Free Web space and hosting - somalitalk.com


Somalitalk.com Online Community
SomaliTalk.com
Online Community
masjid Masjidka Odense
khalid Masjidka Khalid
masjidswed Masjidka Sweden
Abubakar Islamic Center
Mu'tamarkan waxaa lagu qaban doonaa 2121East, Lake St, Minneapolis, Minnesota, taariikhda laqabanayaana waa 31ka, Augst, ilaa iyo Axada, 2da Sep, 2001, maalin walba 2da duhurnimo ilaa iyo 8da fiidnimo..
Akhbaar dheeraad ah ka Akhri halkan

.Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARBIXIN SOOMAALIDA DEGGAN YURUB
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND

Qore: Ibraahim Saalax | UK

August 4, 2001

Dadka soomaaliyeed ayaa waxay dad badani ku tilmaamaan inay yihiin dad reer guuraa ah, waxaana tusaale kuugu filan soomaalida aan salka lahayn ee u kala gooshaya qaaradaha kala duwan ee dunida. Haddaba, iyadoo aan maalmahan booqasho ku joogo magaallada London, xarunta dalka England ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Yurub una soo guuray dalka England.
 
Waxaan in badan u kuurgalay inaan ogaado sababta ka danbeysa ee ay uga soo guurayaan dalalkii ay degganaayeen, waxaana ka mid ahaa dadkii aan wareystay Cabdullaahi oo 20 jir ah oo aan kula kulmay tareenada dhulka hoostiisa mara, mar aan u socday xaafadda ay soomaalida u badan yihiin ee Southall, kuna taala galbeedka magaallada London.

Cabdullaahi oo ahaa wiil kaftan badan ayaa waxaan weydiiyay meesha uu isagu ka yimid, iyo waxa uu halkan u joogo, wuxuuna isagoo si yar u muusoonaya yiri “dalka Holland ayaan ka imid anniga iyo hooyaday iyo walaalahay-ba, halkan ayaan hadda degganahay, wax shaqo ama waxbarasho ah oo aan hayana ma jiraan”.
 
Waxaan weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin labada dal, wuxuuna yiri “dalkan England wuxuu dalka Holland kaga duwan yahay dhinacyo badan, waxaa ka mid ah iyadoo ay dalkan UK ay ku badan yihiin jaaliyadaha muslimiinta, iyadoo ay halkan ku sahlan tahay ka gun-gaaridda xagga waxbarashada, shaqada iwm” Wuxuu intaasi ii raaciyay “hooyaday ayaa aad u xiisaynaysay inaynu halkan degno, annigu waxaan weligay jeclaa inaan deggo dalka Mareykanka oo aan jeclahay mustaqbalka inaan u guuro”. 
 
Way fara badan yihiin reeraha soomaaliyeed ee u soo guuraya dalka England, waxayna intooda badan ka yimaadaan dalalka Holland, Norwey, Sweden, Denmark, iyagoo intooda badan ay sitaan jinsiyadaha dalalkaas. Qofka sita dal ka mid ah dalalka ka tirsan EU-da wuxuu xaq u leeyahay inuu deggo dal ka mid ah dalalkaas, kana helo shaqo iyo waxbarasho kuu doono. Caruur fara badan oo la qabsaday waxbarashada dalalkii ay ku noolaayeen ayaa jahawareer la soo gudboonaada luqadda cusub ee ay waxbarashadooda ku qaadanayaan, waxaana ka mid ah reer soomaaliyeed oo aan booqday, ayna si marti ahaan ugu joogeen labo qoys oo ka kala yimid dalalka holland iyo Norwey.
 
Waxaan u soo dhowaaday caruurtii ay dhaleen qoysaskaas si aan ula sheekeesto. Kuwii ka yimid Holland markay keligood yihiin waxay ku sheekeestaan afka Holandeeska, sidoo kalena kuwa ka yimid Norwey. Haddaba, waxaa jiray wiil mar dhow ka yimid Soomaaliya oo isagu yaqaana oo keliya af soomaaliga. Waxaan wareystay inay si wadajir oo wanaagsan ay u sheekeestaan caruurta, hase ahaatee wuxuu ii sheegay inay dhibaato ka haysato la qabsiga sheekadooda, iyo inay aad ugu liitaan ku hadalka af soomaaliga. Taasina waa waxaan ka dareemayay markay hadlayeen.
 
Caruurtaas koodii ugu weynaa ayaa wuxuu jiray 13 sanno, wuxuuna yimid qurbaha isagoo 3 jir ah, halka intooda badan ayba ku dhasheen dalalka Yurub. Waxaan weydiiyay inay dhigtaan dugsi qur’aan maalmaha sabtida iyo axadda, waxaa su’aasha iiga jawaabay Maxammed oo 9 jir ah, wuxuuna yiri “hadda maya!, hase ahaatee wan dhigan jirnay markaan Oslo joognay”. Intaan sheekeesanaynay ayaa waxaa billaabatay idaacadda BBC-da laanta af soomaaliga, waxayna ka warramaysay dagaallo ka dhacayay gobollada jobbooyinka. Waa dagaalladii sababay jahwareerka maanta haysta caruurtani oo weli ka socda dalka Soomaaliya, Alloow umuuraha sahal.
 
Soomaalida ka soo guura dalalka Yurub ee yimaada dalka England waxay intooda badaan deggaan gobollada Birmingham, Leister oo ay ku yaaliin dugsiyo Islaami ah oo waaweyn, taasoo ay awgeed halkani ugu soo guureen. Waxyaabaha ay soomaalidaas ku kellifa inay England yimaadaan ayaa waxaa ka mid ah dhinaca waxbarashada iyo tabriyadda caruurta oo dhaanta dalalkaas. Matalan, dalka Norwey waxaa caruurta muslimiinta lagu qasbaa inay qaataan maaddada Kiristaanka, iyadoo ay taasi sii dheer tahay waalidiinta oo caruurtooda aan si wanaagsanayn u koontarooli karin, halka dalka England aynan sidaas ahayn. Dalka England waxaa ka jira dugsiyo islaami ah oo ay dowladdu ictiraafsan tahay, dhinaca kale jaaliyadaha muslimiinta waxay haystaan xorriyad ka badan tan ka jirta dalalka Iskandineefinyanka iyo Holland. Jaamacadaha dalka England waxaa intooda badan ku yaala masaajiddo yar yar oo ay ku tukadaan ardayda muslimiinta ee dhigta jaamacadahaas, halka sida dalka Denmark oo kale lagu oranayo markaad meel aad salaad ku tukatid weydiisatid “waxaad ku tukataa musqusha iwm”, waana arrin dalka Denmark ka dhacday saxaafadduna ay maalmo dhan ka hadlaysay. Waxaa jira gabdho muslimiin ah oo iyagoo xijaaban ka shaqeeya xarumaha booliiska, xarumaha caafimaadka, waxbarashada , shaqada iwm, halka dalka Denmark gabadh muslimad ah masarkii ay qabtay awgeed loogu diiday inay si tababar ahaan ugu shaqeyso dukaan ku yaala magaallada Odense.
 
khat Qaad/Jaad/Khat
Border Closure Hurts Kenya Trade
latimes | Aug 4, 2001
Closure of Somali border hurts Kenya's trade in semi-narcotic leaf known as khat
nj | Aug 4, 2001
Kenya Trade Ban Has Serious Repercussions
AfricaNews | Aug 1, 2001
Somali militia panic as Kenya halts exports of narcotic
nationalpost | Jul 31, 2001
Khat shortage hits Somalia
BBC AFrica | Jul 31, 2001
Kenya bans trading with Somalia
BBC Africa | Jul 30, 2001
Kenya bans cross-border trade with Somalia
CNN | Jul 30, 2001
Kenya bans cross-border trade with Somalia
alertnet | Jul 29, 2001
Jaadkii oo lagawayey Muqdisho
SomaliTalk | Jul 30, 2001
Doodii Qaadka - Aragtida Dadweynaha
SomaliTalk | May 19, 2000
Caruurta soomaaliyeed ee sida keli ahaanta qaxootinimada uga codsada dalka England waxaa dhacda in loo raadiyo dad ay qaraabo yihiin, dabadeedna sidaa loogu biilo, halka dalka Denmark, Norwey, Germany ay si toos ah loogu wareejiyo reero gaalo ah, iyadoo aan lala xiriirin qoyska uu ka dhashay cunuggaas. Dalka England wuxuu ka mid yahay dalalka sida ba’ani ay soomaalida u joogaan, waxaana lagu qiyaasay tirada soomaalida ee dalka England ku nool inay ka badan yihiin 100,000 (boqol kun) qof.
 
Waxay xaafadaha London ee ay shisheeyuhu ku badan yihiin ku leeyihiin goobo ganacsi oo aad u sarreeya, matalan waxaa jira dukaamo iyo maqaayado waaweyn oo aad ku arkayso xaafadda Southall, sidoo kale meelo taleefoonada iyo internetka laga isticmaalo oo ay soomaalidu leeyihiin. Dhinaca kale, waxaa garab socdo waxyaabahaas goobo iyagu lagu iibiyo qaadka. Dalka England ma ahan sida dalalka Iskandineefiyanka iyo dalka Jarmalka oo kale oo iyagu ka mamnuuc ah qaadka, waxaa dalka England si joogto u yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay  qaar ka mid ah shaqaalihii BBC-da ee soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan kun oo soomaaliyeed.   

POsted: August 4, 2001
Distributed Via SomaliTalk.com

Qore: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com


Ilmo.Xaaqid | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin

More
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Wed, May 14, 2003


Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo
Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman