Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
EMAIL
EmailFree
YAAB BADANAA
Yaab Badanaa....Murugo Badanaa
Daawo halkan [PowerPoint]
English Version
Waxa soo diyaariyey:
Abdulfatah Mohammed [Canada] iyo
Abdulqaadir Diriye
[UK]
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Akhri halkan May 1
Qore: Muhammad Dhubat(Caddaawe)
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta
Akhri halkan May 7
Qore: Ibrahim Salah
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.
Quote from
Encarta Online
S . Y . L
TAARIIKH LAMA ILAAWAAN AH SYC / SYL
Guji halkan
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
HALABLE COLUMN
bismillah

DIIDADA GUMEYSIGA IYO DOONISTA XORNIMADA
Qore: Shiikh Hassan musse

May 13, 2001

Nin rag ah ayey dardaaran utahay ee doqoni waa moog

Umad walibo waxay leedahay diin, hide, iyo dhaqan ay kufaanto sidaas darteed ayaa dhaqamada umada Soomaaliyeed ay caanka ku tahay waxaa kamid ah nacaybka iyo ladagaalanka gumeysiga.

Waxaana arintan marqaati cad u ah dagaaladii iyo halgamadii ay umadu lagashey gumeysteyaalkii ree galbeedka kuwaasoo isku dayey iney Soomaaliyo xoog oogu taliyaan, taasoo natiijadeedii ay noqotey iney guul daro iyo ceeb kala galbadaan geyiga Soomaaliyeed.

seydika
Seyid Mohamed Abdulle Hassan
Halgamada gumeysi nacaybka ah oo kasoconayey meelo badan oo dalka katirsan ayaa waxaa kamid ahaa kii uu madaxada ka ahaa halyeeygii geesiga ahaa ee magaciisa mar qura geyiga Soomaaliyeed looga haasaawey magac laga miskiin ma ahane waa Darwiishkii Sayid Maxamed - Cabdulle Xasan. Kaasoo jihaad xaq ah ku qaadey dawladii Ingiriiska oo xiligaas aduunka oogu xooga weyneyd. Waxa uu Sayid Maxamed go'aansadey inuu Ingiriiska ladagaalamo kadib markey si dhab ah oogu cadaatey ujeedadiisii kama danbeysta ahayd taasoo ahayd inuu Diinta xididada u siibo dadkana gumeysto. Sayid Maxamed halgankiisii waxa uu qaatey in ka badan labaatan sano. Waana tan soo jiidey fadliga Eebe kasakow xornimada iyo madax banaanida aynu maanta hooskeeda harsaneyno.

xamr
Mogadishu, Destroyed
Hadabo maanta oo aynu kujirno qarnigaan koob iyo labaatanaad ayaa waxaa ayaan daro ah inuu marlabaad gumeystihii soo damaaciyey gayiga qaniga ah ee uu Eebe kumanaystay Umada Soomaaliyeed. Waxaan shaki kujirin iney dawlado iyadu caan ku ah daneysi qaawan ay dooneyaan iney dalka Soomaaliya kheyraadkiisa dihin kafaa iideysataan iyadoon haba yaraatee katala galin umadii dalka laheyd.

Hadabo si ay olajeedadaas ugaaraan waxa ay geed dheer iyo mid gaabanbo ufuuleen ineysan marnabo soo noqon qaranimadii Umada Soomaaliyeed ee ay iyadu gacmaheeda kuburburisey.

somboat
Pirates, Warlords
and Rogue Fishing Vessels in Somalia's Unruly Seas
Waxaa arintan inoo bayaaninayo dhawrkaan su'aalood ee hoos ku qoran.

Waxaynu ognahay iney Xabashidu tahay cadawga soo jireenka ah ee Umadda Soomaaliyeed taasoo haysato dhul Soomaaliyeed gumeysatana dad Somaliyed isla markaana kaalin weyn kaqaadatey burburintii qarankii Soomaaliyeed. Hadabo isweydiintu waxaytahay maxey qaramada midoobey oogu xilsaareen Itoobiyo iney wakiil aduunka ooga noqoto Soomaaliyo? Iyadoo walibo masuul looga dhigey xal uhelida xaalada murugtey ee Soomaaliyo.

Sidaynu wada ognahay qaarada Afrika waxaa kubadan dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin dabiici ah kuwaasoo ay aalaabo sabab uyihiin cadaalad xumo iyo musuq maasuq, kuwaasoo mararka qaar geysta dhibaatooyin balaaran oo aykamid yihiin dhimasho sabab la'aaneed iyo burbur dhaqaale.

HAaabo - dalalka ay duruufahaani soo wajahaan waxa ay beesha caalamka kahelaan gurmad banii'aadninimo iyo iney labaadi goobaan xal uhelida khilaafaadka siyaasadeed iyo soo celinta nidaamkii uu mushtamacaasi lahaanjirey. Mida aynu markaana isweydiineynaayi waxay tahay maxaa lataabankaraa oo ay reer galbeedka uqabteen shacbigii Soomaaliyeed ee mudada kabadan tobanka sano ay salfadeen dagaalada sokeeye? Waxbo yeysan ugaline faraha maka qaadeen mise waa kuwa hurinayey dagaalada sokeeye ee dagaal oogayaasha midkasta oo kamid ah umuujinayey saaxiibtinimo gooni ah islamarkaana ubidhaaminayey rajo ah inuu isagu Soomaaliyo madaxweyne kanoqondoono taasoo ujeedadeedu aheyd ineysan marna qaboobin dhiilada colaadeed ee dalka ka holceysey?

diyaarad
Oogu danbeyntii dhibaatada inagu dhacdey iyo kuwo kadaranbo waxa ay soo gaareen qaar kamid ah dadyowga qaarada inala degen mana aynaan arag umad kaalmo looga dhigey in lagu kala firdhiyo dacalada dunida si xididad loogu siibo Diintoodii, Dhaqankoodii Luqadoodii,iyo Qoomiyadoodii. Hadabo isweydii kaligaa manaxariis iyo dhaqaaleyn beynu uqaadanaa gabal dhacay iyo waa beryey diyaaradaha uu reergalbeedku kusoo daabulayo dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii dalka lafdhabarka u aheyd?

Waxaan rajeynayaa su'aalahaan Jawaabtooda oo koobani iney tahay dadkeeni iyo dalkeenii waa loo tashadey. Hadeynaan maanta gacmaha isqabsan oo aynaan is hortaagin damaaciga indho la'aanta ah ee gumeystayaasha reer galbeedka iyo taliska Tigreeda oo iyadu dilaal u ah. waxeynu baraarugi doonaa waqti ay fandhaal iyo xeero kala dhaceen dalkiina uu gacanteena kabaxay. Walaalayaal waa ineynu ogaano inuusan nakala aqoon, uusana kala jeleyn qabiilkaad kadhalatey iyo gobolkaad ka timid. Aritan waxey kamid tahay khidada uu cadowgu adeegsado oo uu kadhaa dhiciyo makasta iyo dagaal oogayaasha aan damiirka iyo wadaniyada lahayn.

Nin rag ah ayey dardaaran utahay ee doqoni waa moog.

Qore: Shiikh Hassan musse
halable@hotmail.com
Canada

Published: May 13, 2001


QORAALKII HORE EE Shiikh Hassan
ALLAH SI'UU INOO JECLAADO WA INEYNU IS JECLAANAA
NB: Links made by SomaliTalk Team

All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Wed, Feb 06, 2002
MAC-HADYO
beder.somalitalk.com
MacHadka Beder, Boosaaso
asalcomputer.somalitalk.com
MacHadka Asal, Muqdisho
GALKACYO
www.gos.somalitalk.com
Office Supplies, Galkacyo
BAYAANO / PRESS
www.ssb.somalitalk.com
Beelaha Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle
Beesha Mudullood
Shirkii UK ee May 12
Baaqii Beelaha G.Bari
Axdiga PL, May 3
Lajiifiyaana Banaan!
Koor Column
BARO HTML
www.html.somalitalk.com
Waa meel aad kabarankartid sida loo sameeyo bog Internet ah
MAGAC@SOMALITALK.COM
email.somalitalk.com/free
waa meel aad email magacaayga@SomaliTalk.com aad ka samaysankartid
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere