Monako

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 43°44′N 7°25′E / 43.733°N 7.417°E / 43.733; 7.417

Monako
Monako

'Dawlada Monaco. Dalkan Monaco oo dhaca galbeedka jamhuuriyada faransiiska waxa uu kamid yahay wadamda yar yar ee qaarada yurub. Dalkan oo katirsan dhuwaynaha jamhuuriyada Faransiiska ayaa waxa u ku yaalaa jihada galbeed ee dalka Faransiiska gaar ahaan waxa uu galbeed kaga soo jeedaa bada Mediterranean-ka ee ka qaybisa sadexda qaaradood ee Eshiya, Yurub iyo Africa. Dalka Monaco waxa uu xad xaga bariga kala wadaagaa France oo kaliya. Caasimada dalkana waxa layidhaa Monaco-Ville, oo dadka ku dhaqani gaadhaa 965-ruux. Bedka: Baaxada uu dalkani ku fadhiyo ayaa ah mid aad u yar oo lagu qiyaaso 0.75 (mayl laba jibaaran) una dhiganta 1.95 (kiiloo mitir laba jibaaran). Tirada dadka ku dhaqan dalka Monaco waxa lagu sheegay (30,586) waana tirakoobkii la qaaday sanadkiii 2010kii, Sanadka 2050-ka waxa la sheegay in ay dadka Monaco gaadhi doonaan (32,964) ruux. Afka:Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Luuqada faransiiska (French) oo ah luuqada 1aad luuqadaha kale ee lagaga hadlo dalka waxa kamid ah English, Italian iyo Monegasque. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee dalka Monaco waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 99.0% kamid ah tirada dadka ku dhaqan dalka Monaco.

Qoraalka gudaha oo kooban

Diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

diimaha laga aamisan yahay dalka Monaco, waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaa mad-habta Roman Catholic, oo daka reer Monaco ay haystaan boqolkiiba 90%, halka diimaha soo hadhayna ay ay ka haystaan boqolkiiba 10%. Cimriga: Ragga u dhashay dalka Monaco waxa da’doodu gaadhaa 75-sano, halka dumarka reer Monaco ka jiraan83-son. Dawlada: Qaabka ay u shaqayso Dawladda dalka Monaco waa boqortooyo dastuuri ah (Government Type constitutional monarchy).

Lacagta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

lacagta laga isticmaalo dalka Monaco waa lacagta wadamada yurub ee euro (EUR). Warshadhaha: Warshadaha dalka Monaco waxa ay farsameeyaan qalabka dhismaha waxana ay aad uga hawlgalaan soo dhawaynta dalxiisayaasha.

Beeraha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Beeraha dalka Monaco wuu ka madhan yahay wax beero ah waayo majiraan habayaraatee wax dalag ah oo kasoo baxa dhulka Monaco. Sidaa daraadeed majiro dhul laga faa’iidaysto ama la isticmaalo oo uu leeyahay dalka Monaco.

Khayraadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

dalka Monaco sidoo kale malaha waxa khayraad ah oo la tilmaami karo, waxanu dalku kamid yahay wadamada ugu wax soosaarka yar aduunka.




Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki