Free Web space and hosting from somalitalk.com
Popular Searches:     dvd     airfare     music     
Somalitalk.com Online Community


caruur Guji Sawirka
gabdho Guji Sawirka
wiilal Guji Sawirka
gabdho Guji Sawirka
guban Guji Sawirka
lugaha Guji Sawirka
wiil Guji Sawirka
SomaliTalk.com |Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
TAAGEERO.SOMALITALK.COM
MUCAAWINO AADAMINIMO
Warbixin Waftigii Booqday Puntland

Iyada oo kooban, weftigii ka kala socday wadamada Australia, The Netherland iyo waddanka Ireland ee booqashada gaaban ku tegety gobolka Puntland, ee Somaliya, wuxuu ahaa safarkaasi mid aad iyo aad loogu guulaystay, taasina waxaa mahadiisa leh Ilaahay.

Waxaana uu socdaalkaasi albaabada uu u furay a) in booqashooyin dheeraad ah loogu noqdo Puntland, iyo b) iyada oo islamarkaasna caruurta aan magaalooyinka qaarkood ku soo aragnay, unna baahan in lagu qalo cisbitaal caalami ah, laga soo qaadi doono magaaloyinka Bosaaso, Qardho iyo Garoowe si Somaliya dibadeeda loogu qalo. Waxaana islamrkaas magaalada Gaalkacayo laga bilaabayaa, sanad gudihiis, in lagu qalo dad kamid ah dadka aan magaaloyinkaas ku soo aragnay ee u baahan qaliin iyaga uun u gaar ah, sida dadka Faruuran, amab GUBTAY oo kale.

Raad intee le'eg ayaa Sunta Soomaaliya ku aasani kureebikartaa Soomaalida?
Jawaabta su'aashan waxaa lagasugayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed, meelmarinteedana waxaa looga fadhiyaa hoggaanka Soomaalida
Socdaalkayagii waxaan ku kala bixinay cisbitaalada magaaloyinka Bosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacayo. Waxaana halkaas kula kulanay dad badan oo rag iyo dumarba leh, runtiina u baahan qaliin deg deg ah.

Markaan ka degney gegida dayuuradaha ee magaalada Bosaaso, waxaan islamrkiiba u gudubnay cisbitaalka weyn ee magaaladaas Boosaaso oo si fiican nalooku soo dhoweyey. Dadka halkaas aan ugu tagnay waxay ahaayeen dad caruur, dumar iyo ragba leh. Dadkaas tiradooda waxaan ku qiyaasay in ay ahaayeen ilaa laba boqol oo isugu jira;

a) dad lugaha iyo gacmaha ka gubtay ina baahan in loo kala furo si ay caadi ugu socdaan amaba wax ugu qabsadaan;

b) dad faruuran oo yar iyo weynba leh, kana kal yimid, sida naloo sheegay, ilaa Ethiopia; iyo

Waxaan magaaladaad Bosaaso cisbitaalkeeda ku aragnay gabar yar oo afka xabadi kaga dhacday. Gabadhaas markii dhakhtarkii nalasocday iyo weftigu wadda tashadeen isla goobtii ku go'aansadeen in gabadhaas si deg deg ah looga soo qaado Somaliya lana keeno magaaladan Melbourne si loogu qalo. Gabadhaas yari waxay jirtaa ilaa shan sano, waxaana ay u baahan tahay in dib loo dhiso bushinteeda kore iyo sanka oo xabadu ay aad u wax yeelaysay. gabadhaasna waxaan filaynaa in, ilaahay idankiis, ay timaado magaaladan Melbourne horaanta bisha soo socota ee October.

Waxaan magaaladaas ka baxnay ilaa afar saac ka dib wakhtigaan ka soo degney garoonka, anaga oo u anbabaxnay magaalada Qardho oo aan ku tashany in aan ku hoyano habeenkaas, si aan uga baxno subaxda Talaada ah. Sida aan korba ku soo xusay safarkayagu waxaa uu markii hore ahaa mid qaadanayey 5 cisho, lakii taasi way noo suurta geliweysay, sababo dhowr ah dartood, sida;

a) Wakhtiga uu haystey Dr. Jude oo Ireland ka yimid. Dr. Jude waxaa looga baahnaa in uu maalinta Isniinta ah ee aanu nimid Puntland Isniinta ku xigta uu ka qayb galo qaliin lagu qabanayey cisbitaal ku yaala Ireland. Isniintaasina waxayd ahayd maalinta aan rabney in aan ku soo noqono Dubai. Sidaas darteed waxay noqotay in aan nimaadno Dubai sadex ayaamood ka hor si Dr. Jude uu diyaarad halkaas uga raaco isaga oo ku sii jeeda Ireland.

Waxaan magaalada Bosaaso kaga baxnay labo baabuur oo kala ahaa Toyota Pickup iyo Land-rover Discovery. Waxaa Land-Rover- Discovery-ga noogu deeqay Cabdikariin Nuur Cirfe oo ah Gudoomiyaha shirkada (kambaniga) taleefonada ee layiraahdo "Ausom". Cabdikariim waxaa uu nooga yimid magaalada Gaalkacayo si uu noogu tabaruco wakhtigiisa qaaliga ah iyo gaarigiisaba, si walaalnimo iyo odaynimaba ah. Waxaana uu Cabdikariim iyo baabuurkiisaba marlabaad nagu soo cesheen Bosaaso markaan safarkii soo dhamaysanay. Waxaana aad iyo aad ugu mahad celinaya Cabdikariim Nuur Cirfe oo noogu deeqay gaadiidkiisa iyo wakhtigiisaba si walaalnimo ah.

Sida kamuuqata sawirada dhammaan dadkaan waxay u baahanyihiin mucaawino aadaminimo oo degdega, sidaas darteed waxaa laga codsanayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in macaawino/tabarucaad iyo taageero dadkaas waxloogu qabto ay u tebiyaan.

Fadlan wixii talo iyo tusaale iyo taageero ah ku hagaaji Ciise Maxamuud Dhoolawaa oo lagala xiriirikaro
Email: imfarah@students.latrobe.edu.au
Phone:
0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)

Waxaa iskusoo dubaridey: Ciise Maxamuud Dhoolawaa
imfarah@students.latrobe.edu.au
Australia

September 11, 2001

WARBIXINADII HORE EE WAFTIGA
>> July 20, 2001
>> July 27, 2001

FADLAN TAAGEER DADKAAS DHIBAATAYSAN, FADLAN!!!


LIFAAQ

Sida uu horayba u muujiyey qoraalkii dr. Bashir Sh. Mohamed, waxaa soomaaliya lagu aasay sun halis ah, taas oo sida aqoonyahano Soomaaliyeed ay tilmaameen ku reebikarta dadka Soomaaliyeed dhibaatooyin kala soogudboonaada xagga caafimaadka.

Waxaa kale oo waayadaan dambe soo shaacbaxaya in aan la ogeyn ilaa iyo waqtigii ay bilaabatay in sunta Soomaaliya lagu duugo. Soomaaliya oo leh xeeb aad u dheer, isla mar ahaantaana aan lahayn qaab ilaalo ah ayaa lagayaabaa in ay ka qayb qaadato sahlida in suntaas lagu aaso xeebaha Soomaaliya.
Sidee looga hortegikaraa raadka sunta kuduugan Soomaaliya?
wadajir

Arintan waa mid lagudboon aqoonyahanka Soomaaliyeed in ay Soomaalida ku baraarujiyaan khatarta arintaas, si looga taxadaro raadka ay ku reebikarto jiilka hadda jooga iyo jiilasha dambeba.

Warar mararbadan Soomaaliya ka imanaya ayaa sheegay in ilaa intii kadambaysey 1991 ay Soomaaliya kasoo shaacbexeen cuduro aan dadka Soomaalida ah horay loogu arkijirin, tan oo aqoonyano Soomaali ah ay qiyaasayaan in suntaas lasheegay in Soomaaliya lagu aasay ay sababikarto arintaas.

Arintani waa mid ufuran dhammaan ummadda Soomaaliyeed sidii cilmibaarisyo dheeraad ah loogu samayn lahaa.

Ugudambayn, waxaa dhicikarta in lahelo furaha turxaanbixinta iyo xaqiiqo raadiska arinta Sunta Soomaaliya lagusheegay, hadii aqoonyahanka Soomaaliyeed ay mideeyaan fikerkooda iyo waxqabadkooda iyagoo wadatashi kayeelanaya sidii arintaan waxqabadkeeda loogu hawlgelilahaa.

Si waxbadan aad uga ogaatid sunta Soomaaliya ku aasan akhri bogga www.shakiib.somalitalk.com

Sidoo kale waxaa soo ifbaxaya haliso cusub oo khatartaas kore sii kordhinaya, si aad taasna wax uga ogaatid akhri halkan

September 11, 2001


Wiil yar oo Kudhibaataysan Sanca
Guji halkan
SAWIRKA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 |
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
. Wed, Sep 29, 2004
gabaryar Eeg Sawirka oo weyn
bosaso Garoonka Boosaso
buurtinle Garoonka Buurtinle
galkacyo Garoonka Galkacyo



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo Xariri |
Xawar | Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR | Barkhadle
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman | Shiekhsabah | Wardhere