Somalitalk.com Online Community
somalitalk
QORAALADII SHIIKE
Qaxoodiga Soomaalida kudhaqan dalka Kenya
Guji halkan
All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
Hajka
Islaamka
Wararka
Cilmibaaris
Maqaallo
Caafimaad
Radio/TV
HTML kubaro Afsoomaali
>> Guji halkan
Baro HTML
.Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SAMATAR COLUMN
MAXAA U DIIDAY MAHADSANID?

Samatar M "Filasoofi"
Mail: Samatar22@yahoo.com
may, 25 2001

Waxaan si qaab daran ugu orday dhanka oday d'a wayn, oo ay ciro wejigiisa iyo madaxiisa ku goobatay. Wuxuu si ay ka muuqato daciifnimo ula rafanayaa inuu fahmo saacadaha basaska isaga goosha faras-magaalaha Minneapolis gaar ahaan kuwa taga maqaayadaha soomaalidu isugu tago iyo xaafada uu degen yahay. Maadaama aan ahay nin aad u jecel dadka soomaaliyeed, ixtiraam weyna u haya rag iyo dumark, wiil iyo gabadh, ciroole iyo carruur, waxaan marnaba u adkaysan waayey dhibkii iyo dareenkii ka muuqday wejiga odayga Soomaaliyeed.

Deedna intaan si naxariisi ku jirto qalbigayga ugu furay, waqtigaygii qaaliga ahaana dib u riixay, iskudayey inaan u sharxo, tuso, u kala sheego baska iyo saacadaha uu baxayo iyo weliba xarumaha uu ka baxo, xataa waxaan u ballan qaaday inaan la sugo inta basku imanayo, maadaama ay ahayd xilli dhaxan darini jirtay, foolkiisuna uu ka muuqday diif aad moodo inay ku reebtay dabaysha qabow ee dhacaysa. Waxyar markaan la taagnaa, anigoo isku dayay in aan maaweliyo, si aanu u dareemin keli iyo qabow midna, ayaa bas dheere isa soo taagay.

Halkan ka Akhri Qoraalka oo dhamaystiran May, 25 2001


WAXYEELADA QAJILAADA

Waxaa dhab ahaantii amakaag ah in Faadumo, oo ay da'deedu tahay 32 sano jir, ay maanta fadhido maqaayad ku taala New Jersey, ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ka cunayso qado caadi ah.

Kolkaad eego habka ay rootiga u rudayso Faadumo, uma muuqato inay tahay wax tixgelin gaar ah ah mudan, ha yeeshee Faadumo waxay u tahay horumar wayn oo ay gaartay.

Faadumo muddadii ay dhiganaysay dugsiga (iskuulka), ma fariisan jirin maqaayada dugsigaa, halkaasna waxba kama cuni jirin, sababtoo ah haddii ay fadhiisato maqaayada, oo ay is-tiraahdo halkaa wax ka cun, waxay maskaxdeeda ka dhaadhicin jirtay hadalo khiyaali ah, oo ah: "In ardayda ay isku fasalka yihiin ay had iyo goor fiirfiirinayaan iyada, ama eegayaan iyada goortay wax cunayso, taasi waxay ku noqotay dhibaato weyn, waxayna u horseeday inay ka caaganaato maqaayada dugsiga.

Halkan ka Akhri Qoraalka oo dhamaystiran April, 26 2001


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Sat, Feb 02, 2002
MA'OGTAHAY KHATARTA INTERNETKU U LEEYAHAY CARRUURTAADA
Akhri halkan
Do you know where your children are sufing on the internet
Check media-awareness.ca
for information about protecting children's online privacy
Check www.ftc.gov


Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo
Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman