Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ABHALI.SOMALITALK.COM
Cabdulaahi Xassan Cali
DEEROW DAWLADDA DAAYE
DASTUURKII AAWAY?.

Xilka ugu muhimsan Golaha shcabaka ee KMG ah marka la soo gaabiyo waxaa la oran waa inuu diyaariyo dastuur dadka qancin kara, tiro koob guud iyo inuu dadwaynaha u diyaariyo sidii ay doorasho xor ah u geli lahaayeen.

Taas waxaa barbarsocda oo laga doonayaa inay gutaan xilka maalmeedkooda oo ay ugu horayso inay qofka caadiga ah ee Somaliga ah ay caqligiisa kusso celiyaan baahida iyo dhibaatada kala dambaynta loo qabo.

Waxaad mooddaa in golaha shacabka ee KMG ah uu mashquul ku yahay hawl maalmeedka dawladda, ka qayb galka shirarka uu madaxweynuhu qabanayo. Golaha oo ah kan ugu awoodda sareeya dalka ayaad moodaa inuu gabayo xilkiisa. Maalmahaan wixii ka soo baxayey oo eedayn ah ee dusha ka saarayeen xukuumadda ma moodid inay garowsasho ku leeyihiin.

Guddoomiyaha golaha Shacabku waa xubin muhim ah oo mar walba la socota sida ay xukuumaddu u socoto, walina lama gaarin waqtigii eedaha lagu sugi lahaa goloyaasha ee waxaa lagu jiraa gurmad aan kala har lahyn. sidaas darteed, guddoomiyuhu waa inuu garawsado inuu talo joogta ah siiyo xukuumadda iyo madaxwaynaha oo uu waqti fara badan ku bixiyo la joogistiisa. taas ayaa ka haboon waqtigaan inay golahu eedeeyaan xukuumadda aan salka adag lahayn ee ay iyaguba ka midka yihiin.

Ma difaacayo wixii gef ah ee dalka laga galo, waxaanse difaacayaa in xilka qof walba saaran uusan waqtigaan la beegsan shirar gole oo waqtiga ay dhici doonaan aan la garan karin iyadoo lagu jiro gurmad dab demis ah.

Waqtiga u harsan golaha shacabka sida ii muuqata ma ah mid ku filan hawsha laga doonayo in ay qabtaan, sanadkii koowaad ayaa dhamaad ah, welina hawlahoodii kuwii ugu horreeyey dadwaynaha looma soo bandhigin. Waxaa iga talo ah, inuu golaha shcabku yeesho Web Site[bogg] gaar ah oo macluumaadka uu ku uruursado, dadwaynuhuna ay kala xiriiraan.

Aqoon yahanada Somalida ee leh awoodda aqooneed iyo kartiyeed waa inay ku caawiyaan golaha Mailing List joogto ah oo lagula xiriiro golaha maadaama waqtiga dhow ay guda geli doonaan diyaarinta dastuurka, talo fara badanna looga baahan doono dadwaynaha Soamliyeed. Aad ayaan u soo dhawayn lahaa haddii tiknolajidda uu goluhu ka faa'iidaysto.

Qore C/Laahi Xassan Cali

Qoraaga Kala Xidhiidh.
abhali@yahoo.com

Posted June 22, 2001

Waxaa Lagu Daabacay SomaliTalk.com


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Sat, Jan 19, 2002
TODAY'S NEWS
Payout for family of hanged man
Somali seaman Mahmood Mattan, who lived in Cardiff, was executed 49 years ago for slitting the throat of a woman shopkeeper.
Read More BBC May 14
1,328 Somalis win Diversity Visa Lottery 2002
Check NL.News May 15
IS-XISAABI
Is-Xisaabi inta aan lagu xisaabin
Fadlan Guji halkan
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan
Kancaan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere