Last updated: March 15, 2012
Welcome visitor, you are currently not logged in.    Log in »    »

SIXID IYO BAADHITAAN TAARIIKHDA SOOMAALIYEED

H. E. Hagi Bashir Ismail Yousuf



1st President of Somali National Assembly

1 July 1960

Succeeded by :      Jama Abdullahi Qalib

Born:                                      1912  Hobyo,  Mudug Region, Somalia.

Died:                                       2 Jan 1984 ( aged 72 ) Cairo, Egypt.

Nationality:                            Somali.

Political Party:                       Somali Youth League ( SYL ) 1943.

Religion:                                 Islam.

Chairman of the National Legislative Assembly

-   H. E. Aden Abdulle Osman Daar

Presidents of the Somali National Assembly

-   H. E. Hagi Bashir Ismail Yousuf

-    H. E. Jama  Abdullahi  Qalib

-   H. E. Ahmed Sh. Mohamed Absiye

-   H. E. Sheikh Mukhtar Mohamed Husien

 

 

SAXID QAYB KA MID AH TAARIIKHDDA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.

Baarlamaankii Xoriyadda:

Kadib markaan la xiriiray qorihii maqaalka hore Col. Zubeer C/kariim Boorle oo runtii ah waayo-arag taariikh

badana haya amaba soo joogay, waxaan isla garanay inay ahayd sidatan:-

= Baarlamaankii Daakhiliga= Kadib doorashadii golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka ee dhacday 1954tii,

waxaa gudoomiye loo doortay Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan Daar, waxaana dib loogu cusbooneysiiyey

gudoomiyihii baarlamaanka kadib doorashadii 1959kii , waxaana xasuus mudan wakhtigaas in golayaasha iyo

maamuladda dalku ay wali hoos joogeen gumeysigii talyaaniga iyo ingriiska soomaaliyana ay u qaybsaneyd

dhulka soomaaliyeed ee ingriiska iyo dhulka soomaaliyeed ee talyaaniga, sidaas darteed ayaa maamulkeena

iyo golaheenuba u ahaa gudaha oo keliya looguna yiqiinay ( Daakhiliyadii ).

= Baarlamaankii Xoriyadda & Midnimadda= 1 Luulyo 1960kii Maxaa Dhacay ???.

26 Juun 1960kii ayaa waqooyigu xoriyadda qaatay, saqdii dhexe 1 luulyo 1960  waxaa xoroobay koonfurta.

Subaxdii 1 luulyo 1960kii ayaa la furay aqalkii guduudnaa ee markaas noqday baarlamaanka soomaaliya.

Waxaa subaxaas golaha baarlamaanka fadhiya 123 mudane oo ka socda soomaaliya oo dhan,  ansixintii

Magacyadda iyo Aayado Quraanka Kariimka ka dib waxaa shirkii furay Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan

Gudoomiyihii golaha ee daakhiliga oo ka codsaday baarlamaanka cusub ee soomaaliyadda xorta ah inuu

doorto gudoon cusub oo fura shirkii koowaad ee kal-fadhiga koowaad ee baarlamaanka soomaaliya, isla

markaasna diyaariya ajandaha shirka maanta.

= Muddo gaaban kadib waxaa loo doortay gudoomiyihii ugu horeeyey  baaramaanka dalka soomaaliya

Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf oo laga soo doortay degmada Bossaso  gobolka Mageerteenia

horeyna u ahaa Gudoomiye ku-Xigeenkii Guddigii Mideynta Soomaaliya.

Waxaa la dajiyey ajendihii shaqada maalinkaas oo noqotay sidatan:-

= Dood gaaban kadib waxaa loo doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan Daar, oo laga soo doortay degmadda Beledweyne gobolka hiiraan.

= Waxaa la go’aamiyey in dastuur dalka loogu soo diyaariyo muddo aan ka badneyn hal sano.

= Waxaa la ansixiyey aqoonsiga diplomaasiga ah ee dowladaha 1) talyaaniga iyo 2) mareykanka.

Hadaba intaas ayey ku soo gabagaboowday howshii shirkii ugu horeeyey ee Kal-fadhigii koowaad ee

Baarlamaanka soomaaliya 1 luulyo 1960kii, waxaana shirkaas xiray gudoomiyihii cusbaa ee golaha.

Maalmihii ka dambeeyey baarlamaanku howshiisii ayuu sii watay, Madaxweynihiina waxuu bilaabay

Wada tashi lagu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad muddo bil ah gudaheed.

Intaas ayaa la qabtay maalintii koowaad ee gobanimadda iyo midnimadda Soomaaliya 1 luulyo 1960.

Fiiro Gaar ah:-

Waxaa dadka qaar is weydiin karaan goorma ayaa la badalay Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf ???.

Hadaba su’aashaas in aan ka jawaabo waxaan soo qaadanayaa dhacdo taariikhi ah ee la soo maray.

Waa kuwama Aabayaashii Midnimadda Soomaaliya???.

=Markii ay soo dhowaatay gobanimadii labada qaybood ee waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ayaa

Waxaa xiriir sameeyey madaxdii halganka gobanimo-doonka, waxay isla garteen in ay labo guddi isku

darsadaan si looga wada hadlo gobanimadda ka hor hadii ay suuroobi karto midnimo Soomaaliyeed.

Waxaa isu yimid guddigii koonfurta (10) toban xubnood, iyo guddigii waqooyi (8) sideed xubnood,

Shirkii ugu horeeyey waxay noqdeen guddi (18) oo la magac baxay (Guddiga Mideynta Soomaaliya).

(1)    Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan Daar .   …………………….   Gudoomiye.

(2)    Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf.       …………………….   Gudoomiye Ku-Xigeen.

(3)    Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.  …………………….   Xog – haye.

(15)  Shan iyo toban Mudane oo kale          ……..…………………….    Xubno.

Guddigii mideynta soomaaliya waxuu isku dhaarsaday inay daacadnimo iyo soomaalinimo uga wada

Shaqeeyaan in ay dowlad qura ka soo saaraan dadka soomaalida ah ee wadaaga diinta, afka, dhiigga,

Dhaqanka, dhulka iyo dhamaan waxii dad ka dhexeeya,waxuuna gudigii soo diyaariyey jadwal shaqo

(Road Map) oo loola tagey Qaramadda Midoobey, Ingriiska, iyo Talyaaniga ayna wada ogolaadeen.

Waxyaabaha ay guddigu isla meel dhigeen waxaa ka mid ah :-

= Jadwalka taariikhaha xoriyadda waqooyi iyo koonfur, meesha, sida iyo maalmaha ay dhacayso.

= Qaabka ay noqoneyso midnimadda iyo munaasibadeeda (Munaasibadda Baarlamaanka).

= Qaabka dowladnimo ee aan nidaamka caalamiga ah ka qaadaneyno.

= Caasimadaha soomaaliya ee Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Goboladda iyo dagmooyinka.

= Mudada ay noqoneyso dowladda ku meel gaarka ah iyo diyaarinta dastuurka Jam. Soomaaliya.

= Qaybsiga awoodda dowladda, gaar ahaan mudada ku meel gaarka ah (Kalsooni Gelin)……IWM.

Gudigaas oo muujiyey kalsooni, walaalnimo, iyo tanaasul wax kasta oo caqabad ku noqon kara.

waxay si wada jira u booqdeen maamuladdii iyo xisbiyadii koonfur iyo waqooyi, waxayna taageero

iyo ogolaansho buuxda ka heleen shacab weynihii soomaaliyeed oo ka banaan baxayey gobolada.

Waxa ammaan gaara leh Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud R/Wasaarihii Xukunka Daakhiliga

& Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal madaxii gobolada waqooyi siday shacabka u gaarsiiyeen.

Guddiga Mideynta Soomaaliya markuu helay ogolaanshaha soomaalida shacab iyo maamul, oo uu

helay ogolaanshihii caalamka gaar ahaan dowladihii gumeysiga iyo Qaramada Midoobay, Guddigu

waxuu ku wareejiyey qorshihii midnimadda oo diyaarsan haystana ogolaansho gudaha & dibadaba

golihii baarlamaanka xorriyadda oo loo xil saaray hirgalinta iyo fulinta heshiiska midnimadda.

Halkaan markaan soo gaarnay waxaa bilaabmaya taariikhdii aan horey u soo marnay ee xoriyadda

oo dhamaanteed ku saleysan sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii Guddiga Mideynta Soomaaliya.

Caqabadii ugu Horeysey Dowladda iyo Midnimadda Soomaaliya:-

Waxaa la galay wada tashiyo lagu doonayo heshiiskii magacaabista R/Wasaaraha, Howshaas oo

markii hore la isku afgaran waayey barnaamijka, xubnaha, iyo qaabka golaha wasiiradda, waxaa si

adag uga joogsaday wada tashigii Madaxweynaha kutladda waqooyi ee Baarlamaanka oo markaas

ayagu buuxin lahaa jagadaas uuna hogaaminayey Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Markii wada tashigii joogsadey, waxaa arrinta soo dhex galay dhamaan xubnihii Guddiga Mideynta

Oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Xaaji Bashii Ismaaciil Yuusuf, waxayna

Si wadajir ah ugu raadiyeen xal qancin kara labada dhinac ee isku haya qaybta fulinta ee dowladda.

Arrinkaasu waa adkaaday, wakhtigiina waxaa dhamaanaya 2 usbuuc ee Madaxwenaha la doortay.

Intaas ka dib si bil gudaheed loo magacaabo Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed,  Gudoomiyihii golaha

ayaa u soo jeediyey gudigii mideynta ra’yigiisa xalka khilaafka, ka dib ayagoo wada socda ayey isu

mareen M/weynaha iyo kutladda waqooyi oo iyana ogolaaday inay R/Wasaaraha ka tanaasulaan.

Bayaankii Xalka Khilaafkii Koowaad ee Midnimadda :-

= Go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf oo soo jeediyay

Inuu xilka iska casilo si loogu doorto mudane ka tirsan kutladda waqooyi.

= Mudaneyaasha waqooyi  oo aqbalay in ay mudane u soo sharaxaan  jagada labaad ee qaranka.

= Madaxweynaha oo aqbalay inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare xukuumad soo dhisa, dastuurkana

Soo diyaariya, kuna yimaada aqoon, wadaniyad iyo awood qaybsi.

= Qodobada kor ku xusan oo la hirgalinayo 30 maalmood gudahood laga soo bilaabo 1 / 7 / 1960.

Subaxii xigay waxaa shiray baarlamaankii, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa khudbad dheer oo ka

hadleysa dhamaan wixii la soo maray halgankii gobanimo-doonka & midnimo-doonka soomaaliya

mudanayaasha xasuusiyey, waxuuna ugu bishaareeyey in Ilaahay uu la garab qabtay inay xaliyaan

khatartii soo food saartay hirgalinta Dowladnimadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Khudbadaas oo Xaajigu ku magacaabay (DAMAC) waxuu ku micneeyey in damaciisu uusan ahayn

darajo khaas ah ee yahay inay hirgasho Dowlad Soomaaliyeed oo mid ah, khudbadaas oo noqotay

caan waqtigaas, waxuu soo qadimay Istaqaaladiisii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Waxaa durba la galay qodobkii xigay oo lasoo sharaxay mudane ka socda waqooyiga, waxaana la

doortay Mudane Jamac Cabdullaahi Qaalib Gudoomiyihii Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa soo kordhay fadhigaas in Mudaneyaashii Baarlamaanku abaalmarin darteed ugu doortaan

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf.

Waxyaabaha abaalmarinta keenay waxaa ka mid ah inuu lahaa ra’yigii (5) Shanta maalmood oo

bisha June ugu dambeysa in loo qoondeeyo xoriyadaha shanta Soomaaliyeed, maalinta xigta ee

1 luulyo 1960 ay noqoto maalinta xoriyadda iyo midnimadda guud ahaan soomaalidda.

Mudanayaal badan oo koonfurta ah khaas ahaan SYL, isla markaasna uu hor kacayo Gudoomiye

Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, kuna soo heshiiyey murashaxooda jagada R/Wasaare ayaa

u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magaca Mudane Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo

markaas gacanta ku haya howlihii dastuurka oo qabyo ah, buuxinayana shuruudihii lagu heshiiyey.

Madaxweynahu isla markiiba waxuu ku dhawaaqay magacaabistii, waxuuna ka dalbaday inuu soo

dhiso xukuumad tayo leh, dalkana ka saarta marxaladda ku-meel gaarka ah.

Xukuumadaas oo ahayd tii ugu cuslayd, waxaa ka mid noqday Wasiiro badan oo miisaan ku lahaa

Taariikhda gobanimadda iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed ,waxayna howshii loo diray ku

soo dhameeyeen wakhtigii loogu talagalay, waxaana wasaaradihii ka qabtay:-

= Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud.               = Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

= Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.                      = Mudane Cabdulqaadir maxamed Aaden .

Waxaa intaas weheliyay qaar kale oo aan ka halgan yareyn oon wada hayno magacyadooda.

Halgamaageenu waxuu naga mudan yahay xasuus iyo duco, Dadka aan maqaalkaan uga hadlay

Inta badani way dhinteen (ilaahay ha u naxariisto) inta yar ee noolna ilaahay caafimaad ha siiyo.

(Dad & Dal aan Taariikh Lahayn, Mustaqbalna Malaha).      MD. Cabdullaahi X. Bashiir Ismaaciil.

 

Qaybtaan waxaan u dirayaa dhamaan Qoraagga & WEB-SIDEyadda Soomaaliyeed

Waxaad la socotaan inaan ku guda jirno bilihii loo dabaaldegi jiray Gobanimadda Soomaaliyeed,

Waxaana fooda nagu soo haya maalintii qiimaha badneyd ee 15 May, waxaana kusii xigga bilihii

Xoriyadda iyo midnimadda ee june & july, hadaba anagoo meel walba isu diyaarineyna xuskooda

Iyo ka qayb galkooda, waxaan sanadkaan idiin soo jeedinayaa ra’yigaan haduu haboonaado:-

Sida aan kor kusoo xusay waxaa jira bog dhan oo taariikhdeena kamid ah amaba ugu muhiimsan

marka laga hadlayo waxa soomaalida oo dhan ka dhexeeya, waana Midnimadda Soomaaliyeed.

Boggaas waxaad moodaa in uu taariikhdeena ka maqan yahay, ama dad aad u yar ogsoon yihiin.

Waxaan la yaabaa dadka  Soomaalida ah markay yiraahdaan Midnimaddu waa Muqadas ayagoo

aan ra’yi ka qabin sida ay ku timid, waxa laga soo maray iyo dadka ka soo shaqeeyey, wayna isaga

khaldan tahay Gobanimo-doonkii iyo Midnimo-doonkii, oo runtii kala ahaa labo howlood.

Hadaba runtu waxay tahay inaan taariikhdaas ummaddeena loo soo gudbin, oo aan dugsiyadda

annaga iyo caruurteenaba lagu barin, oo dadkii ka soo shaqeeyey aysan munaasabadaha uga soo

sheekeyn, oo aan war baahinta soomaalidu ka wareysan inta ka nool halgamaagii soomaaliyeed.

Waxaana nasiib daro wax ka qoray ajnabi, iyo qof uga sheekeeyey intii isaga u dhoweyd markaas.

Hadaba waxaa xaqiiqo ah in aan la difaaci Karin waxaan la aqoon, waxaanna mareynaa marxalad

khatar ku ah jiritaanka soomaalinimo gaar ahaan Midnimadda Soomaaliya oo ku socota inay dib

ugu noqoto wakhtigii loo yiqiinay Soomaalida Talyaaniga iyo Soomaalida Ingriiska amaba ka fog.

Sidaas darteed walaalayaal idinkaa maanta haya qalinka iyo bogga ay soomaalidu maalin waliba

akhriso, waxaan idinka dalbayaa inaad bog cusub u furtaan Taariikhda Midnimadda Soomaaliya,

Waxaana ku bilaabeynaa in aan weydiino: Sidee Ku Midowday Soomaaliya, Yaa u Xil-Saarnaa ??

Waxaan rajeynayaa ilaa Bisha June dhexdeeda inay soo dhameystirmaan magacyadii Guddiga &

Wareysiyo halgamayaal soomaaliyeed ee nool, si barnaamijka xuska sanadkaan ay uga muuqato

muuqato inaan xoojinay taariikhda midnimadda, ayna muqadas tahay inaan ilaalino – difaacno.

Guddiga Mideynta Soomaaliya oo ka kooban (18 Mudane ) waxaan horey u soo qadimay:-

1) = Mudane Aaden Cabdulle Cismaan Daar                           Gudoomiye.

2) = Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf                             Gudoomiye ku-xigeen.

3) = Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal                         Xog – haye.

Waxaan anigu ururinta magacyadaas uga qayb galayaa magca afaraad oo ah:-

4) = Mudane Garaad Cali Garaad Jaamac                                 Xubin.

Waxaan qornay (4) magac, waxaana harsan (14) magac oo ah dad aan si fiican u wada naqaan .

Hadaba qoladiina war-baahintu bal markaan aan aragno doorkiina, iyo sida aad xil isaga saartaan

howshaan oo lagu tilmaami karo waajib idinka saran dalkiina iyo dadkiina ( Shaqo Qaran ).

Magacyadaan guddiga oo dhamaantood la hayo in la isla raadiyo waxaa ku jira in dad badan oo

Ka mid ah halgamaagii soomaaliyeed, ama soo gaaray intuu socday halganku la wareysto lagana

Qoro ama duubo waxii taariikh ah ee aan laheyn, waana wax maalinba maalinta ka dambeysa sii

fogaanaya, loogana baahi badanayo jiilba jiilkuu ka dambeeyo.

Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed waa in loo qoryo gurtaa, qoyaheeduna waa taariikhdeeda.

Waxaan shaki ku jirin in burburka nagu dhacay uu khasaare naf iyo maalba geystay, laakiin hadii

reerku dago oo geediga la furo dadka nool ee soo haray oo mooda inay samata baxeen waa naafo

maskaxeed, waxaana u muuqda wixii shalay dhacay daawadoodana waa taariikhdooda.

Xooggeena berri aayaha dalkeenu waa ubadkeena maanta, waa lama huraan inay helaan raad meel

fog ka yimid oo iyaga soo gala, si ay indhaha ugu hayaan hortooda – hareertooda- hoostooda!!!!

Walaalayaal intiina akhrisaneysa maqaalkaan iga raali ahaada, waan idinku dheereeyey hadalkii oo

Waan ku cusboonaaday qoriinka, ama waan ku macangagay taariikhda, baylah baa ii muuqatay iyo

Bahalada oo badan, dal ayaan daran, berri bay si un noqon, illaahow na samatabixi.             Aamiin

Towfiiqda Allaha na Waafajiyo Mr. Cabdullaahi X. Bashiir Ismaaciil

Tel=+971553230561 Shj-U.A.E. e-mail ( ahbismail@yahoo.com

 

FG: Noo Soo Dir Maqaaalkaaga, faaladaada, Iyo aragtidaadaba  Somalivoice Waxay tixgalinaysaa fekerka qofkasta Oo soomaaliya