Latfiya

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 57°00′N 25°00′E / 57°N 25°E / 57; 25

Flag of Latvia.svg

Latfiya waa wadan ku yaalo Woqooyiga Yurub. Wadankaan waxoo xuduud la leeyahay wadamada Estoniya,Lithuaniya, ruushka iyo Belarus. Dalka jamhuuriyada Latvia. Dalka Latvia waxa uu ku yaalaa waqooyiga qaarada yurub. Wadamada la jaarka ahna waxa kamid ah dalalka Ruushka, Belarus iyo Lithuania. Caasimada jamhuuriyada Latvia waxa la yidhaa Riga, waxana ay ku taalaa waqooyiga xeebta gacanka Riga (Gulf of Riga). Waqooyi galbeedna waxa kaga talaa bada loo yaqaan Baltic Sea.

Bedka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Bedka dalka Latvia waxa lagu qiyaasaa 24,937.95 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 64,589.00 oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Bedka dalka Latvia waxa uu ka balaadhan yahay gobolka ( West Virginia) ee dalka Maraykanka.

Dadka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dadka ku dhaqan dalka waxa lagu sheegaa in ay gaadhaan in ka badan 2.2milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Sanadka 2050 waxa la saadaaliyay in ay dadka reer Latvia ay hoos ugu dhici doonaan 1.7milyan oo ruux. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada maxaliga ah ee Latvian-ka oo loogu dhawaaqo (Lettish), iyo luuqadaha Lithuanian, Russian iyo kuwo kale. Aqoonta: Dadka reer Latvia waa dad dhaamaan tood aqoon leh sida lagu shaaciyay tirakoob lagu sameeyay dadka reer Latvia.

Diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Diimaha ay aaminsanyihiina waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Lutheran, Roman Catholic iyo Russian Orthodox-ka.

Cimriga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ragga reer Latvia waxay da’doodu gaadhaa 63-sano, dumarka u dhashay Latvia waxa ay gaadhana 74-sano.

Dawlada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qaabka ay u shaqayso Dawladda Latvia waa nidaamka Baarlamaaniga ah (Government Type parliamentary democracy).

Lacagta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Lacagta laga isticmaalo dalka Latvia waxa la yidhaa Latvian waxanay u qorantaa (LVL).

Warshadaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Warshadaha ka jira dalka jamhuuriyada Latvia waxa lagu farsameeyaa Baabuurta, Dunta, waxa soo saarka beeraha, mashiinada, bacrimiyeyaasha (fertilizers), Raadiyaha, qalabka Korontada, iyo dawooyinka. Beeraha: Beeraha dalkana waxa ka baxa dalagyo ay kamid yihiin sonkorta, baradhada iyo khudaarta. Xoolaha: dalka Latvia waxa laga dhaqdaa qaybo kamid ah xoola nool oo caano ahaan iyo hilib ahaanba loo dhaqdo. Dadka reer Latvia waxa ay sidoo kale dhaqdaan digaaga waxana ay lasoo baxaan kaluunka. Dhulka la isticmaalo ee dalka Latvia waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 27% kamid ah cabirka guud ee bedka dalka. Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah awooda biyaha loogu bedelo korontada ee (hydropower) iyo macdanaha amber, peat, caro macdanaysan iyo dolomite.


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki