Culusoow goormuu Qabyaalad ka xishoonayaa

Wasiiradii  Maaliyada iyo dibadda waa laga tegay, madaxweynaha waxa la socda 8 xubin oo HAG ah.

IMG 8696a

Shirkii Caalamiga ahaa oo dhowaan lagu qabtay dalka Japan oo looga hadlaayey arimaha Soomaaliya   ,  waxa si qabyaaladaysan looga tagay labadii Wasiir oo u xilsaarnaa arimaha dibada iyo maaliyada Soomaliya  oo kala ahaa   Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleyman oo ka soo jeeda Beesha Daarood, Majeerteen  iyo Wasiirka u xilsaaran arimaha dibada Fawsiya Xaaji Adan oo ka soo jeeda Beesha Dirta, Isaaq. Xaajadan ayaa Fadeexad qaawan isu bedeshay kolkii madaxwaynuhu uu magaalada Nairobi ku reebay wasiiradda Arrimaha Dibada, si anaay wax badan uga ogaan arimo fara badan oo looga wada hadlayo shirar gaar gaar ah  iyo heshiisyada hoose ee madaxwaynaha iyo kooxda HAG ay la galayeen shirkadaha Jaban.

Waxaa lagu bedelay wasiiradii Qaranka Soomaaliyeed  oo Madaxweynaha u raacay Dalka Japan sideed nin oo ka shaqeeya xafiiska madaxweyne Xasan Culusoow oo markii horeba loogu shaqaalaysiiyey beesha ay ka soo jeedaan   oo ah Beesha Madaxweyne Culusoow ee Hawiye.

1-Xuseen Iidoow Murursade – HAG, Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada.

2-Ibraahim Baana – Abgaal -HAG Protocol of the presient.

3-Eng. Yariisoow – Abgaal HAG, Information iyoo la taliyaha madaxweynaha

4-Xaayoow Gacal – Murursade – HAG Wasiirul Dawle Foreign Affair.

5-Xassan Culusow – Abgaal  HAG madaxweyne

6-Kamaal Guutaale Agaasimaha Madaxtooyada – Habargidir – HAG.

7-Sheekh Ciise – Abgaal – HAG

8- Abudalahi Afrah – Abagaal

9-Caynte – HAG.

Wararka hoose oo naga soo gaaraya magaalada Yokohama ee wadanka Jaban ayaa sheegaya in madaxwaynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow, uu  shirar dhawr ah oo dhamaantood qarsoodi ahaayeen la yeeshay madaxda dawladda  iyo shirkadaha dalka Japan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusow iyo wafdigii uu hogaaminaya ayaa dhowaan gaaray dalka Japan, waxayna ka  qeyb-galaan shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha,fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada, horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka.


Additional information