Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
E.S.L
Waa bog aad k helikartid macluumaad ku saabsan ESL (English as a Second Language)
www.esl.net
TOEFL
Waa bag aad kahelikartid macluumad kusaabsan TOEFL (Test of English as a Foreign Language)
www.toefl.org
BILICDA SOOMAALIYA
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
IS-XISAABI
Is-Xisaabi inta aan lagu xisaabin
Fadlan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMKA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
ssb
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
KANCAAN.SOMALITALK.COM
Taariikhda Lagama Been Sheego
Qore: Maxamed Xasan
omarm@execulink.com

May 22, 2001

Waxa ayaamahan dambe soo baxay dad doonaya inay taariikhda Soomaaliya siday ahaan jirtay aan u sheegayn si ay u gaadhaan danahooda gaarka ah una adeegaya cadaw shisheeye.

Su'aasha is waydiinta mudani waxa weeyaan ka hor intaanu iman gumaystihii reer yurub dalka Soomaaliya maxaynu ahayn?

Dad fara badan ayaa moodaya inay tahay imaatinka reer yurub mudo aad u fog oo shan boqol oo sanadood ka dambaysay,hadaynu taariikhda dib ugu noqo waxay ahayd markii reer yurub africa qaybsadeen waana 1884 waa mudo laga joogo 117 sanadood (boqol iyo todobo iyo toban sanadood) waana 76 sanadood (todobaatan lix sanadood) ka hor intaynaan gonimada ka qaadan cadawyadii dulkeena qabsaday,halkaas waxa kaaga cadaanaysa inaynu ilownay waxaynu ahaan jirnay ka hor gumaystayaashii reer yurub.

Meelaha soomaliya muranku ka taagan yahay waxa ka mid ah dawlada la magac baxday Soomaali- land ama waqooyiga soomaaliya qofba waa siduu u yaqaane,dhulkaas wuxu ahaa dhul Soomaaliyeed waxaana saami u helay gumaystihii Ingiriiska taariikhdaas umadii dhulkaas ku noolayd 95% waxay ahaayeen xoolo dhaqato noloshooduna waxay ku xidhnayd xoolaha ay dhaqdaan siyaasad ama gumaysi waxba kalama ay socon Ingiriiskuna wuxuu ku ekaa magaalooyinka xeebaha ah wuxuuna heshiisyo la saxiixday odayaashii magaalyoonka qabqablayaasha ka ahaa.

seydika Taaladii Seyiska, Muqdisho
Ingiriisku markuu heshiisyadaas la galay duqaydii magaalada Berbera waxa dhulka yimi waddaado fidinaya diinta masiixiga kadib markay arintaasi dhacday waxa arintaas qaadan waayey Sayid Maxamed cabdulle Xasan waxay arintaasi ula muuqatay in wadankii la qaatay diintiina xididda loo saarayo.

Sayid Maxmed wuxu ku tashaday inuu arintaa ka dagaalamo wixii karaankiisa ahna talaabo ka qaado,wuxu bilaabay inuu waaniyo dadka waxna u sheego si uu u gaadhsiiyo dhibaatada gumaysiga iyo wuxuu damacsanyahay. dadkii magaalooyinku ku dhaqnaa kama helin wax is garabtaaga oo ka dhiidhiya waxay gaaladu dhulka ka wado ka dib wuxuu u kacay miyiga oo bulsha da Soomaaliyed 95% ku dhaqnayd oo ku lahaayeen xoog iyo xoolaba.

1897 isagoo koox wadaado ah wata ayuu ka soo baxay magaalada Berbera dabadeedna wuxuu salka dhigtay ceelka la yidhaahdo "qoryawayne" oo magaalada Burco u jira 60 mayl kana xiga geesta koonfur bari,wuxu hakaas ku abuuray ciidamadii la magac baxay 'Daraawiish' mudo ka yar laba gu' iyo dayr markuu Berbera ka soo baxay wuxuu isku duba riday dadkii dhulkaas ku noolaa warkiisiina bari iyo galbeedba waa ka dhacay.

Gumaystihii Ingiriiska arintaas waa qaadan waayey waxayna ku noqotay argagax iyo la yaab ,waxa kale oo la sii yaabeen mudada yar ee uu maqnaa iyo guulaha uu gaadhay iyo waxyaabuhuu damacsan yahay.

Ciidamadii ka soo horjeeday ama la dagaalamayey Daraawiishta waxay ahaayeen lix ciidan oo kala ahaa.

  1. Ciidamada Ingiriiska oo cududiisu ku tiirsanayd qabiilka Isaaqa.
  2. Ciidamada talyaaniga oo cududiisu ku tiiranayd Hawiye iyo Majeerteen.
  3. Ciidamada Xabashida.
  4. Garaad Maxamuud Cali Shire oo qabiilka Warsangeli madax u ahaa Ingiriiskana ay gacan saar lahaayeen.
  5. Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo Hobyo u talin jirey ahaana qabiilka Majeerteen, Talyaanigana ay gacan saar lahaayeen
  6. Boqor Cusmaan oo gobaolka Bari u talin jiray ahaana qabiilka Majeereen, talyaanigana gacan saar lahaayeen.

Intaas oo ciidamo ah oo Soomaali iyo gumaystayaashii reer yurub oo caawinayey Daraawiishi gaashaanka ayay u daruurtay qof walboo Soomaliyeed waa ogyahay taariikhdaas loogana sheekayn maayo,hadaan taariikhda dib ugu laabto arin ka dhacday dekada magaalada Berbera oo markaa muslim iyo gaalaba degenayd sanaduna waxay ahayd abaaraha 1895 Sayid Maxamed oo ka soo laabtay Sucuudiga markuu ka soo degay dooniduu saarnaa ayaa lagu yidhi cashuur keen wuxu ugu jawaabay gaalkii waydiiyey cashuurta adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halkan timi? turjumaankii ka turjumayey ayaa ku jidhi gaalkii waa wadaad waalena inaga daa Sayid Maxamed oo gaaldu u tiqiinay inuu ahaa wadaad waalan oo aan ka baqin gaalada.

Dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Ingiriisku wuxuu bilaabmay 1900 markaas oo ciidanka ingiriisku weerar aad u balaadhan ku soo qaaday Daraawiishta dagaalka maalintaas bilaabmay wuxu sii socday 20 sanadood iyo inta u dhaxaysa.

Dagaalada la ogyahay ama qoran ee dhex maray daraawiish iyo ingiriiska iyo xulifadiisii waxay gaadhayaan 41 goobood waxana dagaaladaas ugu waawaynaa ama dagaalada lagu hoobtay ka mid ahaa.

  1. Afbakayle oo dhacay 3-05-1901
  2. Fardhidin oo dhacay 16-07-1901
  3. Beerdhiga oo dhacay 10-08-1902
  4. Cagaarwayne oo dhacay 17-04-1903
  5. Daratoole oo dhacay 18-04-1903
  6. Jidbaale oo dhacay 10-01-1904
  7. Ruuga oo dhacay 9-10-1913
  8. Dayuuradii oo dhacday 1919

Gumaysiga Ingiriisku dagaaladaa wuxuu u qaybiyey dhawr qaybood oo midba socday dhawr sanadood mid waliba wuxuu lahaa tabo u gaar ah iyo xoolo loogu tala galay arimahaasi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay wax guul ahna kana gaadhin. dadkii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen laba dad gaalka raacay oo garab iyo gaashaanba u nowday iyo in raacday Daraawiish.

Sideed iyo toban Sanaadood markii dagaalkaasi socday,hadh iyo habeenba lays garaacayey labada geesooba lagu hoobtay,dad iyo duunyo badanina ku luntay Daraawiishina ay gaadhay ilaa buuraha Ceerigaabo iyo xeebaha eegaya Cadan ayaa waxa u cadaatay Ingiriiska iyo xulifadiisii inaanay iska celin karayn xooga Daraawiishta,kadib waxay talo ku gaadheen in ay adeegsadaan diyaarado hadii kale ku guul daraysanayaan dagaalka ay isku wajahaan iyaga iyo Daraawiishi.

Sanadkii 1919 bishii kowaad ayaa Ingiriiska iyo xulifadiisii Kaga soo duuleen daraawiishta cirka,bada iyo dhulkaba waxa dagaalkaas ka qayb qaatay siddeed diyaaradood oo ugu horayntii duqeeyey Midhishi, Jiidali, Badhan meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd, Ceeldheer meesha la yidhaahdo ayaa mid ka mid ah diyaaradihii lagu soo riday,
taleex Eeg Sawirada Taleex
maalintii dambena waxay weerar aad u culus ku qaadeen magaalada Taleex oo ahayd xarunta daraawiishta khasaare aad u fara badan waxay ugu gaysteen ciidamadii fadhiyey xarunta daraawiishta.

Daraawiish oo guulo waawayn ka soo hoysay dagaalka lugta waxay la ahaatay mid la yaab leh markii cirka laga weerar waxayna goosteen inay Nugaal ka guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfureed si ciidankoodu meel uga soo wada jeesto maxaa yeelay waxa ciidamo u joogeen agagaarka webi Shabeele,markii go'aankaas la qaatay nin hadhay ama socon waayey mooyee waxay isugu yimaadeen Qorra,Shiinaale,iyo Horushagax oo xarun u noqotay,ragii meesha isugu tegay waxay ku tashadeen inay weerar rogaal celis ah qaadaan ciidamo aad u fara badan way isu keeneen iyaga oo ambaxax ah oo aargoosta is leh waxa ciidamadii ku dhacay cudur aan la hubin inuu ahaa daacuun, duumo, fanto, furuq, ragii dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in dhimatay iyo in tabardaro la jiifta.

Ingiriisku markuu arintaas maqlay wuxu ku soo qaaday dagaal aad u balaadhan halkaas oo ay ku xasuuqeen ciidamadii Daraawiisheed ee cudurka la jiiftay gacantana ku dhigeen waxay xoola lahaayeen,ciidamadaasi waxay ahaayeen Soomaali uu hor kacayey Sir Archer Soomaliduna Caarshe-dheere u tiqiin.

Daraawiishtii Nugaal ku hadhay Ingiriisku wuxuu ku saaray ciidamo aad u fara badan haystana hub aad u fara badan amarna lagu soo siiyey inay cagta mariyaan waxay u gartaan inay Daraawiish ahaan jireen dadkii halkaas ku dhaqnaana waxay ula dhaqmeen si muslimada ka baxsan,ciidamadaas waxa madax u ahaa nin Soomaliyeed oo la odhan jitay Carab dheere oo soomalida inteeda badani sheekadiisa maqashay Ismaaciil Mirena ka tiriyey Gabayga la magac baxay "ragow kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado", sheeko kale oo laga weriyey Carab -dheere ayaa ahayd sidatan waxa la yidhi nin doob ah ayaa waydiistay Carab-dheere walaashiis intii wax kale laga filayey wuxu ku jawaabay ha la dilo markii la dilay ayaa la waydiiyey waxa ku kalifay inuu arintaas ku kaco wuxu ku jawaabay anigoo Carab ah oo sabanka jooga ninka walaashay i waydiistay berina anuu i soo doonayaa waa sida la wariyey waxa halkaa ka muuqata sida ninkaasi u kibray gabayga kor ku xusana waa loo tiriyey.

Taariikhda soomaliyeed intii gumaysigu soo galay wadankeena wejigaas ayay lahayd gaar ahaan gobolada waqooyi ee Ingiriisku xukumayey,hadaba magaca Soomaliland ma aha mid jiray ka hor Ingiriiska anigu waxan aaminsanahay in umada Soomaaliyeed isku mid tahay ayna tahay midaan kala maarmin magacyada laynoola baxay sidii aynu nahay caruur gumaystuhu dhalay waxay kala fogaynayaan dadka inku soomaalida ah,isku diinta ah isku afka ah isku dhaqanka ah waxan walaalahayga Soomaaliyeed ugu baqayaa inay wada jirka door bidaan baaqaygu kuma koobna oo keliya waqooyi iyo koonfur ee waa mid ku socda Jabuuti,N.F.D iyo Soomaaligalbeed,shanta Soomaaliyeed oo midowda oo ku wada noolaata nabadgelyo iyo is ixtiraam aynu raadino,Qabyaalada waxa dawo u ah ingoo qofba ka kale u arko inuu walaalkii yahay,ciilka iyo colaada idinku abuurana ha la ilaawo Soomalidu maahmaho aad u wanaagsan ayay leedahay oo ku saabsan ciilka taasoo odhanaysa "ragna calooshi la ciyaar iyo ciil kama baxaa u daran" ha noqonina kuwa maahmaahdaasi sheegtay,bani-aadaigu waa is dilaa waana heshiiyaa waxa la yidhi carab iyo laba daan baa isugu dhaw oo iyaguba waa is qaniinaan wixii dhibaato ina soo martay waa mid inagu filan ee nabada iyo walaaltinimada qiimeeya.

calansom.jpg (2469 bytes) Eeg Khariidada Soomaaliya
Waxan hadalkayga ku soo gunaanadayaa ha laga faano Somali-italian, Somali-land, NFD, Somali-galbeed iyo Jabuuti, sharaftu waxay ku jirtaa shanta soomaliyeed oo is raacda oo xidigta shanta geeska ahina calan u tahay,waxa laga yaabaa in dadka qaarkiis yidhaahdaan ninkani wuu riyoonayaa,waxanse ugu jawaabayaa hadaad wax jeceshay oo aad ilaahay waydiisanaysid waxa la waydiistaa wax wayn aniguna Soomaali wayn ayaan ilaahay waydiistay.

Qore: Maxamed Xasan
omarm@execulink.com

May 22, 2001


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Wed, Jan 23, 2002
MUQDISHO
Jaamacada Muqdisho oo markii u horreysey arday ka qalinjebiyanaan ilaa 1991 Gujihalkan
SEATTLE
Warbixin Dheer oo Wargeyska SeattleTimes Kaqoray Ardada Soomaalida Kudhaqan Gobolka Washington Gujihalkan
OHIO
Shirkado u ogolaadaaday Muslimiinta Goobo ay Salaada kutukadaan
Guji halkan
AFADA IYO SEYGEEDA
Xuquuqda ninka iyo Xaaskiisa; Qormadii Ummu Cabdullahi
Fadlan Guji halkan
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan
DETROIT
Hafid Qur'an
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
Click here
AUSTRALIA
Khadra, 17, a Somali Muslim who happily wears the hijab after seven years in Australia.
Click here
SEATTLE
A melting pot of cultures
... Like other Somali parents, she (Khadija Jama) tutors her children about respect - for Allah and their neighbors
Click here
Jamie Adams, Justin Knox and Fadumo Abdi earned Hidden Winner awards, given to students who overcome big obstacles to stay in school. They attend Middle College High School at Seattle Central Community College.
Click here
WISCONSIN, USA
Omar enjoys a cup in the shop he opened on Milwaukee's east side, the Farwell Coffee Bar. The Somalia native continues a family business in the U.S.
Click here
OTTAWA
Jabril Abdulle at his convocation in 1995. Ottawa, Canada. Abdulle says he was faced with two options. "I could do nothing, or I could use my education to do something constructive...."
Click here
HALIFAX, CANADA
Laba Walaalo Soomaaliyeed oo "Halifax Herald" Sawirkooda u Xulatay in ay Kamidyihiin kuwa ugu Wanaagsan Sannadka 2000
Click here



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere