Qore: Sheikh Macow (Abaadir)
shibildimoqrasi@yahoo.com
HELSINKI, FINLAND
Published: January 13, 2000
MamdaŽakan waxaan u hibeeyey ilmaha soo koraayo, uu kamid yahay
wiilkayga xamza, iyo ilmaha
dhalandoono hadii uu ilaahay aqbalo.
QORAHA MAMDAŽAN
Qoraha magaciisu waa cabdulkhaadir maxamad sheekh macow (abaadir) barasho
wanaagsan,waxaan idiin soo gudbin shibil dimoqraadi qaybaheeda kala
duwan,
Soomaalida waxay tiraahdaa qurbo cilmi ka keen ama maal, aniguse mamdaŽ
ayaan kawadaa, waa tu ka madax banaan dan shaqsi iyo mid dawlad
shisheeye, waa tu ku salaysan isla noolaan shaha iyo wax wada qabsiga ku
salaysan nolosha dabiiciga,
waxaan rajaynaa shibil dimoqraadi soomaaliya sharaf iyo qadarin inay u
yeesho nabad iyo horumarna lagu gaaro, soomaalida waxay wax badan ku soo
dhaqmeen mamdaŽyo ku salaysan nolosha dadkii soo saarey sida reer yurub,
marnaba ay iskeeni waayeen sida soomaalida u fekeraan una dhaqmaan,
mamdaŽyadu waxay kala ahaayeen hanti wadaag iyo hanti goosit, taasi
waxay na tustay walina natusaysaa inaan rabnay walina aan rabno sacabo
qalaad inaan biyo kaga dharagno, ama fikrado dhaqano qalaad ku salaysan
isku maalmulno.
A b a a d i r
|
Waxaan aamin sanahay soomaalida inay ku dhaqmi karaan qalab dibadda laga
keeno, laakiin dhaqan dibada ka yimaado aysan ku dhaqmi karin.
|
Waxaan aamin sanahay soomaalida inay ku dhaqmi karaan qalab dibadda laga
keeno, laakiin dhaqan dibada ka yimaado aysan ku dhaqmi karin, waxaan
rajayn soomaalida inay raadiyaan mamdaŽyo soomaalidu ku dhaqmi karaan,
waxaan idin xasuusin mamdaŽyadu inaysan ahayn kuwo ilaahay uu soo
dajiyay aan marnaba labadali karin, ama danbi laga galayo wadamada horay
u maray hadii lagu dhaqmo mamda iyaga aysan soo saarin,ama tu kale
ilbaxnimo loo arag.
soomaalida waxaan ka codsan qaybtan mamdaŽyada inay u dhaba galaan ilaa
ay ka soo hellaan tu soomaalidu ku dhaqmi karto horumar iyo barwaakhana
gaarsiin karto.
Waxaan idinka codsan inaad iga guddoontaan mamdaŽakan shibil dimoqraadi,
hadii soomaalida uu anfaci karo, waxaan idinka rajayn inaad igala soo
qayb qaadataan balaarinta iyo horumarinta shibil dimoqraadi, wixii
fikrad ahina aad ku soo kordhin kartaan idinkoo ku mahadsan.
HORDHAC
Fikradan waxaa igu dhaliyay taariikhaha kala duwan ee shacabyada dunida
kala soo kulmeen xukuumadaha iyo dawlada ku dhisan - boqortooyo, ciidan,
hanti wadaag, iyo hanti goosid oo lagu magacaabo dimoqraadiyada ku
dhisan xisbiyada, kadibna waxaan labarbardhigay mamdaŽa qabiilka ay
soomaalidu ku dhaqmaan, ku ligoodu waxay iska mid noqdeen sidatan in
jagooyinka ay u qaybsadaan sida in shacabka intiisa kale waxba inaysan
ka lahayn lagana waraysanin cidda jagada ku haboon iyo cidda kale,
dimoqraadiyada xisbiyada ku dhisan ayaa kawada roonaatay iyaduna
horyaalka waxaa laga qaaday markay ku dhaqantay sidatan, shacabka waxay
u ogolaatay inay dooran karaan oo kaliya - madax wayne, wasiirka 1aad,
golaha shacabka, duqamagaalada, jagooyinka kale ee xukunka waxaa
qaybsado xisbiga dadka ku jira, jagooyinka soo haro ee dawladu
bixintooda waxay faraha ugaleen madaxda sare ee dawlada, iyaga
qudhooduna shacabka aysan soo dooran.
Dimoqraadiyada xisbiyada ku dhisan horyaalka waxaa ka qaaday shibil
dimoqraadi ee ku dhisan xisbi laŽaanta,
shibil dimoqraadi shacabka waxay u ogoshahay inay soo doortaan jaga
walba ee xukun iyo dawlad ah, jagooyinkaasi xilligooda doorashada
cidwalba way u tartami kartaa, jagada kii hayay iyo shacabka intiisa
kale way u wada sinnaan una wada tartami karaan maamulka jagadaasi.
Waalidiinta soomaalida ee cilmiga lahi ama maalka lahi waxaa dhacda inay
u dhaqmaan sidan - iyagoon dareemaynin inay ku daysadaan dhaqanka reer
yurub ama ula kac kaŽahayn ayna kaga daysadaan waxyaalahan nolosha ku
saabsan sida; siyaasada, ilbaxnimada, sax iyo qalad, dhaqanka,iwm.
Waalidiinta dhinac markay cadaanka kaga daysadeen ilmahuna dhinacooda
ayeey kaga daysadeen iyagoo ilmaha dhaqanka cadaanka ku tilmaamayo tu
ilbaxnimo iyo reer magaalnimo wadato ama ku dhisan, tii ay u dhasheenna
ku tilmaamayo tu jaahilnimo iyo badawnimo,
waalidiinta waxaan ka codsan ilmahooda inay tusaan shaqsiyad
wadaniyonimo dhaqan soomaali ay ku dheehan tahay, iskana dhaafaan
dhaqanka qalaad koobiyeentiisa xag siyaasad, ilbaxnimo, iwm, ay
ilmahooda ugu horseedayaan, ka dibna ku ciqaabayaan sida qalaad ilmaha u
dhaqmaan.
Afrika waxaan xasuusin wakhtigii gumaysiga inuu dhamaaday taasi
macnaheedu ay tahay cid kale ku qasbayso inay ku daysato majirto,
laakiin uu haray gumaysiga maskaxda hubkeeduna uu yahay barobogaande ay
dabo joogto cunaqabateen dhaqaale.
Afrikaanka waxaan u rajayn mamdaŽ ayku dhaqmi karaan inay raadsadaan
isagana haraan ku daysashada dhaqanka reer yurub, oo dib u dhac wayn u
keenay markii loofiiriyo meesha maanta afrika ay gaari lahayd, afrika
waxaan ku boorin niyad jabka laga geliyay kartidooda iyo caqligooda inay
iloobaan, kuna dhaqaaqaan inay aaminnaan kartida iyo wax soo saarka
maskaxdooda.
WAAD MAHADSAN TIHIIN.
Akhri Qaybta 2aad
MAGACA;- SHEIKH MAO
CINWAAN;- shibildimoqrasi@yahoo.com
HELSINKI, FINLAND.