Holland

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 52°19′N 5°33′E / 52.317°N 5.55°E / 52.317; 5.55

(SO) Boqortooyada Holland
(NL) Koninkrijk der Nederlanden
Calanka Holland Astaannta Qaranka ee Holland
Calan Astaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Het Wilhehvjvjhvjvjlmus
Location of Holland
Caasimada Amistardam
Luuqada(ha) Looga hadlo Nederlands, Fries
 -  Boqortooyo Willem-Alexander
 -  Ra'iisul wasaare Mark Rutte
Ka xoroobey
 -  Taariikhda 1581 
Area
 -  Total 41,848 km2 km² 
16,158 sq mi sq mi 
 -  Biyo (%) 18.41
Cadadka Dadka
 -  2011 qiyaas 16,641,100 2 
Lacagta EURO
Wakhtiga waqtiga yurub +1 

Holland ama Boqortooyada Holland, waa wadan ku yaala waqooyi Galbeed ee qaarada Yurub, waxaa ku nool in kabadan 16 milyan oo qof ,caasimada wadanku waa Amistardam, xarunta wadanka looga taliyo waa Den Haag magaalooyinka ugu waa weyn waxaa ka mida magaalada Rotterdam oo ah caasimada labaad ahna Dekeda ugu weyn ee Yurub, waa boqortooyo baarlamaani ah oo dimuquraadi ah wadanka waxaa gacanta ku haysa boqorada oo magaceedu yahay Beatrix, Ra'iisulwasaaraha waa Mark Rutte holand waxaa lagu naanaysaa dhulka hooseeya inta badan dhulka holand waxa uu ka hooseeyaa bada holan waxa ay ka koobantahay 12 gobol holland waxa ay ku fadhidaa dhul le'eg ama qiyas tiisu tahay 14,526 km isku wareeg ah. tirada dadk awaxaa lagu qiyaasaa 16,135,992 ruux lacagta holland isticmaashaa waa yuuro holand waxa ay ka horaysaa wakhtiga ama saacada caalimiga ah hal saac sumada gaadiidka holland waa NL, sumada intenatku waa NL. Holland waxa ay xuduud la leedahy wadamada Beljimka iyo Jarmalka dhinaca waqooyi waxa ay xuduud kala leedahay bada holland waa dawlad ka mida midawga yurub.

Halka uu magacukayimi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaca Holland waxa uu kasoo jeedaa mandaqada amaba gobolka galbeed ee wadanka nederland halkaasaas oo mudo aad udheer ahayd goob ganacsi hadana waxa ay u qaybsantahay labada gobol ee Noord Holland iyo Zuid Holland markaas dhamaan wadamada iyo shirkadaha ay nederland ganacsiga la lahayd waxa ay imanjireen labadan gobol iyaga oo magaca holland gaadhsiiyay dibada sidaasaanuu magaca holland kubaxay. laakiin magaca rasmiga ah ee ay isticmaasho dawlada Holland waa "Nederland"

Juquraafi ahaan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Bedka holand waxa uu gaadhayaa 401.7/km2 oo isku wareeg ah.Holland waxa ay kakoobantay 12 gobol. wadanka Holand malaha wax buuraa waa dhul banaan oo iskusiman, markastana roobku wuu kada'aa wadanka holand xiliga kulaylaha malaha amaba kulaylku magaadho meel aad udaran. xiliga qaboobahana aad uma qaboobaadao sababtu waxa ay tahay. bada waqooyi oo dhanka galbeed kaga taala wadanka Hollnad ayaa waxa ay gedidaa dhamaan cimilada wadanka.

Boqorka Holland Willem-Alexander

Dadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadanka Holand waxa uu kamidyahay wadamada caalamka ugu cidhiidhiga badan dhanka dadka dadka kunoolina waxa ay gaadhayaan 16 milyan oo qof.halka bedka wadanka holand uu dhanyahay 41 kun oo kilo mitir oo isku wareeg ah. Holand waxaa kunool dad aad iyo aad u badan oo ajaanib ah.Holanad waxa ay kamid tahay wadamada yurub ugu badan dhanka dhalashada.meelaha dadku ay sida aadka ah ugunoolyihiin waxa kamida magaalooyinka waawayn sida Rotterdam Amistardam Den Haag iyo Magaalada Utrecht.

Ciyaaraha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Holland waa mid kamida wadamada caalamka ugu ciyaaraha badan.ama ugu hormarsan dhanka ciyaaraha.ciyaaraha sida aadka ah looga xiisiiyo wadanka Holland waxa kamida ciyaarta Kubadda Cagta.wadanka Holland waxa uu helay kaalinta labaad koobkii caalamka kubada cagta ee ugu danbeeyay ee 2010, Horyaalka holand waxa uu kamidyahay horyaalada kubada cagta ee Yurub kuwa ugu horeeya waxakale oo wadanka holand laga xiiseeyaa ciyaraha barafka laguciyaaro.sida la ogyahay wadanka Holland waxa uu kamadanbaysta koobka caalmaka ee kubada cagta isusoo taagay sadex jeero oo uu sadexda jeerba khasaaray waxaanay ahaayeen sanadihii.1974-1978 iyo 2010.

Luqada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Af Hollandeeska ayaa ah luqada rasmiga ah ee Holland lagaga hadlo waxa kale oo lagaga hadlaa luqada Frieska oo lagaga hadlo gobolka Friesland

Diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

%81 dadka kunool Holland waa kaatoolig, %11 na waa borotistan, %6 waa Islaam waxa Holland kunool dad aad ubad oo waxdiinaba aan rumaysnayn.


Soomaalida ku nool[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

waxaa ku nool soomaali lagu qiyaaso 26,000 oo qof.

Xarunta tareenada ee uguwayn Amstardam

Gobolada Nederland[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobol Caasimad Magaalada ugu weyn
Drenthe Assen Assen
Flevoland Lelystad Almere
Groningen Groningen Groningen
Koofurta Holland Den Haag Rotterdam
Limburg Maastricht Maastricht
Gelderland Arnhem Nijmegen
Overijssel Zwolle Enschede
Utrecht Utrecht Utrecht
Friesland Leeuwarden Leeuwarden
Zeeland Middelburg Middelburg
Waqooyiga Brabant Den Bosch Eindhoven
Waqooyiga Holland Haarlem Amsterdam

Ddaka iyo dhulka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Holland waamid kamida wadmada caalamka ugu cidhiidhga badan waxa kunool dad gaadhaya ilaa 16 milyan oo qof

Ciidaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Ciida sanadka cusub
  • Maalinta dhalashada boqorada 30 april
  • Malinta xuska halgamayaashii 4 may
  • Maalinta xoraynta 5 may
  • Jimciha muragada

Waxsoosaarka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waxsoosaarka dhanka warshadaha ayaa ah afrmeelood oo meel dhaqaalaha soogala wadanka Holland. wadanka Holland waxa kuyaala shirkido badan oo caalamiya waxa kamida shirkadaha Holanad kuyaala shirkada soosaarta waxyaabaha koranta kushaqeeya ee looyaqaano Filibs.

Dekeda Rotterdam

Taariikhda fog[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wadamada Holland iyo Wadanka Biljam waxa ay gacanta u galeen caa'ilada looyaqaanay Habsburg sanadii 1477 Wadamda Holland Beljim iyo Luksemburg ayaa intaas kadib waxa ay kumidoobayn magaca:dhulka hooseeya ama Holland sanadii 1579.taas oo ahayd in ay wadamadani kamid ahaayeen boqortooyadii isbayn.waxaana looyaqaanay gobolda waqooyi ee boqortooyada isbayn. waxaana xukumayay reerka looyaqaanay Habsburg.kadib waxa la aasaasay jamhuuriyadii dhulka hooseeya taas oo loogu magac daray ka hoosaynta ay bada kahooseeyaan in badan oo kamida wadanka Holland.kadib jamhuuriyaadisi waxa ay kabaxday boqortooyadii isbayn sanadii 1581,kadib markii in badan uu khilaaf jiray waxa ay Hooland si rasmi ah u madax banaanaatay sanadii 1648.kadib intaas wadanku waxa uu soomaray casri dahabiya dhan dhaqaale iyo dhan suugaaneedba, ilaa iminka Holland waxaa looga yaqaanaa in qarnigii 17aad uu ahaa qarnigii dahabiga ahaa ee soomaray wadanka Holland. Xiligaas Holland waxa ay kamid noqotay wadamada waawayn waxa ay gaadhay qaradaha caalamka oodhan dhaqaalaha Holand waxa uu ahaa mid kamida Dhaqaalayaasha caalamka uguwaynaa xiligaas.

Warbaahinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Holland waxaa kasoobaxa in kabadan 45 wargays oo maalinle ah. wargaysyadaa ka uguwayn waxa lagu magacaabaa Telgaraaf

Idaacada iyo TVga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Idaacada iyo TVga waxa maamula oo gacnta kuhaya dawlada.waxa jira sideed shirkadood oo soodiyaariya dhamaan barnaamijyada kabaxa idaacada iyo TV ga


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki