Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shiike
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
MAANSO.SOMALITALK.COM

Maanso

HORDHAC.

Soomaaliya waxa ku dhacay dayow siyaasadeed, dayow gaasina wuxuu kalumiyey jidkii dawlad nimo, sida la rumaysan yahay dayowgaas siyaasadeed waxaa mas’uul ka ahaa markii hore hogaankii naxariista daraa ee ciidamadu horseedka ka ahaayeen, kuwaas oo shacabkii soomaaliyeed oo markii hore lahaa diin iyo dhaqan wanaagsan oo soo jireen ah inta cagta ku dhuftay dhamaan kitaabkii qur’aanka kariimka ah iyo sunadii Nebiga SCW, shacabka soomaaliyeed sanka ka geliyey been abuurkii loogu yeeri jirey Hanti Wadaaga Cilmiga ku Dhisan, kaasoo dadweynaha soomaaliyeed iyo kooxda sanka ka gelisay midkoodna uusan aqoon meesha uu ka bilowdo iyo meesha uu ku dhamaado hanti wadaagu, waxaa maskaxdii iyo quluubtii shacabka lagu shubay lagana buuxiyey waxaan jirin oo been abuur ah, mudo yar kadib.

  • Waxaa bilowday shaki iyo tuhun meesha wax u socdeen.

  • Waxaa dadweynuhu ku baraarugey halista hogaanka deyaysan.

  • Waxaa jeebabka lagu shubtay hantidii dowlada iyo tii dadweynaha oo tiiley bangiyada.

Sharcigii iyo awoodii waxay gacanta u galeen koox huwan magac qabiil iyo danaysatoyaal dhawrah.

Waxaa bilowday nacayb iyo kala fogaansho dowlada iyo dadweynaha dhexdooda ah, waxaa dhumay aaminimadii dowlada, waxaa wel wel galay jiritaankii umada.

Waxaa bilowday kacdoon dadweyne, waxaana abuurmay ururo markii hore loo qabey kuwo siyaasadeed balse ku abuurmay caro qabiil, hogaankii ururadu wuxuu gacanta u galay saraakil dhego adag oo larumaysan yahay in maskaxda iyo qalbigaba ay kaga dahaarantay sumad qabiil, waxaa la abaabulwy dagaalo sokeeye labada dhanba waxaa fooda laysu geliyey shacabkii soomaaliyeed oo markii horeba tabar daraa, siistamkii xukaamadu u shaqaynaysay iyo kii ururaduba wuxuu ahaa mid isku mida oo dhamaantii ku salaysan in laburburiyo qaranimada umada soomaaliyeed.

Waxaa halmar hawada sare ku baba’ay hanaankii dowladnimo waxa meesha ka baxay xukunkii rubuc qarniga ka talinaayey muqdisho awoodii waxay gacanta u gashay ururo ka damiir xun kana dhaqan xun kana liita nidaamkii Siyaad Bare, maanta dhamaan wadanku wuxuu saran yahay Naxash Madow waxaana laysku haystaa sidii xabaasha loogu dilin dilayn lahaa wixii ka sii harsan danyartii soomaaliyeed, rajadu waa mid liidata Qab qablayaasha naxriista daran waxaa u rahman Qaranimadii soomaaliyeed mana muuqato hadaan gacantooda xabad lagaga furfurin inmadaxfurashadu dhamaandoonto.

Dadweynaha soomaaliyeed weli si fiican uguma baraarugsana halista iyo dhibaatada qab qablayaashu ku hayaan, weli waxaa sacabka loogaraacayaa kuwii mas’uulka ka ahaa burburka dal iyo dadba baabiyey.

Aniguna waxaanu diyaariyey buugaan yar waxaa igu kalifey bisayl la’aanta shacabka soomaaliyeed badi ahaantiisa ay weli damiir laawayaasha la safan yihiin, waxaan hubaa buugani in uu dadka ku wacyi gelindoono kuna baraarujin doono halista qab qablayaasha, buugani wuxuu kaloo qayb weyn ka qaadan doonaa hadii alle idmo dib u heshiisiinta qaran, buugani wuxuu ka hadlayaa Dareen Wanaagsan, Dowlad Hufan, Cadaalad, Sinaan iyo Horumar Umadeed

Magacyada Suugaanta Buugga ama gabayada Buugga

  1. Dareen Qaran

  2. Inagaa Aqoonlee maxaa loo arimin waayay

  3. Galayr yohow --- waa galayr maxbuus ah

  4. Gablan --- dalku mal e Aqoonyahan

  5. Qisaas qaran

  6. Dhanbaal nabadeed wuxuu kulmiyaa 18 kii Gobol

  7. Shan Iblays Mooryaanta Jirida, Daydayga Dhuljiifka, iyo qabqablayaasha, oo ah Aabaha shanta kooxood

  8. Agoon - Daahir agoon wiil yar iyo war bixin,

  9. Baroor diiq iyo shirqool.

  10. Ma aqbalo Rag kula ayniyee taa ha la ogaado

  11. Cusri Rabi bari ama Alla bari

  12. Halaag

  13. Waxyi duco

  14. Daryeel

  15. Sabaad Bari, Sool, Sanaag iyo Nugaal soona Mudug, Ceel cad,

  16. Dayro

  17. Waa tii ladumiyey maxaa daawo laga helay?

 

ARAR

Buugaani waa buug yar wuxuuse xanbaarsan yahay suugaan iyo xigmad aad u qiimo badan, buugaan waxaan ugu talo galay dadweynaha soomaaliyeed inuu ka caawiyo dhanka dibuheshiisiinta.

Buugaani wuxuu si dhaba u wacyi gelinayaa kana reebayaa dagaalada dadka caadaystey toogashada caruurta soomaaliyeed.

Buugaani wuxuu kaloo toosh aad u ifweyn ku ifinayaa qabqablayaasha iyo ku wa kale ee hortaagan dibuheshiisiinta.

Buugaani garabyada soomaaliya isku haysta oo dhan wuxuu ku tilmaamayaa kuwo dad qalato ah oo danyartii soomaaliyeed maalinba koox kamida shiraysta.

Buugaani wuxuu shacabka soomaaliyeed ku dhiiri gelinayaa inay ka fogaadaan kuwii mas’uulka ka ahaa qaybta weyna ka qaatay burburkii qarankii soomaaliyeed.

Buugaani wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha soomaaliyeed inay ka taxadaraan kana ilaaliyaan inaan taladu markale gacanta u gelin kooxdii sida damiir la’aanta ah u qisaastay qarankii xanuunka badan loo maray helitaankiisa.

Waxaan qabaa qof kastoo soomaaliya qaangaarna ah caafimaadna qaba maanta waxaa saaran xilweyn ama waajib waxaa lasoo gaarey maanta maalintii ay kala cadaanlahayd kuwa u adeegaya dibuheshiisiinta umadooda iyo kuwa u adeegaya cadowga umada.

Waxaa imaandoonta maalin miis la isugu imaandoono lagana xisaabtami doono wixii dhacay iyo qof waliba saamiga uu ka qaatay dibuheshiisiinta.

  • Gabagabadii war qofkii soomaaliyow hadilin qof soomaalia

  • war qofkii soomaaliyow hadhicin qof soomaalia

 

MAHADNAQ.

Waxaa Mahad oo dhan iska leh Allaha awooda badan oo wixii uu sahlo oo keliyihi ay u suuro galaan oo aanigana iisuura geliyey inaan diyaariyo Buugan yar, waxaa iyana abaal iyo xurmo dheeraad ah igu leh Dhalinyaradii iyo Saaxiibadii igacaawiyey dhanka garaacida oo qaybweyn ka qaatay buuga kuwaas oo kala ah:

Mr. Fuaad Mire Axmed
Mr. Maxamed Xasan Cabdi
Mr. Cabdi Xasan Maxamuud

Abdullahi Faarax Maxamud [Xandule].

Akhri Bogga 2aad [Billowga Maansada]

Wixii faah faahina oo intaas dheer ama cillad ah waxaad kala soo xiriiraysaan:
binali1@brtel.net
ama tel. 252-523-3843
Bosaso, Puntland, Somalia.
QAYBAHA MAANSADA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 |
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Wed, Jan 23, 2002
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere