadiisa Ducadoodana wuu ka aqbalaa.

Walaalahayga xurmada mudanoow waxaan filaynay inaan ku cibro qaadanay wixii dhacay 11kii sano ee la soo dhaafay, Dhiig Dhac iyo Kufsi, miyaan la arag wixii ku dhacay in badanoo ka mid ah kuwii ka qayb qaatay ficiladii la soo dhaafay, miyaan weli la garan xurmada Allaah siiyey nafta qofka muslimka ah iyo dhiigiisa waa maxay dhiiga iyo maydka 11 sano ka dib kor iyo hoosba wadankii daadsan, miyaan la ogaan in dhibka Soomaali dhex yaal yahay dhib dhalanteed ah oo ay abuureen dad yar oo jiritaankoodu ku xiran yahay inay ku dhex dhuuntaan mugdiyaalka aan maanta ku dhex jirro aynuse nahay dad walaalo ah oo dhowr jeer walaaloobay, miyaanse aynaan markhaanti ka wada ahayn in dhamaan dagaal oogayaasha caruurtoodii iyo eheladoodii ay ku temeshlaynayaan daafaha Aduunyada, maxaase weli inagu indho tiray orodka iyo u hiilinta kuwa heerkaas ina gaarsiiyey, maxaynu walaalkayga Soomaaliyedoow u arki la地ahay dhibaatada iyo dayaca qof walboo inaga mid ah shakhsi ahaan iyo Qoys ahaan u taabanaysa ama inooga soo gaaray xaaladatan.

Waxaan dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ha noqdeen madax dhaqameedyo, ha noqdeen Siyaasiyiin ama ha noqdeen Ururro ku dhaarinaynaa Allaah,... inaan daacad ka ahaataan arimaha aad mas置ulka ka tihiin...
Adam Xawar
Waxaan dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ha noqdeen madax dhaqameedyo, ha noqdeen Siyaasiyiin ama ha noqdeen Ururro ku dhaarinaynaa Allaah, Allihii inna wada Abuuray Dhulka inoo gogley Dadka la laynaayona ku qurxiyey inaan daacad ka ahaataan arimaha aad mas置ulka ka tihiin, Wallaahi baydaan daacad u ahayn, haddii aad wax yar oo daacadnimo ah yeelan lahaydeen, mireheedaa dhexdeena laga arki lahaa.

Walaalayaaloow Daacad u noqda dadka aad mas置ulka u tihiin, intiina hawl wadaagtaa daacad isu noqda, haddii aad liibaan Aduun iyo mid Aakhiroba doonaysaan daaya Dhiiga aan loo damqanayn, bal lagu farxaayo ama uurka looga riyaaqayo maatada marba dhinac ka mid ah Wadankii lagu gumaadayo labadii is dirirtaaba Walaahi waxay laynayaan waxaa ugu badan maato iyo caruur aan waxba galabsan, waxaan Allaha awoodad badan Magacyadiisa Quruxda badan iyo sifooyinkiisa Wanaagsan ku weydiisanaynaa inuu madluumka uu balan qaaday inuu u gargaarayo weydiisanaynaa inuu gargaarkooda noo soo dedejiyo oo Allaah isagaa garanaaya siduu daalimiinta uga aar goostee naga qabto cadawgaas iyo gargaarayaashooda.

War nin walboo daalim ahoow waad is ogtahaye ama mid walba oo daalim u gargaaroow Allaah ka baq oo intaan Allaah kaa ar gudan usoo laabo Alle lama dagaalami kartide!

Waxaan si gaara Allaah ugu dhaarinayaa Walaalihii aan ku soo dooranay Carta oo aan leeyahay walaalayaaloow waxaad tihiin Kulanka keliya ee laga heli karo dhamaan beelihii Soomaaliyeed waxaan idinka dhiganay Dawlad markaan 10 sano dawlad la誕yn, waxaad hortayada ku qaadateen sharaf weyn waxaan in badan Sujuudaha gadaashooda Allaah idiin weydiinay inaad guulaysataan, waxaanuna idiin soo ducaynay shirkii Carta oo aan bilaaban isagoo socda iyo markuu dhamaadayba, welina waan wadnaa ducadii, runtii walaalayaaloow nin walbi xantiisa waa ogyahaye anaguna waxaan joognaa dhul aad idiinka fog oo aannu ducaa置l qayb kasoo diraynaa, waxaanu maqlaynaa inaad Qabiilkii meesha ina dhigay oo aad balan qaadeen Allaa wax daweeyee aad Soomaali ka dawayn doontaan aad idinkii u kala qaybsan tihiin oo Qadiyad walboo culus oo idin soo food saartaaad ku kala jabtaan oo nin walbi eegayo aragtidiisa uu is leeyahay reerkaaga baa nafci ugu jiraa waxaadna ku wada dhaarateen in aad Soomaali daacad u wada ahaan doontaan, Allaah baase idinla jooga oo xaqiiqdiina iyo nin walba quluubtiisa og.

Waxaan mar kale iyo malaayin jeerba aan Allaah weydiisanayaa inuu inoo denbi dhaafo waayo waxa ina hayaa waa Dunuubteenii oo farihii ka badatay oo Allaah inagu ciqaabayo iyadoo siduu Allaah inoo sheegay inuusan Allaah inna dulmiyayn bal uu in badanoo dunuubtaas kamida la inaga cafiyey, marka walaal bal ka warama haddii la inoo wada qaban lahaa waxaan dunuub galay.

Alloow adaa mahad leh Alloow noo denbi dhaaf.

Walaalkiin Adam Xawar
islaam@usa.com


XAWAR COLUMN
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.

More
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Tue, Dec 11, 2001
xamar Guji halkan si aad u aragtid Bilicda Xeebta Xamar.
bosasa Guji halkan si aad u aragtid Xeebta Bosaso.
digniin
spysecrets
(CBS) Discover spy secrets from Mati Hara through the Cold War.
Click here to read


cyperCrime
(CBS) The Internet has become a haven for some of the oldest scams in the book.
Click here to read


clone

(Time) Renegade scientists say they are ready to start applying the technology of cloning to human beings. Can they really do it, and how scary would that be?
Click here to read
DNA

(nature) Sequence and analysis of the human genome, Road maps to our genetic landscape etc.
Click here to read
Check also sciencemag.org
or check exn.ca
LINKS
<> Animal Discovery
<>The Lancet
<>Ask Dr. Ibrahim
ENGINEERING LINKS
> Eng. Net Base
> Clearing House
> ASCE Publications
> Eng. Virtual Library
> Environment Canada
> Ontario Min. Environment
> Engineering Information
> CivilEngineers Journals
> Testing and materials
> CSA International
> P. E. Ontario
> N. S. P. E.

toefl
Want to write TOEFL, check
Toefl official website

SAT
> SAT Examination
GRE
> Graduate Record Examinations
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo
Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman