|
|
| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
East Africa University
|
|
JAAMACADDA BOOSAASO OO WAL WAL XOOG LIHI SOO FOOD SAARAY.
WQ: Maxamed-deeq Cabdulqaadir
sahan@brtel.net
Sabti, 28 Abriil 2001. Bosaaso
Print
friendly format
Jaamacad cusub oo wakhti aan dheerayn laga amaamuday
magaaladda Bosaaso wakhti aan sidaas u dheerayn ayaa waxaa haatan waxaa soo food
saaray wal wal aan yarayn oo dhinacyo kala duwan ka imaanaya.
Jaamacaddan oo lagu magacaabo “jaamacadda Bariga Afrika”
(East Africa university) waxaa si rasmi ah loo furay markay taariikhdu ahayd
23/10/1999, waxaana lagu bilaabay 95 arday oo ku baasay imtixaan horudhac ahaa
oo laga qaaday dadkii soo dalbaday, kuwaasoo loo furay bilowgii koorasyo
barashada luqada; carabiga, ingiriiska iyo xisaabta ah. Bishii Oktoobar 2000
ayayna ardaydaasi waxbarashadoodii rasmiga ahayd ee jaamacadeed bilaabeen.
Jaamacaddu waxa ay haatan ka kooban tahay labo kulliyadood oo
kala ah; Kuliyadda Shareecadda Islaamka iyo kuliyadda Maamulka, iyadoo sida ay
xaqiijiyeen masuuliyiinta jaamacaddu aan la soo buuxin kuliyad kale oo ah
kuliyadda macalimiinta oo horay ugu jirtay qorshaha waxbarasho ee jaamaccadda,
iyadoo ay ardayda is diiwaan galisay ay gaarayeen ilaa 200 oo arday oo u badan
ardaydii ka soo baxday dugsiyadii sare ee Soomaaliya oo aan horay u helin fursad
ay wax barashadoodii ku sii wataan.
|
Jaamacadda Bariga Africa oo markeedii hore lagu bilaabay
dhisme kiro ah ayaa waxa ay haatan haysataa dhul ku dhaw 500,000 Mitir oo laba
jibaaran
|
Jaamacadda Bariga Africa oo markeedii hore lagu bilaabay
dhisme kiro ah ayaa waxa ay haatan haysataa dhul ku dhaw 500,000 Mitir oo laba
jibaaran oo ku yaal meel in yar u jirta cirifka koonfureed ee magaaladda Bosaaso,
waxaana horaantii sanadkii hore halkaas laga bilaabay dhisme ka kooban lix
qaybood oo isugu jira fasaladii waxbarashada, jiifkii ardayda, guryihii
macalimiinta, gurigii buugaagta (maktabad ama library), Masaajid iyo qaybta cuntada iyo kaydka,
iyadoo qaybahaas ay ku dhex jiraan xafiisyadii maamulka, musqulo iyo qol shireed
oo weyn. Ardaydii jaamacaduna waxa ay wali wax ku bartaan dugsi khaas ah
(private) oo ku yaal magaaladda dhexdeeda, maadaam uusan dhamaan dhismihii
jaamacaddu, qalabayna aan wali loo hayn.
Jaamacadan waxaa maamula laba gole oo la kala yiraahdo
- Golaha sare ee
Jaamacadda oo u xil saaran dajinta
Siyaasadda Jaamacadda iyo
- Golaha fulinta ee
Jaamacadda oo u xil saaran wadidda
barnaamijyada iyo hawlaha Jaamacadda, kuwaasoo leh xarumo ku meelgaar ah oo
ay haatan shaqooyinkooda si joogta ah ugu sii wataan.
|
"dhismihii
Jaamacaddii soomaaliya markii aan dhamaystirnay kadib Saddex sano ayay u
xayirnayd qalab la’aan awgeed iyadoo ay wax kasta oo kale diyaar ahaayeen,
maantana waxaan ka baqayaa in tan Bosaasana ay sidaas oo kale ku dhacdo"
Ing. Axmed Barre
|
Iyada oo xaalka Jaamacaddu sidaas yahay ayaa waxa muuqda
walwal xoog lih oo soo food saaray Jaamacadda, Ing. Axmed Barre oo gacanta ku
haya Dhismaha Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, horayna wax uga soo dhisay
jaamacaddii Umadda ee Soomaaliya (Muqdisho) ayaa laga soo wariyay in uu yiri "dhismihii
Jaamacaddii soomaaliya markii aan dhamaystirnay kadib Saddex sano ayay u
xayirnayd qalab la’aan awgeed iyadoo ay wax kasta oo kale diyaar ahaayeen,
maantana waxaan ka baqayaa in tan Bosaasana ay sidaas oo kale ku dhacdo"
Mudiirka Jaamacadda Bariga Africa Dr. Cabdulqaadir Maxamed
Cabdullaahi ayaa isaguna muujiyay dareen kaas oo kale ah mar uu u waramayay
wargeyska Sahan, wuxuuna yiri “markii hore dhanka aradayda oo waxbarashadoodu
kala go’day tobankii sano ayaa aad caqabad noogu noqday, iyadana itijaah ayaan
hadda u samaynay, koorsooyinka luqadaha ayaan xoojinay, dugsiyada sare ardayda
ka soo baxaysa ayaan hadda filaynaa in ay buuxiyaan baahida jaamacaddu u qabto
arday heerkooda aqooneed xiriirsan yahay, tan ku xigtaana waa qalabayntii
Jaamacadda oo aanaan wali faro ku hayn”
Mudiirka oo ka hadlayay dadaaladii ay u sameeyeen horumarinta
Jaamacdda ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxa aan la xiriirnay Jaamacado
dhawr ah oo ku yaal dalalka carbeed iyo Yurub, waxaan kaloo la xiriirnay dadka
Soomaaliyeed oo ku nool Yurub iyo Maraykanka iyo guud ahaan dibada waxaana u
bandhignay baahiyaha haatan ee Jaamacadda, meelo badan oo macluumaad na soo
waydiistay oo aan siinay ayaa jira hase ahaatee aanaan wali jawaab ka hayn,
iyagana waa sugaynaa, waxa ugu weyn ee aan ka helnaa dadka dibada ku nool ee
Soomaaliyeed waa dhiira galin xagga niyadda ah, waana u mahad celinaynaa guud
ahaan, gaar ahaan waxaan u mahad celinaynaa Jaaliyadda Buntilaan ee ku nool
dalka Ingiriiska oo noo soo diray kutub ay Jaamacadda u soo aruuriyeen, waa
dadkaas dadka aan rajadda ugu weyn ka qabnaa, waxaana jeclaan lahayn in ay wax
intaas ka badan ku kaalmeeyaan Jaamacada oo qof waliba waxa uu ka qaban karo
dadaalka loogu jiro horumarinta jaamacadda af iyo adinba in uu ka qayb qaato,
mana hilmaami doono talooyin qiimo badan oo ay noo soo jeediyeen dad fara badan
oo kala duwan”
Waxa kale oo uu Dr. Cabdulqaadir intaas ku daray in ay sii
wadi doonaan xiriir Jaamacadaha kale ee diabadda iyo kuwa Soomaaliya marka ay
meel iska dhigaan fariisinta hawlaha asaasiga ah ee qalabaynta iyo horumarinta
Jaamacadda, waxa kale oo uu sheegay in ay damacsan yihiin in ay abuuraan kuliyado
kale oo Cilmi ah.
Baahiyaha asaasiga ah ee jaamacaddu ma yara marka la barbar
dhigo awooda dhaqaale ee maanta dalka ka jirta, waxayse noqon kartaa mid aad u
yar haddii ay dadka ay arintani khusayso isu xil qaamaan in ay gacan weyn ka
geystaan hirgalinteeda.
Qiimayn baahiyaha dhiman ee asaasiga ah qaarkood uu ku
sameeyay Eng. Axmed Bare oo aan qoraalkooda arkay ayaa waxa uu ahaa sidan:
- Qiimaha qalabaynta fasalada iyo xafiisyada maamulka:
35.409.00 $
- Qalabaynta library-ga oo aysan ku jirin kutubtu;
29.708.00 $
- Qolalka macalimiinta : 10.896.00 $
- Qalabaynta degaanka ardayda: 20.920.00 $
- Qalabaynta jikada iyo hoolka cuntada: 34.849.20.$
- Matoorka korontada 80 kv: 11.000.00 $
Qiimayn kale oo 20 Nof. 2000 ay samaysay shirkad Magaalada
Bosaaso biyaha Siisa oo la yiraahdo Gumco ayaa cadaysay in ay biyo ku
gaarsiinayso Jaamacadda kharash ay ku qiimaysay 40.193.00$, taasoo sabab
uga dhigtay masaafadda dhulka iyo dhismayaasha Jaamacadda oo kala durugsan,
waxayse talaabadan maamulka jaamacaddu ka door bidayaan in ay helaan ceel gaar
ah oo ay Jaamacaddu yeelato kaasoo ay kaga kaaftoomi karaan biilasha joogtada ah
ee Biyaha shirkaddan, waxayse taas laf ahaanteedu fududaan kartaa marka ay
jaamacaddu hesho Matoor weyn oo koronto oo ah kan haatan baahida ku cad.
|
waxayna baahida aqooneed ee degaankan ka jirtay
qaybta ugu weyn ka qaadatay in gobolku mudadii Soomaaliya dawladda ahayd noqdo
meel cidlo ciirsala ah oo aan loo soo xiisin maadaama aqoontii iyo dhaqaalihii
dalkuba ka fogaadeen
|
Dhinac kale haddaan u yara jaleecno ahmiyaddan ay jaamacadani
u leedahay degaanka Buntilaan iyo Bosaasaba waa jaamacaddii ugu horaysay ee guud
ahaan laga dhisao degaankan, waxayna baahida aqooneed ee degaankan ka jirtay
qaybta ugu weyn ka qaadatay in gobolku mudadii Soomaaliya dawladda ahayd noqdo
meel cidlo ciirsala ah oo aan loo soo xiisin maadaama aqoontii iyo dhaqaalihii
dalkuba ka fogaadeen, waxaa kale oo jira kumanyaal arday oo sanadkan iyo sanadaha
xiga ka soo baxaya dugsiyada sare ee ku yaal Gobolka kuwaas oo aan in aad u yar
ma ahee hali karin dhaqaale ay ku raadsadaan wax barasho dibadeed ayna noqonayso
in ay dib suuqyada ugu baagamuudeeyaan haddii aysan helin hoy waxbarasho oo ay
ku wareegaan si ay wax barashadoodii u sii wataan.
Dhismaha Jaamacaddani waxa kale oo uu qayb weyn ka qaadanayaa
in xataa ardayda dhiganaysa dugsiyadda Hoose ee dalku ay arkaan miidaan ka weyn
kan ay markaas fadhiyaan oo ay higsadaan, waxayna qayb ka qaadanaysaa in kuwa
heerka jaamacadeed ku jira laf ahaantoodu ay helaan goob munaasb ah oo ay si
degan wax ugu baran karaan noloshiina aysan kaga walwalayn.
Si kastabase ha ahaatee dhamaystirka Jaamacaddaan oo ay
dhismaheeda ku deeqday hay’ad Kuwayti ah ayaa waxa ay guushiisu ku xiran tahay
sida ay uga qayb qaataan dadka ehelka u ah degaanka ee garanaya qiimaha ay
aqoontu u leedahay ummad horumar iyo nolol wanaagsan rajo ka qabta.
Qore: Mohamed Deeq, April 28, 2001, Bosaso.
Posted by Somalitalk.com Team Updated: April 28, 2001
|
>>
Qaab dhismeedka Jaamacadda
>> Liiska Buugaagta Jaamacaddu u baahantahay
NB: Liiskaasi wuxuu ka koobanyahay saddex bog oo isku xiga.
|
www.Somalitalk.com All About Somalia and More...
|
|
Kor/up
Usheeg Asxaabtaada
| Talo Bixin
|
|
|
Allah Is Great
|
|
.
Sat, Nov 27, 2004
|
|
BOOKS NEEDED
|
|
Bogga >> | 1 | 2 | 3
|
Rebuilding Somalia Educational System Back Together.
GET READY! THE ERA OF KNOWLEDGE
|
|