Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shiike
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here
|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
XAL
Press Release

WAR SAXAAFADEED

BAAQ

Published: May 11, 2001

  • KU: Dhamaan ururada ka shaqeeya nabada Somaliya.
  • KU : Dhamaan shaqsiyaadka jecel Nabada Soomaliya.
  • KU. Dhamaan Madaxda Beelaha Soomaaliyeed.
  • KU: Dhamaan Dowladaha iyo Kooxaha ka dhisan Soomaaliya.
  • KU: Dhamaan dadka iska leh Qalabka INTERNETT-KA amase kuwa isticmaalaba.
  • KU: Dhamaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed

Beryahan dambe waxaa aad iyo aad u soo badanaya ururo,dowlado iyo kooxo kale oo huwan amase ku hadla magac Qabiil iyo kooxo dano gaar ah ka leh Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana meelaha nabada buuxdaa ka jirto.

Dhamaan ururadaasi waxay qoraan amase baahiyaan Warsaxaafadeedyo ay ku sheegayaan in ay ka wakiil yihiin Qabiil amase ururo gaar ah,waraarkaasna waxay ku sheegaan in ay cid kale kaga soo horjeedaan amase ay cid ku taageerayaan.

Qoraaladaas ayaa waxaa inta badan lagu shaaciyaa amase wejiga hore laga soo qoraa SHABAKADA INTERNETT-ka oo runtii beryahan dambe noqotay mees ay ku tartamaan,Qabaailka ,Ururada,Kooxaha,Dowladaha iyo shaqsiyaadba.

Waxaa kaloo aad iyo aad u muhiim ah in la xusana mudan,in marka aad furto BOGG-kasta oo ah SHEBEKEDA INTERNETT-KA ay aad iyo aad u sahlan tahay in aad fahanto QABIILKA ,KOOXDA,DOWLADA IYO URURKA uu u shaqeynayaba,sababtoo ah waxa BOGG-gaasi qoraa inta badan waxay xambaarsan yihiin hab QABYAALADEED oo casri ah.

Haddaba haddii aanu nahay ururka la magac baxay XAL,sida magacayaga ku xadna ka shaqeeya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada maanta Soomaaliya guud ahaan ka jirta ayaa waxaanu codsaneynaa arimaha hoos ku qoran:

  1. Waxaanu dhamaan ka codsaneynaa magacyada baaqani sida tooska ah ugu socdo iyo inta akhrisataba in la joojiyo baaqyada ,qoraalada ,erayada qalafsan iyo dhamaanba dhiiri gelinta wax dhibaato u keeni kara Ummadda Soomaaliyeed ee mudada ka badan 10 sano ku noolayd silica iyo dhibaatada ADUUNYO.
  2. Waxaan u sheegaynaa dhamaan ururada soo saara baaqyada kala duwan ee beryan soo badanaya in ay ogsoonaadaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba in ay soo martay dhib ku filan,waxaanuna qabnaa in aanay maanta cid wax u TARTA mooyee aanay u baahneyn cid OLOLISA amase abuurta dhib hor leh..
  3. Waxaanu ka codsaneynaa in dhamaan dadka iska leh,BOG-ga INTERNETT-ka ee shaaciya BAAQYADA foosha xun ee xambaarsan erayada QALAFSAN ,in ay joojiyaan baahinta qaoraalada dhibta xambaarsan,waxaanuna la socodsiineynaa in ay ka masuul yihiin DHIBTA ka timaada IFKA IYO AAKHIROBA.
  4. Waxaa aad iyo aad u muhiim ah in la dhiiri geliyo lana taageero ,lana baahiyo cid kasta oo qorta amase wada wax Ummadda Soomaaliyeed wax u taraya maanta,waxaa fiican in la dhiiri geliyo meel kasta oo NABADI maanta ka jirto iyo in laga shaqeeyo sidii NABAD looga dhalin lahaa meesha DHIBI ka jirto.
  5. Haddii aanu nahay ururka la magac baxay XAL waxaanu aaminsan nahay in dhibaatada Soomaaliya lagu dhameyn karo wada hadal caafimaad qaba,is xaqirid la,aan , hunguri la,aan,xoog la,aan iyo istixgelin.Waxaanu aaminsan nahay arimaha Soomaaliya ay u yaalaan Soomaalida oo keliya ee aanay jirin cid kale oo xoog ku dhameyn kartaa,waxaanuna qabnaa in dhamaan Dowladaha dersika ah iyo kuwa naga fogfogba kala baxaan faraha arimaha Soomaaliya,Soomalidana u daayaa.n

Waxaanu hadalka ku soo koobaynaa,ha la joojiyo qoraalada dhibta xambaarsan,ha la joojiyo hurinta colaada,ha la joojiyo sii kala fogeynta Ummadda,ha la joojiyo dhamaan wixii dhibaato abuuri kara.

Waxaa haboon in la qoro wixii Ummadda isu soo dhoweynaya,waxaa haboon in la qoro wax Ummaddu ka faaiideysato,waxaa haboon in la qoro sidii dhibta in haysata XAL loogu heli lahaa.

CIDII HADAL DHIBAATO KEENA FAAFISAA HA OGAADEEN IN IFKA IYO AAKHIROBA AY

MASUUL KA NOQON DOONAN.

ILLAAH BAA MAHAD LEH

 

Abdi Mohamoud Saleiman(Mingiste)

Godoomiyaha Ururka XAL

Emailka: abdi.saleiman@chello.no

QORAALADA URURKA XAL
1 | 2 | 3 | 4 | Dj.Visa | 6 | Musharax | 7 | 8
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of Somalitalk.com and its editors.
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Fri, Jan 25, 2002
BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMIINTA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
GABDHAHA MINNESOTA
Warbixintii wargeyska StarTribune ee Gabdhaha Soomaalida Minnesota
Guji halkan



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere