S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
Get Your Free Space
 Wararka
· Soomaaliya
· Afrika
· Adduunka
 Xiriirka Ardada
· Students Mailing List
· SomStudents Chat
· SomStudents Forum
 Xarunta Guud
· Codkaaga Dhiibo
· Dhambaal Isudirid
· Goobta Kulanka
· Dood Cilmiyeed
· Shirka Djibout
· All-Forum
 Aqoon Guud
· Halxiraale
· Maahmaahyo
· Sheeko Xariir
· Gabay & Geeraar
· Aqoon Guud
 Aqoon Isweydaarsi
· Somali Chat
· Ra'ayigaaga
· Talasiin
 Jaaliyadda
· SomBeauty
· Baafinta
 Rugta Ganacsiga
· Dukaanka somalitalk
 Ku Biir Somalitalk
Guji Halkan
 Buugga Martida
Sign Guestbook by GuestWorld View
freemail

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

UMUURAHA ISLAAMKA

Aan isla lafa-gurno meelaha Islaamka looga soo duulo

QEEBTII 5:AAD DHAXALKA & DIYADA

W.Q.: Cabdirisaaq Maxamed
cabdirisaaqm@hotmail.com

November 10, 2000

DHAXALKA

Alle wuxuu yidhi:''Wuxuu idiin dar daamayaa Eebbe caruurtiinna kan lab la mid qaybta labo dhadig" -(4.11).

Rag iyo haween mid kastaa qayb ayuu ku leeyahay waxay ka tagaan waalidkood ama qaraabadii kiisa yar iyo kiisa badanba, waana qadar xukuman. Qaybinta dhaxalka, sida cadda, waxay tahay mid ku salaysan culayska iyo takaaliifta dhaqaale uu Allah ku waajib yeelay mid waliba oo kamid ah. Haweenka waxaa mar waliba dhaqaaleyntooda ka masuul ah aabayaalkood, haddiii aan la qabin, haddii la qabana ninkeeda ayaa masruufkeeda iyo marashadeeda ka masuul ah. Intaas waxaa dheer in haweenku uu Allah u jideeyey in la siiyo meher kolkii la nikaaxayo.

Haddii aan dhinaca kale ka eegno, waxaa ninka lagu waajib yeelay inuu bixiyo meher inuu xaaskiisa siiyo marasho iyo masruuf iyo inuu bixiyo masruufka iyo marashada caruurta. Intaasi waxaa dheer in haddii haweeneydu leedahay hanti gaar ah, aysan waxba iyadu waajib kua aheyn in ay ka bixiso masruufka reerka maadaama uu Allah taasi uu ku waajib yeelay ninkeeda.

XUQUUQDA LAHAANSHAHA

Markii loo yimaado xuquuqda haweenka ee ku saabsan lahaanshaha hanti u gaar ah, waxaa arki karnaa in uu Islaamku burburiyey dhaqamadii xun xumaa iyo caddaalad darradii lagula dhaqmi jiray haweenka Islaamka ka hor. Waxaa dhaqamadaasi kamid ahaa in qofta haweeneyda ah aysan hanti yeelan karin isla markaasna aysan waxba dhaxli karin amase in ciriiri laga gelin jirey in ay siday doonto u tasarufto hantideeda. Wuxuu Islaamku sugay xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay hanti yeeshaan(oo shareecada waafaqsan) ay u tasarufi karaan hantidooda. Waxaa loo jideeyay haweenka in ay wasyon karaan, waxna dhaxli karaan sida ragga oo kale, waxaana la siiyay xaqa beeca iyo shiraada, in ay wax waqfi karaan, waxna sadaqaysan karaan, xawaalad samaynn karaan, kafaalad samayn karaa.

DIYA BIXINTA (MAGTA)

Waxaa culima farabadan qabtaa in diyada amase magta laga bixinayo haweyneydu ay la egtahay nus inta laga baxsho ninka. Laakiin ma jiro xadiis sugnaantiisa la isku wada waafaqsanyahay (waxaa jira laba axaadiis oo sidaa ku soo arooray).

Laakiin Ibn Calliyah iyo Al-asm ee kamid ahaa fuqahaadii salafka waxay ku tageen in ragga iyo haweenku ay ku siman yihiin diya bixinta amase magta. Arrinkaanna wuxuu waafaqayaa xadiiska saxiixa ee laga weriyay rasuulka (s.c.w.) ee oranayo ''naf walba (magteedu) waa 100 halaad''. Fiiri kitaabka niil al-awdhaar, baabka ''magta haweeneyda'' (7/2224-227)

Waxaa dhacday samankii nabigeena (s.c.w.) in nin yahuudi ahaa uu la kulmay gabar yar oo xiran qalin yar. Gabadhii yareet ayuu yahuudigii ka furtay qalinkii ay xirneed ka dibna wuu dilay oo dhagax ayuu ku dilay. Gabadhii oo aan wali dhimanin ayaa la helay markaas ayaa la weydiiyay cidda dishay. Kolkii la ogaaday yahuudigii dilay ayuu rasuulka (s.c.w.) amray in yahuudigaas loo dilo sidii uu gabadha yar u dilay oo kale.

BOGGA UMUURAHA ISLAAMKA QEEBTA UU KA QAADANAYO BISHA RAMADAAN

Waxaa halkaa inoogu dhamaaday alxamdulillaah mowduucii aan ula magac daray ''aan isla lafa gurno meelaha Islaamka looga soo duulo'', oo ka koobnaa:
1. Qawaamada ragga
2. Guurka wax ka badan hal haween
3. Furitaanka oo gacanta ninka ku jirto
4. Dhaxalka (gabadha oo leh nus inta uu wiilka qaato)
5. Diyada (magta).

Waxaa laga yaabaa dadka qaarkii inay is waydiiyaan maxaa ku xiga marka aan dhameenay intaa aan kor xusay. Waxaa xaqiiqa ah inaan fooda hayno bishii barakaysaneed ee Ramadaanka ahayd. Saa daraadeed haddaan ahay qoraaga bogga umuurahaislaamka.somalitalk.com waxaan go'aansaday inaan ka hadalno fadliga, ramadaanka, waajibaadkiisa salaada taraawiix, iyo mowduucyo kale oo la xiriira bisha Ramadaan.

Hadduu Alle idmo waa inoo labatoddobaad kadib iyo casharkeennaa cusub ee ku saabsan Ramadaanka, sidaa iyo amaano Allah!.

Qore: C/risaaq Maxamed


Posted by SomaliTalk Team
November 10 2000

Kor / Up

UMUURAHA ISLAAMKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6

www.SomaliTalk.com
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
. Sat, December 01, 2001
UMUURAHA ISLAAMKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6
BARO HTML
HTML waa barnaamij aad u sahlan oo kamida barnaamijyada lagu dhiso bog kasoo baxa shaashada shabakada Internetka. hadda waxaad barankartaa barnaamijkaas oo ku tarjuman Afka Soomaaliga.
html.somalitalk.com [Guji]
WARARKA SOOMAALIDA
. SomaliNews
. Muqdisho
. NewsIndex
NOLOSHII SAXAABADA
Waa barnaamij kamid ah kuwa dadka ugu badan akhristaan marka laga hadlayo barnaamijyada kusoo baxa Somalitalk, ee ha u dayma la'aan in aad soo booqatid
Saxaabada.somalitalk.com
CODKA AAMUSANAHA
Waa laba-toddobaadle oo cabdi Guuleed uu ku faaleeyo qoraalka uu u bixiyey "Codka Aamusanaha"
Codka Aamusanaha
GURYASAMO
Waa qoraalo laxiriira bulshaweynta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jooga casrigan
Guryasamo.somalitalk.com
SAAHID COLUMN
Waa barnaamij toddobaadle ah oo lagulafaguro faraqa u dhexeeya caqliga suuban iyo fasahaadka
Saahid Column
HABEEN & MAALIN
Waa todobaadle lagu eego arimaha Soomaalida ee toddobaadkaas taagan
Abshir Column
RA'YI - OPINION
Waa qayb ay dadweynuhu ku cabiraan aragtidooda
opinion.somalitalk.com
FREE WEBSITES
freeWeb
. Get your free website now
. Get your free email now!


Top | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Feedback

somalitalk.com
Chat | Opinion | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.