Hungaria

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Flag of Hungary.svg
Hungaria

Dalka jamhuuriyada Hungary. Dalka Hurgary waxa uu ku yaalaa bariga qaarada yurub wadamada xuduuda la wadaaga ee ay jaarka yihiin waxa kamid ah dalalka Serbia, Romania, Islofaakiya , Ukrain , Austria iyo Croatia. Caasimada dalka jamhuuriyada Hungarya waxa la yidhaa Budapest waxana ay ku taalaa badhtama jamhuuriyada Hungary dadka ku dhana waxa ay gaadhaan 1milyan iyo lix boqol oo ruux. Bedka jamhuuriyada Hungary waxa lagu qiyaasaa 35,919.08 (mayl laba jibaaran) una dhiganta

93,030.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Qiyaas ahaan baaxada dalka Hungary waxa ay ku dhowday Bedka uu ku fadhiyo gobolka ( Indiana) ee dalka Maraykanka. Dadka ku dhaqan dalka Hungary waxa ay kor u dhaafaan 9milyan iyo sagaal boqol oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010.

juquraafi ahaan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dalka Hungary waxa uu kamid yahay wadamada Yurub ee kujira xaalada hoos u dhaca korodhka dadka waxana la saadaaliyay in dadka reer Hungary ee sanadka 2050 ay hoo ugu dhici doonaan ilaa 7milyan iyo sideed boqol oo ruux, taas oo ka dhigan iyo la waayi doono 2milyan oo kamid ah dada reer Hungary. Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa ugu horeysa luuqada Maxaliga ah ee Hungarian-ka taas oo ay ku hadlaan dad gaadhaya boqolkiiba 98.2%, wadarta luuqadaha kale ee lagaga hadlo dalka Hungary waxa lagu qiyaasaa ilaa boqolkiiba 1.8%. dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Hungary waxa ay gaadhaan boqolkiiba 99.0% taas oo muujinaysa heerka uu dalka Hungary ka gaadhay aqoonta iyo sida uu ula dagaalamay Jahliga. Diimaha laga haysto dalka Hungary waxa kamid ah diinta

Roman Catholiga oo dadka haysta lagu qadaro ilaa boqolkiiba 67.5%, kamid ah dadka Hugarian-ka ah diinta Calvinistiga waxa iyadna haysta dad lagu qiyaaso boqolkiiba 20%, halka diinta Lutheranka ay ka haystaan boqolkiiba 5%, diinta atheist iyo isku gaynta diimah kale dadka haysta waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 7.5%. ragga ku dhaqan dalka Hungary celceliska cimrigoodu waxa uu gaadhaa ilaa 67-sano halka dumarka uu ka gaadho 76-sano.

Qaabka ay u shaqayso Dawladda dalka Hungary waa nidaamka Baarlamaaniga ah

(Government Type parliamentary democracy) lacagta laga isticmaalo dalka waxa la yidhaa

Forint waxana qoraalkeeda loo soo gaabiyaa (Ft).

Warshadaha dalka Hungary waxa lagu farsameeyaa qalabka dhismaha, dunta, kiimikooyinka, Cunto diyaarinta, iyo baabuurta. Sidoo kale warshaha dalka Hurgarya waxa ay badhkood ka shaqeeyaan macdanaysiga. Beeraha dalkana waxa laba beera dalagyo ay kamid yihiin Qabidiga/Sareenka, Galayda, Baradhada, Sonkorta iyo Ubaxa. Dhina xoolahana waxa lagu dhaqdaa dalka Lo’da oo hab caaneed loo isticmaalo iyo Digaaga dhulka la adeegsado ee dalka waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 51% khayraadka dabiiciga ah ee dalka Hungary waxa kamid ah dhuxul dhagaxda, Gaaska dabiiciga ah, Carada beeraha ku wanaagsan ee fur furan nafaqadana leh (fertile soils) iyo bauxite.








Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki