Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
Qoraaga: Asad cadaani ibraahim
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
CALANKA SOOMAALIYA
Calanka Soomaaliyana waxaa la sameeyey 12 October 1954. Waxaana sameeyey marxuum Maxamed Cawaale Liiban oo 5 June 2001 ku geeriyoodey Toronto
MALL-ka KARMEL
Suuqa Karmeel waa suuq weyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee soobooqo maanta
SOCDAALKII SHIIKE
Socdaalkii dheeraa ee shiike
halkan ka akhri
SOCDAALKII SHERIFF
Socdaalkii SheriffoSman ee Bariga W/Ameerika.
Guji halkan
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CADDAANI COLUMN
LIXDAN SANO AYAA U DHAXAYSAY LABADII WEERAR EE UGU XUMAA EE MARAYKANKA LAGU QAADO (Pearl Harbor iyo Newyork/Washington)

__________________________________________
WQ: asad cadaani ibraahim | September 19, 2001

Musiibada Maraykanka maanta ku habsatay waxaa labarbar dhigi karaa wixii meeshaa ka dhacay dad lagu waayey ,dhaqaale ku baaba’ay iyo iyo dhacdooyinka laga filayoba tii Maraykanka ku dhacaday 7-12-1941kii markii ay si lama filaan ah u soo weerareen diyaarado ka tirsan kooxaha diyaaradaha dagaalka ee ka midka ahaa ciidamada bada ee Japan oo gaadhayey 105 diyaaradood ciidamada bada ee maraykanku xarun ay ku lahaayeen dekada loo yaqaanay (Pearl Harbor) ee ku taalay jasiirada loo yaqaano(Hawai) ee ku taala badweynta baasifiga. [Hoos Akhri]

Halkaas oo ay ku naf waayeen 2280 Askari,kuna dhaawacmeen1109 kale,waxaa iyaguna weerarkaas ku dhintay 68 qof oo shicib ah.

Jawaabtii uu maraykanku arintaa ka bixiyey waxay ahayd mid deg dega ,aadna u xoog iyo xanuunba badnayd arintaa daraadeedna Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay dagaal uu la galaayo Japan maalintaas maalintii ku xigtay,wuxuu Maraykanku adeegsaday hubka khatarta ah ee loo yaqaano(nukriyerka) lana beegsaday labada magaalood ee (hirushima iyo negasaki)halkaas oo ay ku naf waayeen in kabadan 221893 qof oo reer Japan ah , arintaas oo sabab u ahayd jabkii ku habsaday Japan-ka soo na af jaray dagaalkii labaad ee aduunka 1945kii.

Arintaa ka dib waxaa iska daba imaanayey weeraro lagu diidan yahay siyaasadaha Maraykanka meelo ka mid ah aduunka ,waxay markaas halkan ku xusi doonaa ama ku soo qadanaynaa kuwo ka mid ah weeraradii lagu qaaday Maraykanka.

4-11-1979kii waxay xidheen arday iiraaniyiin ahi 52 dublumaasi oo Ameerikaan ah oo ay ku haysteen safaaradii Maraykanku ku lahaa caasimada Iiraan ee Dahran waxayna halkaas ugu xidhnaayeen mudo 444 maalmood ah ka dibna waxay sii daayeen markii wadahadal siyaasadeed dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Maraykanka iyo Ardaydii haysatay.

sanadkii 1983 Maraykanka waxaa lagu qaaday sadex weerar oo ay ku naf waayeen 273 Ameerikaan ahi 18-4-1983gii miinaysan ayaa lagu dilay 17 Ameerikaan ah isla bayruut ayaa 23-10-1983kii lagu dilay 241 oo ka tirsanaa ciidamada bada ee Maraykanka iyo 58 ka tirsanaa ciidamada daladaha ku booda ee faransiiska. 20-9-1984 waxaa gaadhi lagu qarxiyey qayb ka mid ahayd safaaradii Maraykanka ee ku taalay bariga Bayroot ee caasimada Lubnaan,halkaas oo ay ku naf waayeen 16 Ameerikaan ahi,safiirkii Maraykankuna uu ku dhaawac may.

14-7-1985 waxaa la afduubay diyaarad Maraykan ku lahaa ,nooceeduna ahaa 727 , waxaana afduubay koox shiico ahayd,waxayna dileen qof ka tirsanaa shaqaalihii diyaarada ,waxayna dadku gaadhayeen ay halkaas ku haysteen 39 Ameerikaan ah mudo 16 maalmood ahayd ,markii danbena waysiidaayeen markii ay arinta Suuriya soo dhex gashay .

sanadkii 1985tii waxaa markab la odhan jiray (ikiri laro)oo Talyaanugu lahaa oo la afduubay isagoo bada cad maraya ,ayaa lagu dilay Yuhuudi Ameerikaan ah .

1985tii Gegida diyaaradaha ee magaalada Karachi ee wadanka Pakistan waxaa lagu afduubay diyaarad ay leedahay shirkada Pan-America oo ay saaraayeen 358 qof waxaana halkaas ku naf waayey 20qof oo ku dhintay rasaastii laysweydaarsayey markii diyaaradaas xoog lagu galay dadka intiisii kalena la soo furtay.

weeraradii Maraykanka lagu hayey waxay islamarkaas u gudbeen wadamada Gacanka Carabta ,1986kii ayaa waxaa gaadhi miinaysan lagu qarxiyeey oo lala beegsaday labadii safaaradood ee Maraykanka iyo Faransiiska ee ku yaalay wadanka Kuweyt, waxaana halkaas ku naf waayey 5 qof ,86kalena way ku dhaawacmeen ,waxaana weerarkaas lagu eedeeyey kooxo shiico ah.

taa waxaa ku xigtay dhibaatadii xanuunka badnayd ,markii ay hawada ku qaraxday diyaarad ay leedahay shirkada Pan-America 21-12-1988kii iyadoo dulmaraysa Magaalada (locarbi)ee wadanka Scotland iyadoo ku sii jeeday Magaalada Newyork ,kana timid Magaalada London ,waxaana ku naf waayey 270 qof oo isugu jray dadkii saaraa iyo dadkii degenaa magaalada locarbi ee ay ku dul bur burtay.

sanadkii 1993kii ayaa qarax ka dacay xarunta ganacsiga aduunka W.T.C ee hada bur burtay waxaa ku dhintay 6 qof ,waxaana ku dhaawacmay 1000 qof ,meesha la qarxiyey oo ahayd meesha gawaadhida ladhigto ee daarta hoosteeda ,waxaana qaraxaas lagu eedeeyey 6 qof oo islaamiyiin ah, uuna ka mid yahay Shiikh Cumar C/Raxmaan oo ka soo jeeda wadanka Masar,waxaana lagu xukumay madaxaa ha ku furto,hadana wuxuu ku xidhan yahay jeelasha Maraykanka mid ka mid ah.

10-4-1995kii ayaa qaraxii ka dhacay OKLAHOMA CITY ee ay ku dhinteen 168 qof kuna dhaawac meen 500 oo kale ,waxaa markiiba lagu eedeeyey qaraxaas inay ka danbeeyeen dad Carab iyo Muslimiin ahi , laakiin markii danbe waxaa cadaatay inuu ka danbeeyey askari ciidamada Marakanka hore uga tirsanaan jiray oo lagu magacaabi jiray (Timothy McVeigh) nin kaas oo laba bilood ka hor la daldalay.

13-11-1995 ayaa waxay naftooda 5 qofi ku waayeen ka dib markii qarax lala beegsaday daar ay ku jireen ciidamada Maraykanku Magaalada Riyadh ee caasimada Sucuudiga.

1996kii ayaa waxaa la qarxiyey daar ay degenaayeen ciidamada Maraykanku ,waxaana naftooda ku waayey 19 askari boqolaalna way ku dhaawac meen, waxayna daartaasi ku taalay degmo ka tirsan Magaalada Dahraan oo la yidhaahdo Khubar.

wuxuu ahaa qaraxii lala beegsaday labada safaaradood ee maraykanka kuna kala yaalay Kenya iyo Tanzaniya ,markaliya oo isku wakhti ah 1998kii kuna nafwaayeen 224 qof kumanyaala ku dhaawac meen , mid dush looga tuuro markaas ninka mucaaradka ah, kana soo horjeeda joogi taanka Maraykanka wadamada Gacanka Carabta ee la yidhaahdo(Usama Bin Ladin) isaguna wuu beeniyey inuu arintaa wax laga ku leeyahay.

weerarkii ugu danbeeyey ee Maraykanka loo geysto ka hor intaanay musiibadani ku habsan ayaamahan ina soo dhaafay wuxuu ahaa mid ka dhacay biyaha Dekeda magaalada Cadan ee Yamen dhinaceeda koonfureed ku taala halkaas oo lala beegsaday Doon yar oo miino laga soo buuxiyey Markab Maraykanku leeyahay oo kuwa dagaalka ah ,waxna bur buriya laguna magacaabo(U.S.S.COL)halkaas oo ay ku halaagsameen 17 bad mareen Ameerikan ahi 12-10-2000 waxayna falkaas ku eedeeyeen Usama Bin Ladin walina baadhitaankii wuu socdaa.

ugu danbayntii maalintii bishani ahayd 11-9-2001 weeraro is daba joog ah oo la adeegsanayo diyaaradaha rakaabka qaada ,oo la soo afduubay ayna iska leedahay shirkada diyaaradaha ee American-Airlines ayaa lala beegsaday meelo qiimo weyn ugu fadhiya wadanka Maraykanka sida Xarunta Ganacsiga Aduunka (W.T.C) halkaas oo dhulka lalasimay labadii daarood ee xarunta u ahaa gebi ahaanteedba,labadaa daarood oo ahaa astaanta awooda dhaqaale ee Maraykanka , iyo Xaruntii Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) oo ahayd xarunta astaanta awooda Maraykanka.

Dhacadadaas oo geysatay dhimasho aad u tiro badan oo aan ilaa iyo hada tiradooda la garanayn iyo khasaare dhaqaale oo aad u tiri badan .

Intaasi waxay ahayd dhacdooyinkii u dhexeeyey musiibadii Pearl Harbor iyo tan hada ku geedaaman Maraykanka oo aan mid iyada oo kale ahi Maraykanka hore u soo marin .

Dhibaatada ugu weyn ee maanta Maraykanka haysataa waxay tahay ,cadawgii Biiral Haarba soo weeraray waa la yaqaanay oo Japan ayuu haa ee kan hada kii hore ka dhibaatada badan cid geysatay lagaran maayo ,laakiin Maraykanku wuxuu sheegayaa ninka ugu horeeye ee la tuhun san yahay inuu yahay Usama Bin Ladin.

Tarjumadii Asad Cadaani | Qormadii Aljazeera

Asad Cadaani Ibraahim Isxabaal.
E-Mail: acadaani@yahoo.com
ama email: caddaani@37.com

Xuquuqda: tarjumada Caddaaniqoraalka Aljazeera, daabacaada SomaliTalk.com

Qoraalo laxiriira Qaraxii Maraykanka - Guji halkan

Updated: 2001-9-21


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
QORAALADA CADDAANI:
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Tue, Dec 11, 2001



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere