Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com | Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
FAALADII MAXAMED-DEEQ
RUNTA BUNTILAAN, RAAMSIGA BAXAYA IYO RAGAADKA HARAY

"BUNTILAAN WAXAY DHAAFTAY 1-DII JULY IYADOO AAN LA HELIN AALADD U DHIGANTA 2YK"

Qore: Mohamed-Deeq | Sahan, Bosaso | Distributed: SomaliTalk.com | July 5, 2001

deeq WQ: Maxamed-deeq Cabdulqaadir Tifaftiraha Sahan.
maxdeeq50@hotmail.com
Waa sharci iyo sharci maaha, waa gar iyo gar maaha, awood uma laha iyo awood bay/buu u leeyahay, waa loo diray iyo yaa u dirsaday, waa shaqadoodii iyo shaqadooda maaha; waa la doortay iyo yaa doortay, Isimadaa ansixiyay, iyo xaq uma laha; erayadan iyo kuwo kale oo aan macne ahaan ka fogeyn ayaa beryahaan si aan heer kore iyo mid hoose mid dhaafin degaanka Buntilaan afartiisa gaar si aad ah loogu hadal hayaa, iyadoo ay dadka qaarkood arrintan ku tilmaamayaan horyumar aanu jirin meel kale oo Soomaaliya ah oo gaartay, ayaa hadana waxaa jira culays weyn oo tan iyo markii ay soo dhawaatay mudadii saddexda sano ahayd ee shirweynihii lagu dhisay Buntilaan u qabtay jiritaanka mudada xukuumadda ku meelgaarka ah ee xilligaas la dhisay.

Dareenkan ayaa ugu horayn ka dhashay xukuumadda Buntilaan oo ka soo bixi wayday balan qaadyadii axdigu dhigayay oo ahaa in ay xukuumaddu mudadaas ku diyaariso dastuur lagu ansixiyay afti dadweynaha Buntilaan laga wada qayb galiyo iyo cadaadisyo aan kala go' lahayn oo xukuumadda lagu saaray in ay xilka iska dhigto haddii ay balantaas fulin wayday.taas waxaa ka sii horeeyay magacyo dhawr ah oo ku yeeray xukuumadda sida madax-ka nool, Bush ka adag, fayl iyo findhicil, kaligood noole iyo kuwo la mid ah, iyadoo aysan dawladdii la dhisay marna maara u helin in ay khilaafto aragtiyaha same doonka ah ee dadweynuhu ku taba tusayeen.

Kalsoonidii shacabku intiisa badani ku qabeen xukuumadda ayaa lumay, dawladdana waxa aad moodaysay in ay ku shaqaynayso sidii ay dadka u hilmaansiin lahayd ka hadalka arrimaha siyaasadda dhan, si ay u soo baxaan dad kooban oo ka hadla Siyaasadda, hase yeeshee taasi ma noqon mid dajisa caradii dadweynuhu ku dhaliilayeen dawlad goboleedkoda.

Balse horta inta aynaan u guda degin, qormadan oo ah mid si looga bogto aan u dheereeyay iyo sawirka dhabta ah ee ay xaaladda Buntilaan yeelatay maalmihii u danbeeyay iyo waliba waxa laga saadaalin karo maalmaha soo aadan, aan marka hore yare jaleecno arimaha muranka dhaliyay iyo waxa aragtiyaha sharci ee kala qabo, iyo qodobada kale ee leh muhiimadda faham ee arrintan; inaga oo inta badan arrimaha ka eegi doona dhanka siyaasadda gudaha ee aan miisaan siin doonin kaalinta ay arrimada socday ku leeyihiin dalal iyo hay'ado shisheeye oo laf ahaantooda lagu tilmaami karo inay yihiin jilayaasha dhabta ah.

Laba qodob ayaa ugu muhiimsan kuwa doodani dhanka sharciga ka fariisan la' dahay, kuwaasoo nuxurka qodobka hore aan wax khilaaf ahi ka jirin, kaasi waa kan oranaya nuxur ahaan "haddii saddexdan sano gudahood xukuumaddu diyaarin waydo dastuur waa dhacaysaa dawladdu, waxaana awoodii madaxweynuhu ku wareegaysaa gudoomiyaha maxkamadda sare" waxaa kaloo qodobkani dugsanayaa qodob kale oo ka mid ah axdiga oo xaaraantinimaynaya wax ka badalka dhawr qodob oo qodobkan hore ka mid yahay, iydoo uu jiro qodob kale oo golaha wakiiladda u fasaxaya wax ka badalka axdiga marka laga reebo qodobadda la xarimay ee dhawrka ah; waana tan midda ay qayladhaantooda ku xoojinayaan musharixiinta iyo kooxaha xukuumadda dhaliilayaa, iyaga oo leh Axdigii baa lagu xad gudbay, gudoomiyaha maxkamadda sare ayaan taageersanahay, baarlamaanku xaq uma laha in ay wax ka badalaan axdiga iyo erayo la mid ah. Hase ahaatee muranku waxa uu ahaan lahaa mid gartiisu cadahay haddii arintu taas kaliya tahay, baarlamaankuna haba yaraatee ma jirto meel uu wax kaga badalay qodobadii axdigu mamnuucay wax ka badalkooda, waxase doodu salka ku haysaa qodob aanu jirin wax baarlamaanka ka xayiraya in ay badalaan, ahaana qodobka hore mid macne ahaan aad u saamaynaya, qodobkaasi waa midka sheegaya Dastuurka axdigu jideeyay in la sameeyo cidda uu ogolaanshaheeda ku ansaxayo.

Malaha qodonkan waxa ay ahayd in lagu daba xiro qodobka hore ama waxa ay ahayd in lagu daro qodobada mamnuuca ah in la badalo, midnase lama yeelin, ee waxaa la qotomiyay meel gaar ah oo ka mid ah qodobka 8-aad baalamaankuna inta tirtire qaatay ayuu qodobkaas oo ahaa "dastuurku waxa uu ku ansaxayaa afti dadweyne waxa ay u badaleen waxa uu ku ansaxayaa baarlamaanka oo laba fadhi inta badan isku raacdo" markaas ayay labadii mariyeen oo yiraahdeen dastuurkii waa dhaqan gal. Hase ahaatee taas dadweynaha badankiis iyo dadka xukuumadda mudada dheeraysatay diidani arrintaas uma arag xal ee waxa ay ku macneeyeen nin meel uu wax aan sharci ahayn kala baxo doondoonaya, sidase musharixiinta qaarkood qirayaan haddii arrintan dood sharci ah la hor geeyo baarlamaanka lagagama gar heli doono.

Intii ka danbaysay marka go'aankaasi ka soo baxay golaha wakiiladana waxa jiray doodo ku wajahan in wax kasta oo ka soo baxaa yihiin far shaydaan la malookeeyay oo aan sharci ku dhisnayn, waxaana aragtidaasi fursad xood leh ka heshay dadweynaha caadiga ah oo aan siyaasaddaha ku dhex labnayn iyo taageerayaasha kuwa diidan maamulka Buntilaan, taasoo ahayd sababta ku kaliftay xukuumadda in ay isugu yeerto shir Isimadu ku yeeshaan Garoowe, si ay kalsooni dheeraad ah ugu helaan qodobkan muranka dhaliyay.

Waxaase doodu sii laba lixaadsatay markii uu gudoomiyihii maxkamadda sare ku dhawaaqay in isagu yahay ku sime madaxweyne oo sharci ah tan iyo inta laga soo dooranayo madaxweyne kale oo shir weyne lagu doorto, qodobkan ayaa isaguna qaatay qaybta labaad ee dooda dhinaca sharciga, waxayna golayaasha dawladda iyo taageerayaashoodu ku doodayaan in shuruuduu ahayd haddii aysan dawladdu dastuur diyaarin ay dhacayso in ay tahay mid xukuumaddu ka soo baxday, taasoo ay kuwa doodanina kaga jawaabayaan oo ma dastuur aan afti dadweyne lagu ansixin ayaa noqonaya dastuur sax ah.

xeer ilaaliyaha guud ee Buntilaan oo aan meel madal ah aan ku waydiinay waxa uu sharcigu ka qabo sheegashada gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in gudoomiyuhu uusan xaq u lahayn qoraalka uu soo saaray, wuxuuna intaas raaciyay in sidii loogu dhiibay looga qaaday xilka madaxweynuhuna leeyahay awoodda xil ka qaadista iyo u dhiibidda labadaba sida axdigu qorayo iyo in madaxweynuhuna wado sax ah u maray xil ka qaadista gudoomiyaha, halka musharixiintuna ay ku doodayaan in aan madaxweynuhu xaq u lahayn xil ka qaadista godoomiyaha maxkamadda sare iyadoo saacaddo u hareen muddadii sharciga ahayd ee laysla ogaa in uu xilka sii hayo. Doodan ayaa mar aan dhex dhignay dad aqoon yahan ah oo dhexdhexaad ah waxa ay ku soo uruuriyeen in mucaaradku ay haystaan taageero weyn oo shacbi oo aan sharciyad wadan, dawladuna ay haysato sharcigii oo ay qiilal layasla doondoontay ku banaysteen, hase ahaatee aan dadweynuhu ku qanacsanayn habka ay dawladdu u maamushay.

Xiisaduse intaas kuma eka, 2 dii June shirkii xukuumaddu ku baaqday ee Isimada ma qabsoomin wakhtigiisii, ee dib ayuu in badan uga dhacay sidii ku talo galku ahaa, kadib markii ay imaatinkiisa ka gaabiyeen qaar badan oo ka mid ah Isimadii soo jireenka ahaa, waxaana isimadii soo jireenka ahaa ka shirkaas ka fadhiyay oo Kaliya 2 Isim oo kala ahaa Islaam Maxamed Islaan Muuse iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo madasha shirka ku soo biiray saacadihii u danbeeyay ee go'aan gaarista kadib markii uu halkaas si siibtay isagana tagey Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo hogaaminayay Isimada Mudug, iyadoo shirkani ahaa kii ugu horeeyay ee siyaasadeed ee uu ka qayb galo Islaan Bashiir tan iyo markii la caleemo saaray 1998-dii.

Culays aan marna la qiyaasi Karin oo dhinacyo kala duwan ka imaanayay ayay taasi saartay Islaan Maxamed oo ahaa gudoonka shirka, iyadoo uu dhan waliba culayska ugu badan saarayay sidii ay Islaanka uga raaridi lahaayeen dareenkooda iyo sida ay u rabaan in xaaladda Buntilaan looga saaro mugdiga soo wajahan ee siyaasadeed iyo maamul; taasina waxa ay qaybta ugu wayn ka noqon kartaa sababta Islaan Maxamed iyo Isimada kale ee Nugaaleed markii danbe uga mawqif duwanaadeen Isimadii kale ee shirka ka qayb galay badankood, kuwaasoo intoodii badnayd ku taliyeen in baarlamaanku ka go'aan gaaro mudada lagu darayo, halka Islaan Maxamed iyo qaar kale oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanku ku arimiyeen in golayaasha dawladda la kala diro marka laga reebo saddexda xubnood ee shirweynihii hore lagu doortay, taasina waxa ay Islaanka iyo inta la ragtida ahayd dhaxalsiisay in labada dhinac ee awooda ku loolamaya labaduba ku gacan sayraan wadadii ay qaadeen, iyadoo dhinacba u tirinayo in uu dhanka kale u janjeero, waxayna taasi dhashay in mucaaradka intiisa badani ay soo dhaweeyeen go'aanka uu isku caleemo saaray gudoomiyaha maxkamadda sare, oo sheegtay in uu yahay ku simaha madaxweynaha.

Arrimahaasi waxa ay keeneen in dadka waxgaradka ah ee la socda arrimaha siyaasaddu ay walwal la seexan waayaan iyadoo siyaabo kala duwan loo sii odorosayay sida uu xaalku noqon doono, dad badani waxa ay rumaysnaayeen in xaaladda amaanku faraha ka bixi doonto, ciidamada iyo in badan oo ka mid ah golaha xukuumaduna ay qaadan doonaan mawqif dhan ka ah kan ay baarlamaanku gaareen, waxaana arrintaas door xoog leh ka qaatay warar is burinaya oo ay idaacadaha shisheeye ka baahinayeen Buntilaan tan iyo markii Maxamed Xaaji aadan iyo Cabdullaahi Yuusuf isku jiireen sida loo maamulayo adeegyada wasaaradaha todobaadkii ugu danbeeyay ee saddexda sano, waxaa kaloo arrintan qayb lixaad leh ka qaadanayay dilal bilihii tagey ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo warar sheegayay in haddii mudo kordhintu hirgasho Cabdullaahi Yuusuf balan qaaday in uu kala eryi doono dhamaan golihiisa wasiiradda.

Marar badan waxaa u soo baxaysay dadka wax qiimeeya in meesha belo ka soo socoto oo lagu kala tagi doono, dadku canshuuraha diidi doonaan, dagaalna lama huraan yahay, qaar kalana waxayba odorasayeen in Kornayl Cabdulaahi oran doono haddii aan gabay cid u dhiibta; isla mar ahaantaasna waxaa si xawli ah u baahayay warar khalkhal lagu galinayay nidaamka talada haya, kalsoonida dadku ku qabeena lagu daciifinayay, iyadoo dhanka kalana wararkaas badankooda lala beegsanayay dadka dibada iyo idaacadaha Muqdisho qaarkood oo aad ugu muuqday maalmahaas kuwo u xil saaran buunbuuninta xaaladda Buntilaan ee cakiran, iyadoo dadweynuhuna si aad ah uga qayb qaadanayay weerarka ku socday kooxda talada haysa, kuwaasoo badankoodu cadaadis ku saarayay Isimada, Baarlamaanka iyo xukuumadda in xukuumaddu hawsha ka fariisato marka mudadeedu dhamaato; iyadoo isla mar ahaantaas lagu kala duwanaa cidda talada la wareegaysa 30ka June kadib, hase ahaatee illaa iyo hadda arrimahaas oo dhami ma dhicin; .

Hase ahaatee markii ay iska soo daba baxeen go'aamadii is taageerayay ee Isimada iyo baarlamaanku mudada ku kordhiyeen, sida Islaan Maxamed u aamusay ayaana dadweynaha badankiisna u aamusay, wallow magaalada Garoowe oo aan anigu joogay dhawr dharbaaxo laysku waydaarsaday goobaha fadhi ku dirirada loo yaqaan qaarkood, iyadoo dooduhu ahaayeen kuwo aan la isugu turayn oo car iyo wir leh laysla hor joogay, waxaana maalmahii xigay dadweynaha caraysani isku qancinayeen in loo dulqaato maalmaha u haray xukuumadda.

Dhawr warqadood oo gudoomiyihii maxkamadda sare iyo musharixiinta qaarkood ka soo baxay mooyee ma jiro hadal baahsan iyo kacdoomo bulsho oo go'aankaas ka dhiidhiyay, mana dhicin mudaharaadyo taageero iyo diidmo toona ah oo ka dhacay geyiga Buntilaan, go'aanka gudoomiyihii maxkamadda sare oo haatan sheegay in uu yahay ku simaha madaxweynaha oo lagu yaqaanay nin af gaaban ayaa isna ahaa wax aan la filayn, taageero ay siiyeen musharixiintuna waxba kuma kordhin aan ahayn in uu mar kale BBC-da ka hadlo, inkasta oo uu jiray tuhun xoog leh oo muujinayay mudaba in uu madaxda Dawladda Carte qaarkeed la leeyahay xiriir dhaw, hadana marna looma qaadan in uu yahay nin arrintaas ku talaabsan kari doona.

Isku soo duuboo guuxii ka baxay dhagaha dadka Buntilaan waxa uu noqday mid ku biyo shubanayay maalmahaas dhamaadkii mudadii hore ee xukuumadda oo ku ekayd 30 June waxaana dhalatay cabsi le'eg tii ay saynisyahanada qaarkood saadaaliyeen sanadkii 2000 bilowgiisii, iyadoo sida dadka badankiisu la socdo uu jiray shaki xoog leh laga qabay in kala guurka labada qarni la imaan doono arrimo waaweyn oo halis galin kara nolosha aadanaha, taasoo keentay in dunidu u socdaasho cirifka koowaad ee sanadkaasi ka bilanayay.

Maalmahaas ayaa xaaladda Buntilaan 1-da July ku ahayd 1-dii Jan ee sanadkii 2000, iyadoo isla mar ahaantaas aaanu jirin aaladii loo diyaarsaday in looga badbaado haddii khatar timaado ee ahayd 2yk, waxaase wax lala yaabo noqotay in aysan haba yaraatee wax mushkilad ah la imaan 1dii july, iyadoo ay xaaladda gobolku u muuqato mid aan waxba iska badalin oo sideedii hore u socota, inkastoo la saadaalin karo dhawr arrimood oo keeni kara khatar amaan daro.

Malaha markii hore ayaa saadasha la khalday, mise waxaan jirin cid doonaysay in ay Buntilaan khatar u horseedo, waa jiraan dad qaba in ay khatartii riman tahay, mase badna mucaaradkuna waxa uu u muuqdaa mid aan doonayn in uu cudud milatari u maro isbadalka siyaasadeed ee la doonayo, sidoo kale xukuumadda ayaa yaraysay gawaarideeda gaashaaman ee magaalada u soo baxa.

Magaalada Bosaaso oo ahayd meesha ugu xiisadda badan ee dhinaca siyaasadda ayaa waxaa ka muuqda xasilooni aan qiyaas lahayn, ganacsataduna waxa ay diideen talooyin ka yimid dadka isbadal doonka ah oo ku talinayay in ay soo saaraan qoraal ay canshuuraha ku joojinayaan.

waxaana soo baxay in Buntilaan tahay ishii adayga iyo ayaanka la kala dooransiiyay ee ayaanka dooratay.
Marka la isku soo xooriyana waxaa cadaatay in Buntilaan ka gudubtay 1-dii July iyada oo aan haysan aalad u dhiganta tii loo diyaarsaday 1-dii Janaayo 2000, waxaana soo baxay in Buntilaan tahay ishii adayga iyo ayaanka la kala dooransiiyay ee ayaanka dooratay.

Wallow ay wali sii muuqdaan arrimo soo cusboonaysiin kara iska hor imaad iyo qalalaase ka dhaca degaanka Buntilaan xilligan, marka la eego hadafka siyaasadeed ee ay kala leeyihiin dhinacayada kala duwan kaasoo haatan sida ay dadka siyaasadda falanqeeyaa rumaysan yihiin ku wajahan cidda Buntilaan uga qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeen ee soo aadan oo la filayo in la qabto dabayaaqada sanadkan, waxaana dadka arrimahan lafa guraa ku qabaan in xubnaha ugu muhiimsan ee dadaalka isbadalka ku hawlani ay haystaan taageero dibadeed oo ku dhiiri galinaysa in aysan marnaba aqbalin in masiirka Buntilaan ee ku wajahan xaaladda dib u heshiisiinta aan marna loo ogolaan in kornayl Cabdullaahi siduu doono ka yeelo, taasoo ah qorshaha ugu weyn ee ay haatan higsanayaan musharixiinta muddo kororsiga diidan iyo gudoomiyaha is caleemo saaray labaduba, iyadoo dhanka kalana xukuumadda mudada dheeraysatay ay ka go'an tahay in wax kasta oo ay ku kacayso ay ka hor tagto shirka gudoomiyaha maxkamadda sare ku baaqay ee 1-da Ogosto.

Guusha iyo guul darada shirkan ayaa waxa ay inta badan ku xirnaan doontaa sida ay u soo dhaweeyaan Isimadii ka aamusay is maandhaafkii hore oo uu islaan Maxamed ugu horeeyo, iyo sida hadba dadka u ololaynaya looga dhex arko dad miisaan leh oo soo jiidan kara bahweynta Buntilaan oo aan haatan xiiso badan u qabin maamulka 3da sano kororsaday.

Gabayada kuma fiicni ee hadaan gabay aqoon ahaan lahaa waxa aan markan oo kale dareerin lahaa tixihii Cabdullaahi macalin Dhoodaan ee bilowgeedu ahaa;

 

Gardaroy dhibaad geysataa goor iyo ayaane
Gefkii aad samaysaa batiyo godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudo'e
Waxaad goyso mooyee la waa nimaad gargaartaaye
Gurigii barwaaqaysan baad gubi taqaanaaye.

Waa dheer tahay tixdani, laakiin waxa ay ku dhamaataa hadii aanan khaldin'

Is gundhin iyo guul guul haddii laga gayoon waayo
Gabgablayntu kuma caawisiyo faan gobshaysiguye
Nabadii garoobaysayee loo gayaxa duubay

Kol hadaan gidiba loo helayn amay is guunguuntay
Ninkay godobsanaysaa intuu laad isugu gaabsho
Waa inuu gadaamada jaraa ooy galgalataaye

Markii laga gilgilo baydidaa kii gunada haystay
Gorros iyo isgaylaamin iyo gadhdhac mooyaane
Inuu giriftamaa waa waxaan goorna la arkayne
Waase gogosha doonkii intaa kaad galaafaniye
Gardarooy ninkaagii adaa gawracaas badiye.

Qore: Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Tifaftiraha Sahan
Email: maxdeeq50@hotmail.com

BOOSAASO - July 5, 2001


WARARKA KALE EE PL Akhri www.PL.SomaliTalk.com

Wargeyska Sahan, qaybta "Somali News Center" waxaa lagala xiriiri karaa sncbosaso@brtel.net

Sahan News Archive: Click here

Posted: July 5, 2001 by SomaliTalk Team

Distributed Via SomaliTalk.com

CREDIT: Mohamed Deeq.


YAA SOOMAALIYA KALA GOOGOYNAYA
May 16, 2001

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Tue, Dec 11, 2001



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere