Faransiiska

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 47°N 2°E / 47°N 2°E / 47; 2

République française
Faransiiska
Calanka Faransiiska Astaannta Qaranka ee Faransiiska
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Yurub
Location of Faransiiska
Caasimada Paris
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Faransiis
Area
 -  Total 674,843 km² 
 sq mi 
Cadadka Dadka
 -  1 Jan, 2009 qiyaas 65,073,482 
Lacagta Euro

Faransiisk Af-Faransiis Sirasmiya waxaa loogu yeedhaa Af-Faransiis (République française‏) waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub. farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan (Hexagone) oo macneheedu tahay Lix geesood. wadanka farnsiisku waxa uu xuduud la wadaagaa Wadamada Midowga boqortooyada Britan Beljim Luksemburg Jarmalka Iswisarland Talyaaniga Monako Andorra Isbania sida oo kale farnsiisku waxa uu xuduud la wadaaga wadamo kabaxsan qaarada Yurub sida, Barasiil Surinam Nederlaan Antiilis. Farnsiisku waa mid kamida Aasaasayaasha Midawga Yurub.waana wadanka ugu wayn midawga yurub. sidoo kale waxa uu farnsiisku kamid ahaa xubnihii aasaasy Qaramada Midoobay.waxa kale oo kamidyahay xubnaha rigliga ah ee Golaha Maanka inta badan dadka farnsiiska ahi waxa ay haystaan diinta Masiixiyad waxa kunool sidoo kale dad gaadhaya ilaa shan milyan oo haysta diinta Islaamka

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

inta badan dhulka faransiisku waxaa dhulkii ay qabsadeen dadkii lagu magacaabi jiray (Gaule) oo asal ahaan kasoo jeeday meesha looyaqaano katalaaniya.wadanka waxa katalinjirtay ambaradooriyadii roomaanka .kadib xiligii qarnigii 4aad waxaa qabsaday mid kamida qabaa'ilka Jarmaanka.kuwaas oo looyaqaany (Franch).wadnkan maanta looyaqaano farnsiiku waxa uu midoobay markii ugu horaysay sanadii 486.farnsiisku waa wadan leh taariikh aad iyo aad u dheer oo aan lasoo koobi karin.


Taariikhdu waxay qortaa in boqorada Faransiiska soo maray uu ka mid yahay Napolian Bonabert oo dhawr wadan oo Yurub qabsaday

Faransiiska oo ah dalka ugu weyn wadamada ku yaala galbeedka Yurub sidoo kale waa dalka Sadexaad ee Yurub oo dhan ugu weyn dunnidana waxaa uu ka yahay dalka 42,aad ee ugu weyn dhul ahaan.

Caasimada wadanka waa Paris dadka Faransiiska ah waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 67 million oo ruux taasi ayaana keentay in loo aqoonsado inuu yahay dalka 20,aad ee dunnida ugu dadka badan iyo dalka labaad ee Yurub oo dhan ugu dad badan.

Faransiisku waxaa uu ka mid yahay wadamada la yiraahdo awood ayay leeyihiin illaaa qarnigii 19 aadna waxaa uu ka mid ahaa wadamada dunnidaan wax ka gumaystay.

Dalkaan Q,M waxay ku taxgalisaa inuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee ay kasoo baxeen dad taariikh ku leh dhanka cilmiga waxaana dalkaan kasoo jeedaa dad badan oo wax badan hindisay.

Hay’adda UNECSO waxaa ay sheegtay in dalka Faransiis waxay u aqoonsatahay dalka 4,aad ee ugu dhaqanka weyn dunnida taas ayaana sabab u ah in si joogto ah ay dalkaasi u booqdaan oo ay u dalxiis tagaan dad tiradoodu gaarayso 83 million oo ruux.

Lacagta wadanka waa Yuuroo seedka gaadiidku isku dhaafaana waa dhanka midig luuqada wadanka looga hadlana waa Faransiis.

Xagga dhaqaalaha marka aanu eegno Faransiisku waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu waa weyn ee dhaqaalaha leh dalkuna warshado badan ayuu leeyahay.

Sidoo kale dalxiiska ayay dawlada Faransiisku dhaqaalo aan yareyn ka heeshaa.

Xagga ciidamada Faransiiska oo ka mid ah wadamada ku jira ururka gaashaanbuurta NATO dawlada Faransa waxay ka mid tahay dawladaha dhaqaalaha badan ku bixiya dhanka ciidamada sidoo kalena dawlada Faransiisku waxay xubin ka tahay 15 xubnood ee golaha amaanka iyo ururka midawga Yurub ururka ganacsiga adduunka ee WTO iyo booliska adduunka ee Interpol waana dal haysta hubka Nuclear,ka ah.

Xagga Diimaha haddii aynu eegno dadka Faransiisku badankood waa masiixiyiin waxana ay dalkaasi ka yihiin 94%

Muslimiin oo dalkaasi dadka ku nool ka ah 4% waxaa tiradooda guud lagu qiyaasaa 5 illaa 6 million oo ruux.

Dhaqan ahaan dadka Faransiiska waxay isku eg yihiin dadka Talyaaniga waxaana dumarka Faransiiska dhaqan ahaan u xirtaan maro u sameysan sida cambuurka oo kale oo dhanka hoose u weyn qaarka sarana u yar halka raggooduna ay xirtaan maryo qamiiska u qaab eg.

Dhanka cunnadda dadka Faransiisku waxay dhaqan ahaan u cunaan hilbo la dubay oo haddana maraq loo yeelay oo dalkaasi looga yaqaan Foie gras

Ugu dambeyna haddii aanu eegno xagga cayaayara Faransiiska kubbadda cagta aad baa loga xiiseeyaa waxaana xulka K/cagta dalka Faransiisku uu qaaday koob adduun hal mar oo aheyd sanadkii 1998 oo Faransiiska lagu qabtay.

Cayaartoyda Faransiiska ayaa Sadex gool iyo waxba kaga adkaaday cayaartii kama dambeysta ee ay la cayaareen xulka dalka Brazil

Sidoo kale xulka Faransiisky waxaa uu guulo ka gaaray cayaaro kale oo caalami ah waxaana dalkaasi kasoo jeeda cayaartoy fara badan oo dhanka cayaaraha sumcad weyn ku leh.

Nolosha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

in kabad $74 dadka farnnsiisku waxa ay kunoolyihiin magaalooyinka waawayn magaalda Baaris iyo hareereheeda kaliya waxaa dagan dad gaadhaya ilaa 9 milyan oo qof.dadkuna waxy daganyihiin guryo aad iyo aad udheer.sidoo kale qaar kamida dadka kunool farnsiisku waxy xiiseeyaan in ay degaan guryo qadiima.

Nolosha miyiga waxa kunool %24 dadka farnsiiska,waa beeralay,cuntada farnsiisk waa mid kamida cuntooyinka ugu caansan Caalamka.

diinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Farnsiisku waa dawlad cilmaaniya xoriyada diintuna waa xaq distoori ah.waxay gaadhaysaa tirada Masiixiyad Kaatooliga ahi %65 dadka aan diinba haysan waxaa lagu qiyaasaa %25 halka islaamku uu yahay %6 dadka faransiiska.


Madaxweyneyaashii Faransiiska[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Juquraafi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaalo :

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:








Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki