May 15, 2008

Madaxweynaha oo Gobol Cusub U Magacaabay Baligubadle.

Hargeysa, (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xeer uu soo saaray Degmadda Bali-gubadle ugu magacaabay Gobol Cusub, gobolkan cusub ee uu Madaxweynuhu u magacaabay degmadda Bali gubadle inay xarun u noqoto oo lagu magacaabo Hawd.

Ku dhawaaqista gobolka cusub, ayaa warkiisa lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyadda Md, Siciid Caddaani Mooge.

Madaxweynuhu waxa uu gobolkan cusub ee Hawd u magacaabay in caasimadiisu noqoto ama magaalo madax ay u noqoto degmadda Bali-gubadle oo ah magaalo fac wayn oo taariikheed ku leh dalka, sidoo kale ayaa warsaxafadeedka madaxtooyadda lagu cadeeyay in magaacibta gobolkan uu madaxweynuhu go’aansaday markii uu tixgaliyay codsiga uga yimiday Hogaan dhaqameedyadda iyo wax garadka dadka ku dhaqan degaanka Gobolkan Hawd, markii uu dhagaystay soo jeedinta wasiirka arimaha gudaha Somaliland, waxanaa qoraalka ka soo baxay madaxtooyadda ku cad in gobolkan dhakhso loo dhamaystiri doono degmooyinkiisa.

Gobolkan cusub ee Hawd ayaa noqonaya gobolkii todobaad ee Madaxweynuhu magacaabo mudo laba bilood gudahood ah magacaabo kaas oo tiradda guud ee goboladda Somaliland-na ka dhigaya ama ku noqonaya kii 13aad sidoo kale ayay magacaabista gobolkan cusub ee Hawd ay ku soo beegan tay wakhti la soo gabgabaynayo murankii sharci ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ah.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com