Bangladesh

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Bangladhesh ama Jamhuuriyadda shacabka Bangladesh (af-Bangali: বাংলাদেশ. waa wadan ku yaalo Koonfurta Aasiya. wadanka markiisa hore waxaa ladhihi jiray Baribakistaan waxii kahoreeyay 1971. wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadanka Hindiya oo ka xigta galbeedka,waqooyiga iyo bariga, wadanka Burma waxoo ka xigaa bariga, koonfuta neh waxaa ka xiga Badweynta Hindiya.

Bangladhesh waxa ay xoriyada ka qaadatay dalka Bakistaan sanadku markuu aha 1971, ka dib dagaal dheer oo ay wadeen kooxda goolwadayaasha Bangladhesh. Bangladhesh waa wadan dhaqaale ahaan aad u liita waxaa jira dadyoow ka soo jeeda wadankan oo ku firdhamay aduunka. Dalka Jamhuuriyada Bangladhesh waxa uu kamid yahay dalalka ku yaala qaarada Asiya waxana uu xuduud la wadaaga dalalka ay kamid yihiin Hindiya, Burma iyo Nabal. Dhinaca koonfureedna waxa uu xuuduud kala wadaaga Badwaynta Hindiya. Waana mid kamid ah wadamada la yidhaa koonfur bari Asiya.Caasimadda dalka Bangladhesh waxa la yidhaa Dhaka, .

Bedka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dhulka uu ku fadhiyo dalka Bangladesh waa 55,598.71 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 144,000.00 oo (kiilimirir laba jibaaran). Bangladesh waxa uu ku dhowyahay bedka gobolka (Wisconsin) ee dalka Maraykanka.

Dadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dadka reer Bangladesh waxa ay tiradoodu kor u dhaafataa 158-milyan oo ruux, waana tirakbookii laqaaday sanadkii 2010-kii.

Afka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa ugu horeysa luuqada maxaliga ah ee Bangla waxana soo raacda luuqada ingiiska oo ah afka dalkii gacanta ku hayay Bangladesh xiligii gumaysiga. Diinta:Diimaha laga aaminsan yahay gudaha dalka Bangladesh waxa ugu badan dadka haysta diinta Islaamka oo gaadhaya 83%, halka diinta Hinduugu ay dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba 16%, dadka soo hadhayna waxa ay hasytaan diimo kale. Cimriga: Rajada nolosha ee dadka ku dhaqan dalka Bangladesh ayaa waxa ay celcilis ahaan gaadhaan 60-sano oo ragg iyo dumarba ah.

Dawlada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dawladda dalka Bangladesh waa dowlad Baarlamaani ah (parliamentary democracy). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo dalka waxa la yidhaa taka (Tk).

Warshadaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dalka Jamhuuriyada Bangladesh waxa uu hodan ku yahay warshadaha waxana kamid ah waxayaabaha ay soo saaraan warshadadaha ku yaal Bangladesh, dharka, waraaqaaha, sonkorta, cudbiga, sibidhka, laydhka iyo qayb kamid ah Technolig-yada.

Beeraha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

beeraha waxa si balaadhan looga beeraa midho badan oo uu ugu horeeyo geedka caanka ka ah qaarada Eshiya ee Bariiska. Waxa kale oo ka baxa beeraha dalka Bangladesh Shaaha, Qamadiga, Sonkor- khaanka, Tubaakada, khudrada, iyo saliida.

Xoolaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

waxa laga dhaqdaa dalka Bangladesh xoolo kala duwan waxana jira goobo lagu xaananeeyo digaaga. Dhulka la istimcaalo ee dalka Bangladesh waa boqolkiiba 73% kamid ah cabirka guud ee dalka.

Khayraadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

khayraadka dabiiciga ah ee Bangladesh Gaaska dabiiciga ah, Geedka  timber-ka iyo dhuxul dhagaxda.