Gobolada Isku Tegay ee Ameerika

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 40°43′N 74°00′W / 40.717°N 74°W / 40.717; -74

Kani waa maqaal ku saabsan wadanka Maraykanka, qoraalo kale fiiri Maraykan
Boga Mareykanka waxaa laga soo toosiyay halkan.
Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
United States of America
Calanka Mareykan Astaannta Qaranka ee Mareykan
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Ameerika
Location of Mareykan
Caasimada Washington
Luuqada(ha) Looga hadlo Ingiriis
 -  Madaxweyne Barack Xuseyn Obama
 -  madaxweyne ku xigeen Joe Biden
 -  Biyo (%) 6.76
Cadadka Dadka
 -  2010 qiyaas 309,075,000 
Lacagta Dollar
Wakhtiga UTC 


Mareykanka (Af-Ingiriis: United States of America, loo soo gaabiyo U.S.A; Gobolada Isku Tegay ee Ameerika; carabi: الولايات المتحدة) waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana bartamaha Waqooyiga Ameerika. Waxay ka koobantahay 49 gobol iyo Degmada Kolombia, (D.C. ama "District of Colombia"), oo ah magaalo-madaxda wadanka iyo xarunta dowlada wadanka. Waxaa ka xiga dhanka waqooyi Kanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika.
Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka n xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah. Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Dollarka Mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.

Wadanka Mareykanka wuxuu xonimadiisa ka helay gumeestihii Boqortooyadii Ingiriiska sanadka marka oo ahaa 1776ii, wakhtigaasi oo Mareykanku ka koobnaa 13gabol oo ku yaalay dhinaca bariga ee dalkaas. Wadanka waxoo balaaraday bilaawgii 1800meeyadii, waxoona gobolo ka qabsaday wadamada Faransiiska, Isbaanishka, Ingriiska, Maksiko iyo Ruushka, waxoona ku sii darsaday labada gobol oo markaas ahaa jamhuuriyado, Teksas iyo jasiirada Hawaay. Khilaafkii ka dhashtay Gobolada Koonfurta iyo woqooyiga oo markaas ku murmaayay xukunka gobolada iyo dhinaca adoomada waxoo sababay dagaalkii sokeeyay oo dhacay sanadka marka oo ahaa 1860meeyadii. Gobolada woqooyiga ayaa ku guuleestay in ee wadanka mideeyaan isla markaaas neh oo joogsaday adoonsiga. Dagaalkii mareykanka iyo spania iyo dagaalkii aduunka kii labaad, militariga mareykanka waxaa lagu gartay in oo yahay kan ugu awooda badan aduunka.dhamaadkii Dagaalkii aduunka kii 2aadm, waxoo wadanka mareykanka ahaa wadanka kaliya oo watay bombada halista ah ee looyaqaan atombomb.Marka ee dhacday xukunkii soviet union 1991kii , wadanka mareykanka waxoo ku soo baxay wadanka kaliya oo ugu awooda ween aduunka.

Dagaalkii Sokeeyay ee Mareykanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Bartamihii Qarniga sagaal iyo tobnaad ayaa waxaa ka dhex qarxay dagaal Sokeeye oo ka dhaxeeye gobolada Mareykanka, Halkaas oo Kow iyo toban(11) Gobol oo hogaaminaayay Jefrison Deevis sheegteen in ay ka go'ayaan gobolada kale ee mareekanka. Waxeyna aasaasteen Gobolada Konfodaraaliga ee Mareykanka, Sidoo kale waxey ku dhawaaqeyn dagaal ka dhan Mareykanka.
Xilligii doorashada guud ee Madaxtinimada Mareykanka sanadku markuu ahaay 1860 ayaa Xizbiga Jamhuuriga olole ka dhan ah bilaabay balaarinta adoonsiga meel ka baxsan Mareykanka. Arinkaas oo keentay in ay ku guuleeystaan Xizbiga Jamhuuriga doorashada.

Madaxweynihii ku guuleystay xilligaas Abraham Linkolon intuusan fariisan xafiiska 4 tii maarso 1861 ayaa todobo gobol iclaamiyeyn in ay ka go'ayaan mareynka taas oo ay kasoo horjeesteen maamulkii markaas jiray iyo kii hore waxeyna u arkeen fal jabhadnimo. waxaana bilawday dagaalkii 12 Abriil 1861 kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xoogagii Konfadaraaliga ahaay Fariisin Ciidan oo ay laheyd Mareykanka ooo lagu magacaabi jiray Foorto Somatir ee ku taalay gobolka koraliina koonfurtiisa, Ayadoo arinkaas laga jawaabayo ayuu madaxweyne Linkolon ku baaqay in la sameeyo ciidan mutadawac ah gobol kasta, taas oo keentay in afar gobol kale ay ayagane sheegtaan gooni istaag.
Labadii dhinac waxoo mid kastaba u diyaar garoway dagaal halkaas oo qabsaday mareykanka gobolada xadka kuyaal waxoona xayiraad saaray dhinaca bada Sebtember 1962, Linkolon waxuu ku baaqay in la xarooyo dhamaan dadkii la adoonsanayay kaas oo soo gabagabeeyay dagaalkii adoonsiga ee qeybta koonfurta.

Sidoo kale hogaamiyihii konfadaraaliga Roberto Ii Lii waxow awood u yeeshay inuu guulo ka keeno dagaalo ka dhacay dhinaca Bariga, Laakin sanadii 1863 uma aysan suura galin inuu kusii socda dhankii waqooyiga kadib dagaaalkii Jitesbergi. dhankale Mareykankagdhhggdh waxey ku siqeyn dhanka galbeedka ayagoo qabsaday wabiga Missisibi kadib dagaalkii Fikesberg.


Naatiijadii Dagaalkii sokeeye
Dhamaan dadkii adoomada ahaay oo ay heesteen goboladii konfidereytka waa la xarooyay ayadoo ay ku guuleysteyn kuwii kasoo horjeeday goooni ugoosadka konfidereytka sanadii 1865 dagaalka waxuu dhib dhaliyay 1 milyan oo dhibane (3% dadka mareykanka) taas oo ay ku jirtay 620,000 oo dhimashada askarta ah. Ayadoo 4 Milyan oo dad madow la adoonsado la xoreeyay.

Juquraafi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wadanka mareykanka waa wadanka 3aad oo ugu weyn aduunka, waxoo ku xigaa Ruushka iyo Kanada. wadanka mareykanka waxoo xuduudka ugu dheer la leeyahay Dalka Kanada oo ka xiga dhinaca woqooyiga, waxaa ku xiga Meksiko oo ka xigta Koonfurta. Dhinaca bariga waxaa kaga dhegen Badweynta Atlaantik dhinaca Galbeedka neh Badweynta Baasifik.Wadanka Mareykanka waxa uu leeyahay muuqaalo dabiici ah sida: buuro, geedo iyo saxaro kuwaasoo dhaca koonfur galbeed.

Jawiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Maadaama oo wadanka weyn yahay, wadanka mareykanka waxoo leeyahay jawi aad u kala duwan. Dhinaca woqooyiga mareykanka waxoo leeyahy xiliyo isbedel ah oo hawo qaboow iyo baraf oo kadhaco, Koonfurta wadanka waa kuleel oo qorax joogta ah.wadanka maraykanku waxa uu leeyahay jawiyo kalagadisan.

Beeraha iyo xayawaanaadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadanka mareykanka waxoo leeyahay geedo iyo beero kala duwan oo 17000 ka badan oo wadanka mareykanka u gaar ah. Wadanka mareykanka waxoo leeyahay meelo badan oo xayawaanaadka lagu xanaaneeyo. Meesha ugu horeysay aduunka oo Xayawaanaadka lagu xanaaneeyo waxee eheed Yellowstone, waxaa la sameeyay 1872dii, markaas kadib wadanka mareykanka waxaa laga sameeyay 57 meel oo xayawaanaadka lagu xanaaneeyo.


Taariikh kooban


Wadanka Mareykanka wuxuu leeyahay magaalooyin waaweyn waxaana kamid ah magaalooyonkaas New York, Los Angels iyo Las Vegas. Caasimada wadanka waa Washington. Mareykanka waa wadan aad uweyn waan wadanka sadaxaad ee ugu weyn caalamka. Madaxweynaha Mareykanka waa Barack Obama.


DIINTA


Mareykanka(USA) wuxuu leeyahay diimo aad ufaro badan waxaana ugu badan dadka heesto diinta Karishtaanka waxaana qaar ey heestaan diimaha kale sida Yahuuda ayaa labeeso Karishtaanka wexeyna sidoo kale heestaan Islaamka, Hinduuga iyo Buudhistaha.

Magaalooyinka iyo Gobolada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]


Gobolada Wadanka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota


Magaalooyinka Wadanka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Maimi  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Portland  · Philadelpia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]


Dalalka Woqooyiga Ameerika Qaarada Woqooyiga Ameerika
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago ·