Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com | Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
PL.SomaliTalk.com
WARARKII GALABTAY EE BOOSAASO

Augut 6, 2001

Wararka ka imanaya Boosaaso ayaa sheegaya in xaalada magaalada boosaaso ayaa maantay gelinkii dambe caadi kusoo noqotay kadib markii c/llahi yusuf uu kabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Warku wuxuu intaas kudarayaa in hadda uu C/Laahi Yuusuf kusuganyahay magaalada Garoowe.

Sida uu SomaliTalk u sheegay wargal jooga Boosaaso, xaga dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaan jirin cid ku dhimatay dagaalkii maanta in kasta oo ay jiraan laba wiil oo dhaawac sahlan soo gaaray.

Sida lasheegay dagaalkii dagaalkan Boosaaso waxaa lagu qiyaasay in 50 qof (dhimasho iyo dhaawac) oo labada dhinac ay ah uu sababay.


WARARKII SAAKAY - AUGUST 6
Waa Sidee Xaalada Boosaaso Saaka

SomaliTalk.com | August 6, 2001

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Saakay [August 6] aysan muuqan wax xiisad ah oo u dhexaysa shacabka magaalada. Laakiin dagaalkii Garoonka diyaaradaha uu saakay sii socdey.

"Majiraan wax kala miiran ah, majiraan wax xiisad ah oo ka dhexmuuqata shacabka, magaaladana sidii caadiga ahayd ayaa la isu dhexmarayaa" sidaas waxaa yiri Maxamed Deeq oo ah tifatiraha Sahan oo aan telefoon kula xiriiray saakay.

Wuxuuna intaas ku daray in saakay dagaalkii gegida dayuuradaha ee Boosaaso uu socdey.

Sida uu maxamed Deeq usheegay SomaliTalk, dagaalku masoo dhaafin dhanka garoonka diyaaradaha oo Boosaaso kaga yaal dhanka galbeed, khasaaraha dagaalkaas weli lama oga, dhaawac iyo dhimasho weli makala cadda tiradoodu, dadka dhaawaca ah oo labada dhinacba ah waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Magaalada Boosaaso.

"Waxyaabaha cajaa'ibka ah ee dagaalkan waxaa weeye in dadka dhaawaca ah iyo kuwa meydka ahba ee laba dhinac lasoo wada qaadayo oo dhaawaca isku meel lagu dawaynayo. Tan oo ku tuseysa in dad ehel ah ay dagaalameen" sidaas waxaa yiri Maxamed Deeq.

________________

Warar aan ka helay ilo kale oo jecel in aanaan maagcaabin ayaa sheegay sidan:

"ciidanka madaarka waxaa lagu qabtay kaarto keliya ee markii hore dagaal kama dhicin cabdullahi ayaa wuxuu sameeyey ciidan gaaraya illaa 15 oo hal gaari wata ayuu wuxuu u diray madaarka oo yiri khal khal geliya markaas ayay waxay sameeyeen dhimaca magaalada ayay 15 kii nin ka galeen oo madaarka hortiisa istaageen oo xabado aan badnayn ku rideen, qoladii madaarka haysatey ayaa waxay soo aadeen dhinaca qolada xabadaha ridaya oo waxay dhifays ka galeen xaga magaalada, kadib ciidan soo wareegay oo ka soo wareegay dhinaca laag oo soo maray jaanka iyo dhinaca ceelaayo ayaa soo galay oo si sahlan u qabsaday madaarkii kadib markii ay 15 kii ogaadeen inay qoladoodii soo gashay madaarka ayay waxay ku noqdeen dhinacaas iyo madaxtooyada oo ay markii hore kayimaadeen" sidaas waxaa yiri wargal jecel in aanaan magacaabin.

Wargalkan oo jooga Boosaaso ayaa noosheegay in ilaa hadda garoonka Boosaaso uu gacanta ugu jiro ciidamada Cabdullahi Yuusuf, waa sida uu warka u dhigaye.

Ilo kale ayaa iyaguna SomaliTalk u sheegay in ay hadda socdaan waanwaan nabadeed oo larabo in aarintaa dagaalka lagu qaboojiyo.

________________

Dhanka kale war uu SomaliTalk soo gaarsiiyey Musharax C/risaaq Xuseen Cigal-Caymo oo hadda jooga Ottawa, canada, waxa uu ku bilaabay "Waxaan kooxa isku haya Dagaalka ka allogan Magaalada Boosaaso ugu baaqaya inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka". Qoraalka musharaxa oo dhan akhri halkan.

Sidoo kale waxaa mardhoweyd war nasoo gaarsiiyey Xafiiska musharax DGPL Jaamac Cali Jaamac, wuxuuna warku ku bilaabay "Waxaa weli socda saakay dagaalkii uu soo qaaday Col. C/laahi Yuusuf si uu u qabsado garoonka diyaarada iyo dekedda Bossaso" warkan oo dhan ka akhri halkan

________________

Distributed Via SomaliTalk
August 6, 2001

________________

Wararka kale

  • Qandaraad carruur iibsi ah oo laga dareemay Wadanka Soomaaliya
  • Ciidamo ka amababaxay Muqdisho oo kusiijeeda Jilib
Ka akhri SomaliTalk Mugadisho Weekly Report

______________________

OTHER NEWS

Somaliland to impeach president?
news.24 | Augu 5
Hargeisa, Somalia - Somaliland's parliament began impeachment proceedings against President Mohamed Ibrahim Egal on Saturday, accusing the leader of the self-declared republic of treason and obstructing justice. Read more


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Fri, Feb 08, 2002



Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety


Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy