Somalitalk.com Online Community
SOMALITALK.COM
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
FREE EMAIL
FreeEmail
Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | Tue, Dec 11, 2001 | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Ahmed Dowlo Column
Qofkii 16aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
By Ahmed Dowlo | dawlo@hotmail.com
Johannesburg, South Africa

September 20, 2001

Habeenimadii ay soo galaysay Talaadadu ee ay bishu ahayd 18 Sept. 2001 ayaa waxaa lagu toogtay wadanka K/Afrika ganacsade Soomaali ah oo la odhan jiray Abshir Cabdulaahi Maxammed (Fara -Badane) Allaha u naxariisto. [Hoos Akhri]

Abshir wuxuu dukaan lagu gado dharka in muda ahba ku lahaa magaalo la yidhaahdo Dennilton oo 170km u jirta Johannesburg.

Marxuum Abshir waxay nimanka toogtayi doonayeen inay dhacaan dukaanka wuxuuna marxuumku isku dayay inuu iska caabiyo markaas ayayna xabad uusan naf la dhul dhicin kaga dhufteen laabta.

Abshir Farabadane oo 27 jir ahaayi wuxuu ku dhashay deegaanka Laas-Caanood ee dalka Soomaaliya wuxuuna K/Afrika yimid 1995 tii. Waa qofkii 16aad ee Soomaali ah ee lagu dilo K/Afrika ilaa 1994 tii loona dilo umuuro la xidhiidha ajnabi-nacayb iyo budh-cadnimo.

Dilkani wuxuu ka danbeeyay boob laxaad leh oo lagu sameeyay dad Soomaali ah oo ka ganacsan jiray magaalada Port Elizabeth (PE) oo 1100km u jirta Johannesburg maalintii isniinta ee bisha Sept ahayd 10ka. sida lagusoowaramay, 25 dukaan ayaa cagta la mariyay, waxaana xataa la qaatay shelfiskii dukaamada, ugu yaraana waxaa la gubay dukaamadaas laba ka mid ah.

Soomaalida ka ganacsata gobolkaas iyo guud ahaan dalka K/A waxay umuurtani ku dhalisay walaac xoog leh oo ay lafahooda u baqayaan.

Boobkan oo ay sameeyeen dad gaadhaya ilaa 500 qof oo K/Afrikaan ahi ayaa fara madoobeeyay dad ilaa 200 qof oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin caruur iyo haween, waxayna yax-yax ku noqotay dawlada K/A oo asbuuc uun ka hor marti galisay shirkii aduunka ee LA DAGAALANKA CUNSURIYADA IYO AJNABI-NACAYBKA. Dadkaas Soomaalida ah ee lagu dhacay PE waxay ku xaraysan yihiin meel hool ah oo ay siiyeen bulshada Muslimka ah ee magaaladaasi.

Sida uu ii sheegay Mer Beza Ntshona oo ah Xog-hayaha ururka ANC ee talada dalka haya ee magaaladaas PE waxay dawladiisu doonaysaa inay cashar cusub u dhigto dadka gaystay ficilkan �budhcadnimada� ah. Wuxuu kaloo ii sheegay inay xidh-xidhan yihiin dad ilaa 15 qof ah oo lagu qaadi doono danbi ah "Public violence".

Wadanka K/A wuxuu ka mid yahay wadamada aduunka ugu danbiyada badan waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay kuma ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo wadamada �ku jira xaaladaha dagaal�. Waxaa kale oo K/Afrika ay beryahan danbe caan ku soo noqonaysay danbiyada ajnabi nacaybka la xidhiidha oo dil ka mid yahay sida ka loo gaystay marxuum Abshir oo si xad ka bax u sii kordhaya.

Abshir wuxuu ka tagay wiil laba sanadood jira iyo hooyadii Faadumo Mahad oo labaduba ku nool wadanka Maraykanka.

Ahmed Dowlo
dawlo@hotmail.com
Mobile 27 82 481 1440
Johannesburg, South Africa


Soomaalida lagu diley K/Africa qayb kamida ka akhri halkan (diyaarintii Siciid Fuuraa)
AXMED DOWLO COLUMNS
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |

Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
.


Xuquuqda Qoraalka / Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy