Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
FALASTIIN
Maxay galaabsatay iimaan oo 4 jir ah
Guji halkan
CIRAAQ
Dayuuradii ugu horeysey oo kaduushay K/Afrika una duushay Ciraaq
Guji halkan
DISCLAIMER
Ideas and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ICUPS
ICUPS Press Release!
International coalition for
a united peacefull Somalia.
 
Ref:Icups/pol-35/RRX
Date: Jully 04,01
  
Ku:  Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed
Ku:  Dhamaan xubnaha ICUPS
Ku:  Dhamaan Saxaafadda iyo idaacadaha Soomaaliyeed
Ku:  Dhamaan Bogaga Internetka ee Soomaaliyeed.
Ku:  Dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda dalka.
C.C  ururada caalamiga ah iyo hayádaha samafalka ee ay khusayso.
 
 
Ujeeddo: Natiijadii doorashada gudoomiyaha ICUPS
July 02,01
 
 
"Gobanimada iyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa mid muqaddas ah oo aan aqbali karin in meel lagaga dhaco amase lagu tunto,waana mid ku timid halgan dheer oo ay gobanimo doonkii Soomaaliyeed ku qaadeen gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga,una hureen naf iyo maalba"
                                                                    
(ICUPS- Dastuurka, qaybta 1aad, qodobka 1aad, faqradda 1aad)
 
"Nabadda Soomaaliya waa lama huraan,waa saldhigga nolosha muwaadinka Soomaaliyeed,xasiloonida geeska iyo bariga qaaradda Afrika,badweynta hindiya iyo badda cas"
 
(ICUPS-Dastuurka, qaybta 1aad, qodobka 2aad, faqradda 3aad)
 
 
Waxaa guul iyo gallad eebe noo ah in aanu maanta oo ah Arbaco taariikhduna tahay Jully 04,01 si rasmi ah uugu dhawaaqno natiijada rasmiga ah ee doorashadii xilka gudoomiyenimada ee isbahaysiga caalamiga ah ee midnimada iyo nabadda Soomaaliya-ICUPS.
 
Doorashadan oo ah tii ugu horraysay ee uu yeesho ICUPS tan iyo xilligii la asaasay ee bishii May 12,01,laguna dooranayo gudoomiyihiisa koowaad, waxaa si waafaqsan sharciga u dejisan ICUPS ee ku saabsan nidaamka guud ee doorashada iyo qaybihiisa hoos yimaada loogu wargeliyey dhamaan xubnaha ICUPS ee aduunweynaha,waxayna ku dhacday hab dimoqraati madaxbanaan.
 
Waxaa xilka gudoomiyenimada ICUPS u taagnaa saddex murashax oo Soomaaliyeed,kuwaas oo uu mid kastaaba si tafatiran uga warbixiyey taariikhda waxqabadkiisa iyo barnaamijka uu damacsan yahay in uu ku hago isbahaysiga haddii uu ku guulaysto tartanka doorashada.
 
 
Magacyada Murashaxiinta: 
  1. Rage Xaaji Maxammed Rage
  2. Dr.Faisal Cilmi Aw Madar
  3. Eng. Cabdulnasir Ismaaciil Habane

Codbixintii doorashadu waxay u dhacday sidan:

Tirada guud ee xubnaha ICUPS:   3,648   xubnood

Tirada xubnaha codeeyey:          3,621   xubnood

Tirada xubnaha aan codayn:       27       xubnood 

U codaynta Murashaxiinta (Saddexda ah):

Magaca Murashaxa                              Helay

  1. Rage Xaaji Maxammed Rage             2,133  cod
  2. Dr.Faisal Cilmi Aw Madar                  1,071  cod
  3. Eng. Cabdulnasir Ismaaciil Habane      417    cod

 Gunaanad:

  • Tixraac,Dastuurka ICUPS,xeerka doorashada,dhamaan qaybihiisa iyo faqradihiisa hoos yimaada waxaanu si wada jir ah u ansaxinnay sharcinimada doorashada koowaad ee isbahaysiga caalamiga ah ee midnimada iyo nabadda Soomaaliya -ICUPS, sida ku cad jadwalka codbixintana waxaanu ansaxinnay in Mudane Rage Xaaji Maxammed Rage uu ku guulaystay tartankii doorashada gudoomiyaha ee ICUPS.

 Waxaanu ku wargelinaynaa dhamaan cidda ay ku wajahan tahay warbixintani ee kor ku xusan,in laga bilaabo maanta oo ah Arbaco taariikhduna tahay Jully 04,01 uu Mudane Rage Xaaji Maxammed Rage si rasmi ah u gudoomay xilka gudoomiyenimada ICUPS,sidaasi awgeedna aanu ka codsanayno dhamaan xubnaha ICUPS in ay taageero iyo wada shaqayn fiican la garab joogsadaan gudoomiyaha cusub ee isbahaysiga.

  • Tixraac,sida ku cad dastuurka ICUPS,xeerka doorashada,qaybta doorashada gudoomiyaha,faqradaha 3aad,4aad & 5aad:
  1. Muddada xilka gudoomiyuhu waa 4 sanno laga bilaabo xilliga uu gudoomiyuhu la wareego xilka gudoomiyenimada ICUPS.
  2. Gudoomiyaha cusub ee ICUPS waa in uu muddo 45 maalmood gudahood ah ku wargeliyaa dhamaan xubnaha ICUPS barnaamijkiisa hawleed oo qeexan,magacyada iyo xilalka xubnaha guddiga cusub ee fulinta iyo wakiillada caalamiga ah ee ICUPS.
  3. Gudoomiyaha ayaa iska leh masuuliyadda buuxda ee dhamaan warbixinnada rasmiga ah ee ICUPS,isaga oo keliya ayaana mutaystay awoodda warsiinta saxaafadda guud iyo sidoo kale magacaabidda ciddii kale ee uu xilkaasi u garto haddii ay timaaddo baahi deg-deg ahi.

Fiiro gaar ah:

Dhamaan qoraallada iyo warbixinnada ICUPS waxay ku bixi karaan oo keliya, looguna soo hagaajin karaa oo keliya cinwaankiisa sharciga ah ee internetka, kaasi oo ah:

unitedsomalia@hotmail.com 

Wa billaahi Tawfiiq.

ICUPS-Guddiga doorashada

  1. Dr.Saeed Jamac Mire(Saeed Dheere)-Guddoomiye
  2. Ubax Shire Caynab-Gudoomiye ku xigeen
  3. Eng.Mukhtaar Axmad Riyaale
  4. Muniira Maxamuud Cali
  5. Guuleed Cabdullahi Xirsi

unitedsomalia@hotmail.com

Waxaanu mahadcelin gaar ah u gudbinaynaa farsamada ICUPS global network oo iyagu lahaa hawsha diyaarinta & xiriirinta codadka xubnaha.  

________________
Posted: July 4, 2001

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
QORAALADA ICUPS
1 | 2 | 3
MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Tue, Jan 22, 2002



Copyright © 2001 SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis Deeq | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere
Wardhere | Wardhere | Wardhere | Wardhere | Gaashaan | Gaashaan | Sacmaal | PCC