Turkiga

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Jamhuuriyadda Turkiga
Türkiye Cumhuriyeti
Republic of Turkey
الجمهورية التركية
Hal ku dheg: Egemenlik, kayıtsız şartsız Milletindir,[1] "Sovereignty unconditionally belongs to the Nation"
Heesta qaranka: İstiklal Marşı, "Independence March"
Magaalo madax Ankara
39°55′N 32°50′E / 39.917°N 32.833°E / 39.917; 32.833
Magaalada uguwayn Istanbuul
41°1′N 28°57′E / 41.017°N 28.95°E / 41.017; 28.95
Luqadaha rasmiga ah Af-Turki
Qaybaha qoomiyedaha ([2])
  • 70–75% Turki
  •     18% Kurdi
  •  7–12% qaybo kale
Dadka Turki
Xukunka Dawalad dhexe Baarlamaan Dastuuri Jamhuuriyad
 -  Madaxweyne Cabdalla Guul
 -  Ra'iisul wasaare Rajab Dayib Erdogaan
 -  Gudoomiyaha baarlamaanka Cemil Çiçek
 -  Gudoomiyaha maxkamadda sare Haşim Kılıç
Sharci dejinta Baarlamaanka Turkiga
Ka timid mid ka mid ah Imbaraatooriyadii cusmaaniyiinta
 -  Heshiiskii Lusaan 24 Luulyo 1923 
 -  Ku dhwaaqista Jamhuuriyad 29 Oktoobar 1923 
Baaxad
 -  Guud ahaan 783,562 km2 (37th)
302,535 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.3
Tirada dadka
 -  2013 Qiyaasta 75,627,384[3] (18th)
 -  Tiro-badni 97/km2 (108th)
239.8/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2012 Qiyaastii
 -  Guud ahaan $1.358 trilyan[4][5] (15th)
 -  Qof qof $18,348[5] (54th)
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2012 estimate
 -  Guud ahaan $789.257 bilyan[5] (17th)
 -  Calaa qof $10,666[5] (64nd)
Qaybsiga (2010) negative increase 40.0[6] (medium / 58th)
Kobaca (2013) Green Arrow Up Darker.svg 0.722 (high / 90th)
Lacagta Turkish liraa (TRY)
Waqtiga EET (UTC+2)
 -  Xagaa (DST) EEST (UTC+3)
Taariikhda dd/mm/yyyy (AD)
Wadista Baabuurta right
Furaha telka 90
Furaha Internetka .tr

Turkiga (Af-Turki Türkiye) wadanka Turkigu waa wadan aad u balaadhan waxa uu ku kala yaala labad qaaradood ee Aasiya iyo Yurub wadanka Turkigu waxa uu xuduud la leeyhay Joorjiya, Iran, Armiiniya, Azrabijan dhinaca bari dhinaca koonfur waxa uu xuduud kala leeyahay dalalka, Ciraaq Suuriya iyo bada dhexe dhinaca galbeed waxaa ka xiga wadan giriiga iyo wadanka Bulgaariya iyo bada loo yaqaano eeje, dhina waqooyi waxaa ka xiga bada madaw,waxa uu ahaa turkigu mid ay maa musho dawladii cismaaniyuuntu ilaa 1922 markaas oo la sameeyay dawladan turkiga ee aynu manta naqaano, dawladaas oo uu sameeyay ninkii la odhan jiray Mustafa Kemal Atatürki


Magaca Turkiya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaca Turkiya waxa uu kasoo jeedaa laba kalmadood oo laysisaaray oo kala ah kalmada Turk oo ah kalmada tilmaamaysa shacab waynaha Turkiga iyo kalmada iye oo ka hadlaysa wexeenaa markaa magacu macna ahaan waxa uu noqonayaa Turkiyadeenii.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wadanka Turkiga intii kahoraysay sanadkii 1922 waxaa maamulaysa Dawlada Cosmaniya. Kadib markii ay bur burtay Dawladii Suluuqiyiinta waxa samaysamay Dawladi Sismaaniyiinta.

Dawladii Cismaniya iyo Sidii ay ku abuurantay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wagas oo hee layeela soo dhmays tiira am

Asalkoodii iyo dawladaasii siday ku abuurantay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waxa ay kasoojeedeen cismaaniyiintu.. qabiilada.oogooz.oo ah qabiilo kamid ahayd qawmiyada Turkumaanka waxa ay daganaayeen wadanka mangooliyakadib markii ay mangooliyiintu dhibaato u gyastayn waxa ay u yaaceen xagaas iyo Turkiga waxa ay degeen meesha lagu magacaabo.betyeeniya.oo ku taalaa deegaanka anaadool.ee wadanka Turkiga.waxa ay ahyad xiligii suldaan cismaan ardaqal. ama cusmaankii koobaad.markii u horaysay cismaaniyiintu waxa ay lugohooda dhigeen.dhulka looyaqaano bolkaniska.ee katirsan bariga yurub.cismaaniyiintu waxa ay aad usii fideen kadib markii uu dhacay dagaalkii ka dhacay goobta looyaqaano.nikobolis oo dhacay sanadii 1389.intaa kadib waxa dhacay dhawr jeer in ay jabaan.laakiin markiidanbe waxa ay lasoonoqdeen haybadoofdii iyo awoodoodii.waxayna aad u xoogaysteen xiligii.muraadkii labaad.oo ahayd.1421-1451.kadib waxa cyimi suldaan maxamed alfaatix.oo awooday in uu qabsado giriiga 1453.

sobixitankii.reer.cusmaan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

kadib markii uu dhintay arduqal.waxa dhacday in wiilkiisa cismaan halkiisii loomagacaabay.cismaan ibnu ardoqalna waxa uu dhashay.1258.waxaanuu ahaa aasaaskii dawladan.waxa uu kasoojeeday qabiilada qay.awoowgii oo la odhanjiray suliman shaah ayaa waxa uu soo haajiray xagaas iyo.turkiga.waxaanuu dagay turkiga.maadaama oo uu ahaa cusmaan nin hogaaminaya qabeelo dhan markii uu yimi wadanka turkiga waxa ay sifiican isufahmeen cidii markaas halkaas katalinaysay.kadib waxa ay saaxiibtinimo wanaagsani dhex martay isaga iyo calaa adiin.oo ahaa odaygii ama hogaankii halkaas.

kadib calaa waxa uu suldaan cismaan siiyay.calan cad.oo ahaa calaamd lagu garto raga madaxda ah.

waxa kale oo uu siiyay.magaca ama naanaysta (bik) laga bilaabo 1289.waxa kale oo uu amray in lacagta lagusoo qoro magaciisaa.waxa kale oo uu u magacaabay hogaamiye qaybkamida ciidamadiisa.


Bilawgii cismaaniyiinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

suldaankii cismaaniyiinta ugu horeeyay waxa uu ku dhashay magaalada (Sogüt) oo ah meel laga maamulo magaalada wayn ee (bin shahiir)sanadii 1258 kadib markii uu dhintay uldaankii halkaas xukumayay ayaa suldaan cismaan loo dooratay in uu noqdo hogaamiye.taasina waxa ya horseeday in ay bilaabmato dawldii cismaniyiintu.waxa uu suldaan cismaan samaystay dawlad adag iyo ciidan aad u awood badan.waxa uu baabiyiyay oo uu gacanta ku dhigay.dawldii giriiga.kadib dawladiisi waxa ay gaadhay dhul aad u balaadhan.oo ay kamid tahay Soomaaliya.cismaaniyuuntu waxa ay islaamka gaadhsiiyiin.badhtamaha yurub.

Rayasalwasaaraha Xiligan ee Turiga Rajab Diyip Ordugan

Fiditaankii dawlada cismaniyada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wxa looqaybinkaraa fiditaankii iuyo taariikhdii cismaaniyiinta laba qaybood. qaybta hore waxa ay tahay xilgii horumarka iyo awooda milatari taas oo soo gaadhsiisnayd sanadii 1566 iyo taariikh kale oo ay dawladaasi soo martay xiliyo adag iyo dhibaato siyaasadeed waxaanay soo gaadhsiisanayd sanadii 1683.

Xiligii horumarka iyo awooda (1453–1566)[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Kadib markii uu dhintay suldaan maxamed al-faatex waxa xukunka kumurmay labada wiil ee uu katagay laakiin waxa adkaaaday oo loodoortay boqor boqorka la odhan jiray baayasiid oo ahaa wiil uu katay maxamed al-faatex. kadib walaalkii waxa uu u cararay dhankaas iyo masar halkaas oo uu kaalmo karaadsaday dawladii katalinjiratay masar xiligaas ee Dawladii Mamaaliikta kadib halkaas wuu katagay oo waxa uu aaday dhanka jsiirada Rodes halkaas oo uu iskudayay in uu gacansiiyo ciidamdii hogaamiye diimeedka (Knights Hospitaller) iyo dawladaha reer galbeedka

Taariikhda Turkiga iyo Giriiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Taariikhdu culays miisaan ayey saartaa xiriirka u dhexeeya Giriigga iyo Turkiga. Giriiggu wuxuu qeyb ka ahaa boqortooyadii Cuthmaaniyiinta, taasoo uu Turkigu laf-dhabar u ahaa markii uu ku dhawaaqay madax bannaanidiisa qarnigii 19-aad.

Dagaalkii Giriigga iyo Turkiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ciidamadii Turkigu waxay la dagaallameen ciidamada Giriigga ee markaas haystay si ay halkaasi uga soo baxdo Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1920-kii.

Ilaa tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay waxay u muuqatay in labada waddan ciidamadoodu ay isku dhici karaan. Laakiin, hadda dad aad u tiro yar ayaa rumaysan in ay waxaasi dhici karaan, xitaa haddii uu kala shaki ku kala dhex jiro labada shacbi.

Dadaalka saaxiibtinnimo

Labada Dawladdadood ee labada dal ee Giriigga iyo Turkigu aad bey u shaqeeyeen si uu mid kasta saaxiibtinnimo uga kasbado midka kale, taasoo weliba sii baahday kaalmadii uu mid kasta siiyey midka kale markii ay dhul-gariirradu ka dheceen halkaasi sannadkii 1999.

Laakiin, haddana weli waxaa jira waxooga mushkilado ah. Jasiiradda qeybsan ee Qubrus ayaa hadda ah meesha ay ka soo burqato dhibaatada u dhexeysa labada dal, waxaana jira arrin si weyn la isugu khilaafsan yahay oo ah jawiga iyo xuquuqda dhul ee badda Aegean-ka taasoo kala qeybisa labada dal, laakiin haddana diblomaasiyiinta labada dal aad bey ugu rajo weyn yihiin kulankooda soo socda.

Rabitaanka Turkiga

Ganacsiga, rabitaanka Turkiga uu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub, iyo mustaqbalka Qubrus kaddib markii bishii hore lagu guul-darreystay aftidii lagu mideyn lahaa, ayaa waxaa laga yaabaa in ay ugu waaweyn yihiin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.

Khilaafka xaggee buu ka imaan karaa?

Qeyb rasmi ah oo ka mid ah booqashada ayaa laga yaabaa in la isku khilaafo. Maalinta Sabtida ah ee soo socota, Mr Erdogan, ayaa Thrace ku booqan doona Bariga Giriigga, meeshasina waxaa deggan ilaa boqol kun oo shacab ah oo ku hadla afka Turkiga, kuwaasoo ka soo haray shacabkii la is-weydaarsaday sannadkii 1920-kii. Qaar badan oo ka mid ah kuwaasi waxay ku baaqaan in la aqoonsado sugnaantooda Turkinnimo, taasoo ay iska diiddo Dawladda Giriigga.


Deegaanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Turkiya waxa ay ka koobantahay labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya laakiin intabadan dhulka wadanka yurkigu waxa uu kuyaalaa qaarada Aasiya. wadanka Turkiya wqaxa uu kufiadhiyaa dhula gaadhaya ilaa 783,562 oo iskuweera

Tirada Dadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Markii ugu horaysay ee tirakoob lagusameeyaa waxa ay ahayd sanadkii 2009 markaas oo ay dadku noqdeen ilaa 67,803,927

Diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Turkigu waa dawlad cilmaaniya mana jirto diin rasmiya oo dawladu ay raacdo.sidoo kale dastuurka Turkigu waxa uu dhigayaa in qofwaliba diinta uu doono uu qaadan karo inta badan daadka turkigu waxa ay haystaan diinta islaamka 99% kiiba.


Ciidamada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

waxa ay turkiya ururka nATo ku biirtay 1952
F35A Prototyp AA1 2.jpg

Ciidamada wadanka turkiya waxa ay ka koobanyihiin ciidamada cirka Dhulka iyo badda.xiliga nabada waxa lagutilmaamaa in ay hoos yimaadsaan wasaarada aramiha gudaha. Intaa waxaa dheer ciidamada booliska iyo jandarmaariga oo xiliga dagaalkana waxa ay hoostagaan wasaarada difaaca,ciidamada Turkigu waa ciidanka labaad ee kujira Gaashaanbuurta NATO marka maraykanka lagayimaado.ciidamada turkiga waxaa laguqiyaasaa in kabadan hal milyan iyo badh.qofkasta oo turkiya waxa qasab ku ah in uu soo maro adeega ciidanimo sadex todobaad ilaa 18 bilood.

Magaalooyinka Wawayn[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wadanka turkigu waxa uu leeyahay magaalooyin aad u waawayn sida magaalda istanbuul oo ah mid kamida magaalooyinka caalmka ugu waawayn. waxa kale oo ah iyana magaalo aad iyo aad u wayn caasimada wadanka waa magaalda Ankarah.waxa kale oo jira magaalooyin badan oo kamida wadanka turkiga laguna tiro in aya yihiin qaar kamida kuwa caalamka ugu waawayn.



Luqada Turkiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

laqada Turkiga waa mid kamida luqadaha turkiga ee looyaqaano in ay yihiin amaba kasoo jeedaan bah luqeedaka looyaqaano Altis intii ka horaysay waxa afka turkiga lagu qorui jiray farta carabiga.waxaana luqadaas u badanaa kalmado kasoo jeeda Faaris iyo carabi.laakiin Jamhuuriyiintii talada lawareegtay ee uu madaxda u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, ayaa kadanbeeyay in afka Turkiga lagu qoro farta laatiinka ah ee maanta loo isticmaalo.daadka kuhadla luqada turkiga waxa lagu qiyaasaa ilaa 130 milyan oo qof oo kukal nool in kabadan ilaa 15 wadan.


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki

Linkiga Caddaynta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Motto". Gov.tr. 23 February 2013. http://www.tbmm.gov.tr/kultursanat/milli_egemenlik.htm. Retrieved 23 February 2013.
  2. "Turkey". The World Factbook. https://www.cia.gov/library/publications/the-world-factbook/geos/tu.html. Retrieved 9 February 2013.
  3. Turkstat
  4. OECD Data GDP, US $, current prices, current PPPs, millions, OECD. Retrieved 12 August 2013.
  5. 5.0 5.1 5.2 5.3 The World Bank: World Development Indicators Database. Turkey Last revised on 12 August 2013.
  6. "Gini Index". World Bank. http://data.worldbank.org/indicator/SI.POV.GINI/. Retrieved 2 March 2011.